Xukuumadda Somaliland oo xaqiijisay qofkii ugu horeeyay ee u geeriyooda fayraska Covid-19

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xaqiijisay qofkii ugu horeeyay ee u geeriyooda fayraska COVID-19.

Masuuliyiinta wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland oo uu ugu horeeyay Wasiirka wasaaradda mudane Cumar Cali Cabillaahi ayaa xaqiijiyay in uu jiro qof qaba fayraska covid-19 uu ku geeriyooday magaalada Boorama.

Dhanka kale wasaaraddu waxa ay sheegtay in kiisaska Somaliland ay kordheen oo ay noqdeen 9 qof, iyadoo ay tiradu ahayd 6 kiis oo saddex kamid ahi ay bogsadeen.

Saddexda qof ee laga helay ayaa mid kamid ah waxa uu ka imid Dalka dibeddiisa halka labada kalena ay kala yihiin magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera. Waxaanay wasaaraddu sheegtay in saddexda qofba ay kujiraan gacanta wasaaradda.

 

Bandhige@gmail.com