1. Muddo iminka qiyaastii laga joogo 3 sandood, ayaa waxa fariin email ah ii soo dirtey gabadh joogta magaalada London, waxaana ay igu tidhi, fadlan tilifoonkaaga ii soo dir, inan kula hadlo ayaan doonayaaye. Waa gabadh firfircoon oo aad uugu halganta horumarinta Soomaaliland. Waxa an xilligaa joogey magaalada Sanca. Nambarkii tilifoonkeyga ayaan u direy gabadhii. Waxa ay gabadhaasi daba socotey maqaal an qorey oo warbaahinta ku soo baxey oo qeyb ka ahaa taxanayaal an kaga hadlayo mustaqbalka Soomaaliland. Gabadhii tilifoon ayey ii soo dirtey oo waxa ay i weydiisey, sababta an uugu maleeyey in Soomaaliland mareyso dariiq qaldan marka ay timaaddo ictiraaf raadinta iyo gooni isu taagga. Waan u jawaabey intii aqoonteydu aheyd. Gabadhiina arimaha qaarkood wey igu diidey.
2. Xiligaasi gabadhu ila soo hadashey, waxa an qori jirey qeybo ka mid ah buug yar oo an qori jirey oo magaciisu ahaa #ICTIRAAF_Raadinta_Wax_Aan_La_Garaneyn. Qoraaladeydaa waxa an ku sheegi jirey sida aaney u caddeyn ictiraafka ay Soomaaliland raadineyso, halka ay ka raadineyso, cidda heysa, iyo cidda raadineysa laftooda aqoonta ay waxan u leeyihiin iyo shuruudaha ku xidhan ee la rabo in la buuxiyo si loo helo. Boqolaal qoraalo iyo email-o ah ayaa la ii soo direy xiligii an qoraaladaa sameyn jirey oo intooda badani ay igu bogaadinayaan oo ay ii sheegeen sida ay uuga faa’iideysteen qoraalkeyga. Sidoo kale waxa jirey tiro dad ah oo igu diidanaa fikirkeyga. Qaarkood waxa ay i lahaayeen “waar Istaaqfuruleyso”, waayo qoraalkeyga ayaan ku sheegey in dariiqa ay Soomaaliland heyso ee ictiraaf raadintu uu iska soo xidhmayo oo uu khasaare ku danbeynayo, aniga oo ku doodayaa, inaaney jirinba barnaamij cad oo ictiraaf lagu raadinayo, laga soo bilaabo 1991 ilaa maanta. Qoraaladii ictiraafka ku saabsanaa waan iska joojiyey berigaasi oo waxa an is idhi yey dadka qaarkii tashuush ama niyad jab ku noqon ee haki.
3. Xafladdii caleemasaarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ee bisha May 7-deedii ka dhacdey magaala madaxda jabuuti, waxa ka qeybgaley madax badan oo wadamo kala duwan ka socdey. Madaxdaa waxa ka mid ahaa, madaxweynaha Soomaaliya iyo madax ka socotey dawlad goboleedyo Soomaaliya ka mida. Waxa iyana xafladaasi ka qeyb galey, madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafdi uu hoggaaminayo. Markii ay warbaahintu soo bandhigtey sawiradii xafladda, waxa dhashey buuq aad u weyn oo ay bulshada Soomaaliland ku saluugeen, meesha uu fadhiyey Madaxweynohoodu. Halka madaxdii kale ee addunku ka kala socotey ay meel wada fadhiyeen. Anigu waxa an ka mid ahaa dadka arintaasi dhibsadey. Balse, sababta an u dhibsadey wey ka duwaneyd ta dadka kale oo dhan. Halka dadka badankiisu ay diidanaayeen meesha Madaxweyne Siilaanyo la fadhiisiyey, anigu waxa ay la yaabanaa sida shacabka Soomaaliland khabar maafiska u yahay ee uu u heysto fikir ka duwan ka siyaasiyiintu heysato. Saluugaa an saluugsanahay war la’aan umaddu waa mid ii soo taxnaa ilaa 1991.
4. Aqoonsiga ay Soomaaliland raadineyso iyo gooni isu taaguba waa arin malaasan oo aan sgarax cad laheyn una baahnaa in inta hoos loo sii daadago la jilciyo oo la iftiimiyo halka iminka la marayo iyo halka loo socdaba. Balse waxa an arkey in heshiis lagu yahay an sidaa an wax u wadno ku socono, waxna yaan la iska weydiin. Taasaa keentey inan qoraalkeygan iyo qaar kale danbeba kaga hadlo arintaasi, gaar ahaan ictiraafka iyo dawladnimadeena, weliba marka ay timaaddo gooni isu taagga iyo xidhiidhka Soomaaliya. Haddaad aragto arin ka hadalkeeda la isdiidsiiyo ama la dhibsado, waa laba mid uun oo ah ama arinkaaba qaldan oo la diidayaa in la isku taataabto, ama dadkan arinka wada ayaaban garaneyn waxan ay wadaan oo maba sharxi karaan. Tey doonto ha noqotee, wixii aan sharax waafi ah laga heysan, ee aan la qeexi kareyn ee aan ummaddu isku mawqif ka taagneyn, waxbaa ka qaldan.
5. Waa arin soo jireen ah oo an 25 sanadood ee la soo dhaafayey ku dhaqmeyney oo ah in siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaasha Soomaaliland ay indhaha dadka uun eegaan oo ay u fiirsadaan dhinaca ay dadku eegayaa. Xagii loo bato ee ay arkaan in dadku wada eegayo ayuunbey iyana farta uugu fiiqaan oo ay yidhaahadaan sidaasaa sax ah. Kamaba qasna! Ra’yi iyaga u gaar ah malaha. Arin adag iney dadka u sheegaanna diyaar uuma aha. Khasaaraha uugu weyn ee an sii arkayaa maaha inaan Soomaaliland la aqoonsan doonin. Taasi xanuunkeeda ayey leedahay haddii ay dhacdo, balse waa wax laga gudbi karo oo loo gudbi karo hab kale oo ay Soomaaliland guul ku gaadhi karto. Khasaaraha uugu weyn ee ii muuqda ee dhici kara haddaan laga taxadirin, waa shicibka iyo hoggaamiyayaasha oo kala xidhiidh furtay, oo qolaba ku socoto ajande u gaar ah oo ka duwan ka qolada kale ku socoto. Arintaasina maaha wax cusub ee waa dhaqan soo jirey oo an in badan soo aragney. Marka laga reebo xiligii ay SNM dagaalka ku jirtey oo aheyd xilli umaddii markaa taageersaneyd jabhadda iyo hoggaankeeda ay mid ahaayeen. Mudaddii kale ee ama ka horeysey ama ka danbeysey, markasta laba dhinac ayaa loo kala socdey.
6. Wixii hore marka laga yimaaddo, waa maxey waxa ka qaldamey Soomaaliland marka ay timaaddo Ictriaafka iyo xidhiidhka Soomaaliya guud ahaanba? Horta Soomaaliland marna mey sameysan siyaasad cad oo ku waajahan raadinta aqoonsi buuxa oo ay caalamka ka hesho. Waxa lagu socdey uun hadba fikirka Madaxweynaha xiligaa jooga iyo Wasiirkiisa Arimaha Dibedda. Xitaa fikirka noocaas ihi, marna muu adeegsan 4-ta dariiqo ee caalimaga ah ee dal aqoonsiga ku helo. Marna mey dhicin in dawlad Soomaaliland joogtaa ay si cad oo cilmiyeysan ay dadka u soo hordhigto dariiqa ay u mareyso aqoonsi ay hesho. Waxa talada lagu wadey uun, qaab yar oo indho sarcaad ah oo dadka uun lagaga farxiyo, balse aan mug hoose oo loo dhaadhaco laheyn. Wafdi meel tegey oo ka sheekeeyey sida loo soo dhaweeyey oo calanka Soomaaliland-na la ag dhigey oo lagu sawirey. Ka bacdina wabaahintu sheegtey oo woxooga lagu farxey. Siyaasadda Arimaha Dibedda ee la sheegaaba indho sarcaadkaas oo haddii af qayaxan lagu sheego noqneysa BEEN ayaa wax lagu wadey.
7. Dhowr sanadood ka hor markii ay furmeen wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland, waxa ay dawladda Soomaaliland ku celcelisey in wada hadalku ku saabsanyahay sidii loo noqon lahaa laba dawladood oo jaar ah oo is aqoonsan, wixii iskaga jirana loo dhameysan lahaa. Waa hadal wanaagsan oo dad badani wey ku farxeen. Balse wuxu ahaa hadal aan run aheyn. Ajandaha shirka kumey jirin laba dawaladood oo simani oo is aqoonsan. Kumaney jirin in labada dhan is aqoonsadaan. Dawladda Turkiga oo dhexdhexaadineyseyna barnaamijka uugumey jirin iminkana uuguma jirto in laga wada hadlo sidii laba dawladood loo kala noqon lahaa ee la isu aqoonsan lahaa. Waxan loo shirayo ee ay dawlado kale u daneynayaan waa in Soomaaliya la isku noqdo. Marka ad ogolaato in cid ad is heysaan la idin dhexdhexaadiyo, waxa ad si cad u ogolaatey inad mawqifkaaga wax ka kacdo, dhinaca kalena wax ka kaco. Hadalka ah waxa an shirka la tegeynaa inaan jiritaanka Soomaaliland laga gorgortami karin, runta uu ka fogyahay. Haddii aan arinkaa laga gorgortami Karin, shirkaba maad tagteen. Aqbalka ad aqbashey in la idin dhexdhexaadiyo ayaa ah inad ogoshahay in mawqifkaagana la falaqeeyo oo wax laga bedeli karo, mawqifka dhinaca kalena wax laga bedeli karo. Haddii kale oo aanad taa diyaar u aheyn, mabaad tagteen shirka. Su’aasha isweydiinta lihi waxa ay tahay, Soomaaliya dhinaceeda wax badan ayey ka kici kartaa mawqifkeeda si ay u raaligeliso Soomaaliland. Shicibka Soomaaliya iyo dawladooduna mawqifyada wey ku wada socdaan. Waxaana ay ka simanyihiin inaan Soomaaliland go’in balse la eego wixii kale ee lagu qancin karo. Marnaba ma dhaceyso in dawlad Soomaaliya ka dhalataa ogolaaneyso in Soomaaliland go’do. Markey sidaa tahay, muxuu yahay mawqifka dawladda Soomaaliland iyo waxa ay ka kici kartaa, ee shicibkeeduna raalida kaga yahay?
8. Shirarkii Turkigu Soomaaliland iyo Soomaaliya ku dhexdhexaadinayey waxa la sheegey iney iminka dib u furmayaan. Shirkaasi muhiimadiisu waa in Soomaaliya iyo Soomaaliland isku soo noqdaan oo ay nidaam cusub oo dawladnimo ku heshiiyaan. Dawladda Soomaaliya waxa ay la imaneysaa iney tahay dawladdii sharciga aheyd ee dalka oo dhan ka talineysey, Soomaaliland na tahay gobol ka mida oo wax tirsanaya, oo ay diyaar u yihiin iney dhageystaan wixii ay tirsanayaan oo ay tixgeliyaan. Soomaaliya waxa ay Soomaaliland u sheegeysaa iney soo galaan oo ay u hoggaansamaan dawladda sharciga ah ee Muqdisho ka jirta. Soomaaliland waxa shirka la tegeysaa iney tahay dawlad madax banan oo aan hoos iman Soomaaliya. Marka dhexdhexaadini timaado, labadaa mawqif waxa loo yaqaan “Goolaaftan” waana halka hadalku ka bilaabmo. