Xaaji dalaayad iyo qaad joojintii (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Waxa la yidhi waagii ingiriisku Hargaysa jaadka ka joojiyey ayaa Abwaan Dalaayad u safray Magaaladda Jabuuti , dabeeto akhyaar reer Jabuuti ah ayaa jaad ku sooryeysay , xaajigii oo qayilaya bay yidhaahdeen xaaji intani waa kusii sugiiye ย jaadki wuu sii socdaa , dabeeto xaajigu wuxuu la yaabay sidda jaadka loogu wadh-wadhay iyo jaad la’aantii Hargaysa ka jirtay , markaasuu yidhi isagoo ragii a kaftamaya.

1- Nimankiinan dheel dheelayoow waa ka dheregteene.

2- Dhabtuun baa ku gurateen qodaha dhumucda waawayne.

3- Dhankayaga dirqaa laggu helaa dhiig tif leeyahaye.

4- Ha i dhaafinina caawa wuu ii dhadhamayaaye .

 

Imika malaga yaabaa in rag ka gabyo xiligan jaadwaaga kolay sidii raggii horre cidina uma gabyi kartee .