Karoone keen: maxaa bilaabmi doona August 2020? Q.2aad (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

• Waxaan ahay nin waayaha adduun, wax uga muuqdaan’e,

• Waxyi iguma soo dego haddana, wax ima seegaan. (Luggooyo. AHN)

 

Qormaddeennii hore waxa aynnu ku xusnay saddex arrimood oo ah sababaha ugu mudan ee kellifaya in ay dad badan oo Soomaaliyeed oo hore galbeed ugu hayaamay dib u soo baqooli doonaan.

Haddaynu dib isu xasuusinno sababahaasi waxa ay ahaayeen:

1) Cudur ka caraar – Caafimaad raadin!

2) Caydh ka caymad-Cuud raadin!

3) Caruur la roor !

 

Qaybtan waxa aynnu si kooban ugu faahfaahinaynaa labada qodob ee hore.

 

Shaki kuma jiro in dadka qaarkood ay la cuslaanayso suuraggalnimada in muddadaas kooban dad tiradaa le’egi ay soo noqon karaan, waxase xasuusin mudan, had iyo jeer isbeddellada degdegga ahi kuma yimaaddaan qorshe iyo ku talagal ee waxa ay ka dhashaan duruufo si lama filaan ah u abuurmay iyo dhacdooyin waaweyn oo aan hore u sii qorsheysnayn, sida: Dagaallo degdeg u dhaca, cudurro si lama filaan ah u faafa, aafooyin kale oo samaawi ah oo dhaca iyo wax la mid ah.

 

Dib u soo hayaanka aan saadaalinayo ee Soomaalidu waa mid aan ku talagal hore lahayn, dhab ahaantii way jiraan dad sababahaas qaarkood dartood ay u qorshaysnayd in ay dalka dib ugu soo noqdaan, si kama danbeys ama ku meelgaadh ahna u degaan, hase yeeshee waxa aan ka hadlayaa waa mawjado dad ah oo soo butaaca, sababta ugu weyn ee dib u soo guclayntooduna ay tahay aafada ka dhalatay Covid-19.

 

1- CUDUR KA CARAAR-CAAFIMAAD RAADIN!

 

Haddaba qodobka ugu horreeya haddii aynnu is dultaagno, aynnu isweyddiino: “Sidee ayay dadku cudur uga soo yaacayaan iyaga oo deegaannadoodii hore ee Geeska Afrika doorbidaya oo caafimaad ka raadinaya?

 

Waa muuqaal aanay sahlanayn in la suuraysto qof London ka soo cararaya oo Laascaanood caafimaad ka raadinaya!

 

Maahmaah Carbeed ayaa tidhaahda: Marka sababta la ogaado ayuu yaabku qarsoomaa/buraa.

 

Aynnu qodobbaynno:

1) Cudurkan Covid-19, weli looma hayo dawo rasmi ah, waxase jira fikrado tilmaamaya waxyaalaha faafiddiisa yareeya amaba lagaga bogsado oo bulsho weynta caadiga ah iyo xarumaha aqoontaba ka dhexjira, diraasado dhawr ah ayaa tibaaxaya in dhulka kulaylaha ah aanu fayrasku ku noolaan karin, cudurkuna hore ugu faafin.

2) Sidoo kale dawo dhaqameedyo aynnu Soomaali ahaan adeegsanno ayaa la sheegayaa in ay xanuunka ka hortagaan amaba khafiifiyaan, tijaabooyin ilaa hadda macquul ahna laga sameeyey.

3) Sida la arkay Talyaaniga, Spain iyo Ingiriiskaba, daweynta dadka waaweyn ee xanuunkani ku dhacay ma ahayn mid muhiim ah oo bahda caafimaadka priority u ahayd, intaa waxa dheer in dad badan oo Soomaali iyo cid kaleba lehi ay rumaysato in dadka ogaan loo dilayo ama la dayacayo ilaa uu ka dhimanayo.

4) Dadkii muslimka ahaa ee dhulkaa galbeedka ugu dhintay cudurka oo Soomaalidu ay ka mid tahay, waxa calool xumo ku reebay qaabka loo aasay, sidaa awgeed ayay dad badan oo waayeel ahi ka fekerayaan sidii ay dhulkoodii hooyo ugu dhiman lahaayeen oo aas kan dhaama u heli lahaayeen.

5)  Intaaba waxa ka saameyn badan oo geeddiga aan oddorosayo kellifaya, waxa la saadaalinayaa in xanuunku uu xilliga xagaaga ka istaagi doono qaaradda Yurub iyo Maraykan ama ugu yaraan hoos u dhici doono, hase yeeshee uu mar kale wejigiisa labaad ku dhufan doono xilli qaboobaadka soo socda.

 

Qodobbadaas oo la isu geeyey, ka ugu hoosaayaaba ha ugu muhiimsanaadoe ayay Soomaali badan oo weliba u badan dadka waaweyn, dadka xanuunnada qaba iyo ehelladooduba u daneynayaan in ay wakhtigaas ka hor ka soo baxaan Yurub oo ku soo laabtaan dhulkoodii hooyo.

 

Hadda u fiirso, kama hadlayo jiritaanka ama jiritaan la’aanta dhabta ah ee qodobbadan sare, muhiimna iima aha in aan midmid isu dultaago xaqiiqadooda dhabta ahna dood ka galo, waxase aan ka hadlayaa oo muhiim ii ah in ay yihiin waxyaalaha faafay ee kellifaya socdaalka aan filanayo.

