Guudmarka iyo Gorfaynta buugga “Qab iyo Quudhsi” (WQ: Maxamad M. Yuusuf)

Waa buug ka kooban 11 cutub iyo 292 bog. Waa buug loo qoray si qurux badan, taasna waxaa loo aanayn karaa dadka badan ee buugga wax ku darsaday. Waxaa buugga wax ku darsaday qoraa, tifaftire, iskudubbaride, quraarade, farshaxanatiiste iyo qaabeeye jaldi. Waa nasiib aysan buugta Afsoomaaliga ku qoran badankoodu helin.

Wuxuu buuggu ka hadlayaa nolosha qof magiciisu ku koobanyahay Koombe. Qoraaga buuggu waa Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid ( Juxa). Waxaa buugga loogu wanqalay magaca Qab iyo Quursi, laakiin illaa laga gaaro jumladda buugga u dambaysa arki maysid wax cinwaanka la xiriira. Waxaadba is oranaysaa, waxaa magacaas Qab iyo Quursi kaga qurux badnaa magaca BAXSAD. Waxaa buugga loo turjumay Af-ingiliish iyo Af-faransiis, isagoo wata magaca: KOOMBE’S STRUGGLE: A LIFE STORY OF A SOMALI IN EXILE.
Inta aynnu ku gudajirno akhrinta buuggu, waa sidii inagoo Netflix ka daawanayna filin taxane ah oo uu atoore ka yahay wiil yar oo Koombe la yiraarhdo. Biloowga ilaa dhammaadka filinka, Koombe waa baxsad. Mar wuxuu ka baxsanayaa degaanno duruufta noloshu u saamixi weyday in uu ku nolaado, mar kalana fikrado iyo falsafado uu midba mar la noolaa. Hase ku dagmin oo filinku waa filin loo ogolyahay kaliya in ay daawadaan dadka ka weyn da’da 18ka sano.

Baxsadkii 1aad ee Koombe: Miyiga ilaa Magaalada

Isagoon weynaan ayuu Koombe ka xiiso dhigayaa noloshii miyiga ee uu ku barbaaray.Waxay taasi keenaysaa in uu u baxsado magaalada Qardho. Sababta ugu weyn ee uu miyiga uga baxsanayo Koombe waa “ Macmacaan Jacayl”, wuxuu si gaar ah u doonayaa timir iyo xalwad uu hadda kahor aabbihii siiyay. Ma jiraan ehel iyo asxaab Qardho uga horreeya oo uu ku dego. Wuxuu ku biirayaa nolosha is-korisnimada iyo dibjirnimada ee Qardho ka jirta. Wuxuu shaqo ka bilaabayaa in uu baaldiyada biyaha ah u qaado gabdhaha xarragoonaya ee reer Qardhood. Wuxuu sidoo kale baranayaa sida maqaaxiyaha cuntada looga cuno ee looga dhuunto.
Wuxuu gelayaa xabsi kadib markii haweenay uu ku yiri “ Eeddo lacagtaan qaado oo meel i seexi” ay u fahanto in uu xumaan u jeedo. Markay askartu ogaato in is-fahan darro dhacday ayaa mid kamid ah askartu intuu u diirnaxo geynayaa gurigiisa. Ku se raagi mayo guriga oo waxay biloowgaba is qoonsanayaan oorida askariga oo ka didaysa in wiil reer Berde ah loo keeno yada oo ah reer Daray ah. Qoraagu wuxuu “Berdaha” iyo “Darayga” oo laba geed ah ula jeedaa laba reer oo uu ka masuugay in uu magacyadooda sheego.
Inta aad buugga akhrinayso, waxaad arkaysaa qoraaga oo si xadhaaf ah ugu taagtaagsanaya tilmaamidda jirka haweenka iyo ficilada gogosha ee laga xishooda sheegsheegooda dhaqan ahaan iyo diin ahaan. Waxaa yaab iyo amakaag kugu noqonaysa in qoraagu ka xishoon waayo sheegsheegidda iyo tilmaanta jirka dumarka iyo falalka galmada, kana xishoodo sheegidda magacyada qabiillada sharfan ee aan ceebta ahayn.

Baxsadkii 2aad ee Koombe: Ku biiritaankii Fallaagada

 

Waa kan mar kale Koombe oo baxsad ah. Qoraagu sheegi mayo inta sano ee u dhexaysay markii uu magaalada soo galay isagoo baxsad ah iyo markaan uu jabhadka noqonayo. Waxay se u egtahay in ay sannado dhawr ahi u dhexeeyaan maadaama uu Koombe markaan iskuul dhiganayay.
Safarkaani waa ku duwanyahay kii hore ee Koombe miyiga kaga soo baxsaday. Safarkaas miyiga, koombe wuxuu ogaa halka uu u baxsanayo iyo sababta uu u baxsanayo. Wuxuu u safrayey magaalada Qardho isago doonaya macmacaan. Hadda xaalku sidaas ma aha. Koombe ma yaqaan sababta uu u baxsanayo.
Wuxuu ku baxayaa fikrad iyo maskax dad kale.
Wuxuu ogyahay oo kaliya in dawladda iyo qabiilkiisa uu dagaal ka dhexeeyo. Waxa ugu weyn ee la oran karo waa riixayaan waa caro qabiil u hiilin iyo caadifad. Wuxuu go’aansaday in uu qabiilkiisa la jirsado oo dawladda la diriro.
Wuxuu u socdaa Itoobiya oo xarun u ah jabhad dawladda la dagaalanta oo reerkiisa ah. Waxay caawa is raacayaan 35 nin oo reerka dawladda la dirirsana ah. Waxaa kamid ah macallinkiisii suugaanta iyo dhaqanka, dhawr arday oo ay isku fasal ahaayeen, askar hore oo dawladda ka baxsatay iyo dhawr shaqolaawe.
Toddobaad socod ah kadib, Koombe iyo xertiisu waxay ka gubayaan xadka Soomaaliya iyo Itoobiya yaga oo tegaya xerada falaagada.
Subixii kowaadba wuxuu Koombe saxiixay heshiiskii SADQAYNTA NAFTIISA. Wuxuu ku dhaartay in uu naftiisa iyo maalkiisaba u hurayo xorraynta dalkiisa. Waxaa horay looga bilaabay tababar ciidan, waxaana loo sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay saaranyihiin doon xamar u socota oo deyaysan.
Maalmo yar kadib, wuxuu Koombe horay ka galay dagaal. Waa dagaalkii u horreeyey ee uu abid galo. Wuxuu wataa qori AK47 ah, boosh rasaaseed iyo buraashad biyo ah. Waxaa lagu daray ciidan uusan ogeyn meel uu u socdo, gadaal se uu ka ogaan doono in uu yahay col duulaan ku ah Soomaaliya.
Maadaama ay tahay goobtii u horraysay ee dagaal ee Koombe xaadiro, Koombe wuxuu kala garan waayayaa cadawgiisii iyo saaxiibkii. Wuxuu kala garan waayayaa halka ay xabbadu u socoto iyo halka ay ka socoto. Ilaah se wax kuma yeelin dagaalkaas. wuxuu se warinayaa in falaagadii uu la socday ay u dhinteen una dhaawacmeen sida ayax la buufiyay. Dagaalkaas kadib, Koombe waxaa loo xilsaaray in uu kushiinka u galo ilaa 50 askari oo fallaago ah. Wuxuu noqonayaa cunno kariye.
Markii ugu horraysay, muddo saddex sanno ah, ayuu Koombe dhufayska kasoo baxay. Wuxuu yimi magaalada Wardheer. Wardheer waa waxaa lagu tilmaamaa magaalo, waa se tuulo weyn. Xoogaa lacag ah iyo saddex beri oo fasax ah ayuu wataa Koombe, wuxuuna ka fekerayaa halkii iyo sidii uu ku bixin lahaa. Wuxuu goostay in uu tago guri dumarka jirkooda ka ganacsadaa joogaan. Waa meel lagu cabbo khamriga, dumarka jirkooda ka ganacsadaana joogaan. Dumarka jirkooda ka ganacsada ayuu saas u eegayaa si uu u kala doorto; mid Itoobiyaan ah oo Almas la yiraahdo ayaa fahmaysa in uu wax doon yahay, taasaa u imaanaysaa, laakiin waxay isku fahmi waayayaan qiimaha uu halka habeen kula seexan karo. Mid kale oo Soomaali ah ayaa ay is fahmayaan oo qolkeeda isu raacayaa, waxba wada samayn mayaan, wax se kala qarsan mayaan.

Baxsadkii 3aad ee Koombe: Furinta dagaalka ilaa Addis Ababa

 

Waa safarkii saddexaad ee Koombe. Waxaad mooddaa in uu ka wanaagsanyahay labadii safar ee hore. Koombe, wuxuu si lama filaan ah u arkayaa macallinkiisii taariikhda oo ka baxaya mid kamid ah guryihii dumarka jirkooda ka ganacsada. Wuu sugayaa inta macallinku meesha baas ka fogaanayo, si uu san uga nixin. Macallinku wuxuu kamid yahay madaxda sarsare ee fallaagada, wuxuuna Wardheer u yimi kormeer ay isaga iyo rag kale oo madax ahi ku samaynayeen furimaha dagaalka ee fallaagada.
Koombe wuxuu macallinkiisa uga warramayaa dhibka meesha ku haysta. Macallinkuna wuxuu Koombe ugu laabqaboojinayaa in uu Addis Ababa u raaco si uu shaqo uga qalqaaliyo idaacadda fallaagad ee Radio Kulmis. Koombe wuxuu si bilaa shuruud ah ku aqbalayaa soojeedinta macallinka, sababtoo ah wax ka lumayay ayaa yaraa. Wuxuu Koombe ka baxsanayay xabbadda iyo dagaalka, wuxuu kale oo ku kalsoonaa inuu shaqada idaacadda u baran karo sida uu dagaalkaba u bartay.
Wuxuu Koombe gaarayaa Addis Ababa isagoo degaya mid kamid ah guryaha madaxda fallaagada. Wuxuu ka raysanayaa silicii iyo rafaadkii furinta dagaalka. Wuxuu degayaa qol sariir leh, wuxuuna wax cunayaa saddexda waqti ee maalintii.
Koombe wuxuu ka shaqo gelayaa raadiyaha fallaagada ee Kulmis. Waa raadiye aan tixgelin oo ku xadgudba xeer walba oo saxaafadi leedahay. Wuxuu ka shaqeeyaa ceebaynta iyo dhaleecaynta taliska Xamar ee ay la dagaalamayaan. Koombena waxba xeerin mayo oo wuxuu sheegayaa been iyo borobogaando kasta oo lid ku ah dawladda Soomaaliya.

Baxsadkii 4aad ee Koombe: Safarkii Waxbarasho ee Czechoslovakia

 

Taliska Itoobiya ee fallaagada taageera iyo dawladda Soomaaliya ayaa heshiis ku galaya Jabuuti. Waxaa lagu heshiinayaa in labada waddan uu mid walbaa joojiyo taageeridda jabhadaha ku kacsan tan kale. Waxaa la xirayaa idaacaddii Koombe ka shaqayn jiray ee Raadiyoow Kulmis. Waxaa Koombe iyo kooxdiisii la siinayaa laba doorasho oo midiba mid ka darantayay: Ninkii dagaal raba dalkiisa haku noqdo oo haka dhex dagaalamo, kii kalana dalka haka boxo.
Xaaladaas xun ayuu Koombe helayaa faraj. Waxaa warqadi uga imaanaysaa danjirihii fallagada ee Cadan. Waa deeq waxbarasho oo dalka Czechoslovakia ah.
Wuxuu isu diyaarinayaa safar waxbarasho oo dibadda ah iyo baxsad kale oo nolosha ah. Waxaa se ka hor imaanayo caqabado ay koow ka tahay baasaboor la’aan, maadaama uu lumiyay xuquuqdii waddaninnimo ee dalkiisa markii uu fallaagada ku biiray. Talaa ku caddaanaysa. Waxaa se mar dambe baasaboor Tansaaniyaan faalso ah u soo diraya qolo ay qaraabo yihiin oo Nayroobo joogta. Koombe wuu dhoofayaa wuxuuna ka degayaa dalkii uu u socday ee Czechoslovakia. Jaamacadda ka hor waa in uu maraa waxbarasho luuqadda waddankaas ah oo sannad ah. Waa in uu baasaa imtixaankaas si uu ugu gudbo jaamacadda.

Baxsadkii 5aad ee Koombe: U baxsadkii Jarmalka Galbeed

 

4 bilood oo uu dalka joogay, Koombe waxba uma shaqayn. Imtixaankii koowaad ee iskuulka si xun ayuu u dhacay, maaddo walba “eber” ayuu keenay. Macalimiintiisu shaki yar ayay ka qabaan in uu kamid noqon doona kuwa dhici doona ee dhammaadka sannadka lagu celin doona waddamadooda.
Koombe, waxaa cadaw ku ah markaan wax kasta oo ku hareeraysan. Waxaa cadaw ku ah afka, cunnada, hawada, waxbarashada iyo waxkasta oo kale oo ku hareeraysan. Xitaa qolkiisa yar ee uu deganyahay ayaa cadaw ku ah. Ma aha meel wax lagu akhrisan karo. Waxaa la degan laba Carab ah oo dumarka ku falan aysanna is af fahmin. Habeen walba waxay qolka la yimaadaan dumar xunxun oo kula tuntaan. Hadduu ka baxana waa bannaan joog, hadduu la joogana waa belo u joogo.
Ugu damayn wuxuu Koombe isku qancinayaa in uusan ka bixi karin hawsha sugaysa, uuna yahay faashil. Muxuu yeelaa? Soomaaliya iyo noloshii faalaganimada kuma uu laaban karo, tanna waa kan wadi waayay. Wuxuu go’aansanayaa in uu iskaga dego doonta Shuuciga. Wuxuu go’aansanayaa baxsad kale. Wuxuu markaan tijaabinayaa burhaanta Galbeedka. Wuxuu u xirxirnayaa safar Jarmalka Galbeed ah. Wuxuu been iyo quraafaad u sheegayaa jaamacadisii iyo booliska si loo siiyo ogolaansho bixitaan.
Baxsadkaasi ma noqon doona mid u guulaysta sida baxsadyadii hore. Waxaa Koombe lagu celinayaa halkii uu ka baxsaday. Wuxuuna markaan ku khasbanyahay in uu aqbalo xaqiiqada. Waa in uu isbadbaadiyaa. Waa in uu go’aamo masiiri ah qaataa. Koow, waa in uu ka guuraa labada fataal ee Carabta ah ee la degan. Wuu dedaalayaa. Wuxuu ka gudbyaa sannadkii luuqadda ahaa. Waxaana loo ogolanayaa in uu kulliyadda saxaafadda ka bilaabo Jaamacadda Karlova ee magaalada Prague.
Inta uu jaamacadda dhiganayo wuxuu Koombe u joogayaa waxyaabo badan oo taariikhi ah sida dhiciddii Shuuciyadda iyo furidda darbigii Baarliin.
Inta lagu jiro cutubyada ka warramaya waxbarashadiisii Prague, wuxuu safar dalxiis ku tegayaa Ingiriiska oo ka sheekaynayaa nolosha Soomaalida halkaas ku nool iyo sheekooyin kale ku saabsan qooysas Soomaali ah. Waa sheekooyin cajiib ah oo falsafadaysan.

Baxsadkii 6aad ee Koombe: Nabadgelyayntii Prague

 

7 sano markuu joogo Czech, ayuu Koombe ka fekeray halka uu safarkiisa xiga yahay. Wuxuu isku deyeyaa in uu deganaansho qaxootinimo ka helo dalka uu wax ku bartay. Waxaa codsigiisa la diidayaa ilaa saddex jeer. Marka u dambeeya, waxaa diidmada qaxootinimo ee Koombe kusoo aadaysaa xilli xun. Waa xilli ay macasaalamaysay gabadhii ay waqtiga dheer saaxiibbada ahaayeen ee Sandra. Waa gabar Ingiriis ah oo ay isu yihiin sidii nin iyo naag is qaba, waloow uusan sheegayn wax guur ah oo dhexmaray.
Wuxuu goosanayaa markaan in uu kamid noqdo Soomaalida badan ee galbeed u haajirka ah. Waxuu nabadgelynayaa magaaladii Prague iyo gabadhii ay isla bixi jireen ee Sandra. Koombe, buugga ku sheegi mayo waddanka ka tirsan galbeed ee uu u haajiray.
Gabogabo
Buugga Qab iyo Quursi, waa buug u qoran si qurux badan, mudanna in la akhriyo. Ugu yaraan wuxuu qofka akhriyaa ka baran karaa sida toolmoon ee wax loo qoro iyo sida sheekooyinka la isu saarsaaro.

Dhanka kale, waa buug khatartiisa wata. Wuxuu qoraagu afka ku ballaarinayaa wixii qof Soomaali ama Muslim ahi ka xishoon lahaa. Qoraagu waxba qalinka ka dhawri mayo. Waxay ahayd in erayada qaybtood laga afgobaadsado ama la maldoho ama lagama maarmo, maadaama aysan waxba ku kordhinayn tayada sheekada.

WQ:Maxamad M. Yuusuf