Gen Maxamed Caynaashe guuleed ,wuxuu ka mid ahaa 8 ย sarkaal ee ugu horeeyey Ciidamadii Dawladii daakhiliga ahayd ee ย Soomaaliya tababarka ugu dirtay wadanka Talyaaniga sanadkii 1952 , sideedaa ย sarkaal oo kala ahaa ,:- Daaโuud Cabdulle Xirsi, Maxโed Abshir Muuse, ย Maxโed Ceynaanshe Guuleed, ย Maxโed Ibraahin Axmed (Liiq-liiqato), Xuseen Kulmiye Afrax, Maxโed Siyaad Barre Cabdille, Maxโed Bin Khamiis, Cabdalla san Dheere.
Markii xoriyadii lixdankii ย ay soo dhawaatay ayaa Xisbigii SYL isagoo ku shaqaynaya qaacidada xisaabeed ee saami qaybsiga wuxuu magacaabay madaxdii ciidamada booliska iyo milateriga oo markaa la aasaasayay , waxaanu ku saleeyey qaacidadan 2.5 , Hawiye X Darood . inta kale 0.5 ,qabtina waxay u dhacday sidan .
1-Taliyaha Milateriga ย Gen Daauud Cabdile faynuus hawiye , kaasoo horre u ahaa Gaashaanle .
2- G/sarre , Maxamed Siyaad Barre Darood ย ku xigeen , horrena u ahaa gaashaanle .
3- Taliyihii booliska Gen Maxamed Abshir Muuse , Daarood ย , kaasoo horre u ahaa Gaashaanle .
4- G/sarre Maxamed Ibraahin liiq-liiqato , Hawiye , taliiye xigeen , horre u ahaa gaashaanle .
Maxamed Caynaashe sidda saaxiibadii muu helin dalacaad iyo xil wayn midna , hassa yeeshee waxaa la siiyay hal xidig oo munaasabadii xoriyadda awgeed loo dalacsiiyey , waxaanu sidaa ku noqday Gaashaanle dhexe ( Colonel ) , waxaana 1960 loo magacaabay Taliyihii ugu horeeyey ee Qaybtii 26 aad ee Hargaysa .
1961 Markii uu dhacay Inqilaabku Maxamed Caynaashe wuxuu ahaa taliyihii badbaadiyey midnimadii wadankii waagaa la odhan jirey Soomaaliya ee cagta mariyay saraakiishii isku dayday inqilaabkaas , kaasoo ย ay hogaaminayeen sadex sarkaal oo ay isku hayb ahaayeen kuwaasoo kala ahaa.
1-2 xidigle ย Xasan kayd , habar yoonis .
2- 2 xidigle C/laahi Koongo habar yoonis .
3- 2 xidigle Muxumed Awr ย Habar yoonis .
Maxamed Caynaashi hawshaa uu qabtay laguma tixgelin , waxaana lagga dhigay mar danbe Hogaan ka tirsan Taliskii guud ee ciidanka.
1965 Markii uu geeriyooday Gen Daauud oo ahaa taliyhii guud ee Milaterigu , Maxamed caynaashe wuxuu siiniyaarati ย ahaan ugu dalacay taliye xigeenkii Milateriga , waxaanu ku xigeen u noqday Maxamed ย siyaad ,oo badalay Gen Daauud .
1965-69 ย Caynaashe ย Wuxuu ahaa taliye xigeenka milateriga, markii inqilabku dhacayna ย ee taliyihii milateriga Maxamed siyaad noqday Madaxwaynahana ย waxaa loo magacabay taliye iyo wasiirkii gaashaandhiga Salaad gabayle iyo ย Maxamed Cali samatar oo ahaa saraakiishii Caynaashe ka hoos shaqaynayn jirtay hasa yeeshee Caynaashe booskiisii buu joogay lamana dalacsiinin .
Golihii sarre ee kacaanka markii la dhisayay , Waxaa gudoomiiye u noqday Maxamed Siyaad , ku xigeena waxaa noqday Jaamac Qoorsheel oo ahaa taliyihii Booliska , Caynaashe oo booska ku xigeenka xaq u lahaa maadaama uu ku xigay maxamed siyaad booskii uu xaqa u lahaa waa la dhaafiyey .
1972 ย ayaa la xidhay Maxamed Caynaashe guuleed , Maxkakamadii badbaadada oo ahayd maxkamad aan sharci ahayn ayaana ku xukuntay dil , xukunkaas ka dib , Maxamed caynaashe waxaa lagga codsaday in uu cafis u qorto maxamed siyaad , hassa yeeshee Caynaashe wuxu ku dooday , anigu wax danbiya maan gelin , binu’aadamina cafis waydiisan maayo , sidaas ayaana Maxamed Caynaashe lagu dilay 1972 .
Sidda ay isku raaceen dad badan oo taariikhda lagga waraystay ama wax ka qoray , Maxamed Caynaashe wuxuu ahaa , nin af-gaaban , ehlu cibaado ah oo daacad ah , hassa yeeshee halyeygaasi wuxuu naftiisa ku waayay cadaalad darro , weligiina tariikhdiisa lama xusin , goob laggu xasuustana looguma magacdarin .