 

2- CAYDH KA CAYMAD – CUUD RAADIN!

Sababta labaad ee kellifaysa in ay dad badan oo Soomaali ahi ka soo hayaami doonaan Yurub, waxa aynnu ku macnayn karaa mid ay kelliftay mushkilad dhaqaale.

Cilmi baadhisyo badan oo aan arkay ayaa saadaalinaya in uu adduunku geli doono xaalad xanuun badan oo dhaqaale burbur ah, waxaana la saadaalinayaa in uu ka xumaan doono kii dhacay sagaanshan sannadood ka hor, waa soddoneeyadii qarnigii hore ee labaatanaad ee la odhan jiray “Great depression”, kaasoo socday muddo toban sannadood ah.

Maraykan oo uu ka bilaabmay ayaa la yidhaahdaa waxa shaqo la’aani ku dhacday dad ka badan 25 Milyan oo ruux, sidoo kale, kala badh bangiyadii ka jiray dalkaas ayaa kacay, suuqyada saamiyada iyo lacagaha ayaa xidhmay, dhibaato weyn ayaa dunida oo dhan soo gaadhay.

Waxa kele oo la saadaalinayaa in malaayiin qof ay shaqo la’aani ku dhici doonto, sidoo kale boqollaal kun oo ganacsi xidhmi doonaan, waxa la saadaalinayaa in ay dawladuhu kaydkooda dhaqaale isticmaali doonaan, oo qaar badani faro madhan isa soo taagi doonaan, waynnu aragnay culayska saaran dawladaha qaarkood oo shaqaalihii xukuumadda iyo pravite-ka ahaaba guryahooda ku siinaya mushaharaadkoodii, bangiyadii iyo shirkadii waaweynaana kabaya si aanay u fashilmin oo u xidhmin, dadkii bilaash ku daweynaya, guryahoodana ku quudninaya, intee in le’eg ayay dawladda Maraykan oo adduunka ugu dhaqaale rooni culayskaa sii xammili kartaa?, waa sababta ay u doonayso maalmahan in ay xanuunka iyo dadka isku fasaxdo!

Dadka qaar ayaa laga yaabaa in ay ku doodaan, dadka badan ee Yurub iyo Marakaykanka ka dhintay waxa ay banneeyeen boosas shaqo oo in la buuxiyo u baahan doona, waa fikir aan sax ahayn, sababahan awgood:

1) Dadka dhintay waxa ay u badan yihiin dad hawl gab ahaa, sidaa awgeed waxa ay ahaayeen macaamiil (Consumers) ee ma ay ahayn dad waxsoosaar leh (producers).

2) Dadkaasi suuq weyn ayay la god galeen, sidaa awgeed share-koodii suuqu waxa uu qasbi doonaa in uu waxsoosaarka hoos u dhigo, taasina waxa ay keensanaysaa shaqaale dhimid ee ma keenayso shaqo abuur.

Taa macnaheedu waxa weeye qof kasta oo baxay fursad shaqo oo luntay ayuu qayb ka noqonayaa ee ma aha mid fursad shaqo oo buuxin u baahan banneeyey.

Labadaa arrimood oo lagu daray qodobkan saddexaad ee hoose waxa ay sababi doonaan shaqo la’aan baahsan.

3) Muddadii uu xanuunku jiray waxa aad loo adeegsaday oo la tijaabiyey in technologyada laga faa’iidaysto oo la dhimo shaqaale badan, taasina waxa ay qayb weyn ka qaadanaysaa in shaqaale badan laga maarmo.

4) Ma sii jiri doonto taageerada dawladuhu siiyaan dadka dakhligoodu hooseeyo ama shaqa la’aantu hayso, taa beddelkeedana waxa dhici karta in ay dawladuhu cashuurta kordhiyaan si ay dhaqaale ay hawlahooda ku maamulaan u sameeyaan.

Saddexda qodob ee sare waxa ay sababi doonaan in dad badan oo Soomaali ah ay shaqo la’aani ku dhacdo, halka qodobka 4aad uu meesha ka saarayo rajadii hore loogu noolaa ee ahayd kabitaanka dawladda, arrimahaas oo lagu daray sababaha kale ee aynnu sheegnay ayaa kellifi doona in ay dad badani yidhaahdaan: lama huraan waa caws jiilaal.

Dadka inta soo noqon doontaa dabcan, waa inta awoodda in ay soo noqoto, ha ahaadeen dad markii horeba ku talogalkoodu jiray oo arrintani soo qasabtay amaba ha ahaadeen kuwo gacanqabsi haystay oo arrinkani ku soo kediyey, waxaanay u badan karaan dadkii hore halkan wax uga sii sameystay, sida ganacsiyo amaba ugu yaraan guryaha ka dhistay dalka.

Inkasta oo qoraalku dheer yahay haddana aad baan isugu deyey ina aanan sharraxaado dheeraad ah bixinnin.

• Geyiga Soomaaliyeed

• Garaadka ninkii isbiday

• Galbeediyo meel fog aad

• Wallee geed kastay koraan

• Wallee god kastay galaan

• Dhulkooda galoolka badan

• Wallee goob aan ahayn

• Xushmiyo guul kuma helaan! (Beder-2017)

Waxa loo bixin doonaa “Karoone Keen”

la soco qaybta xigta……..

Dr-Abdulqani Hussein Beder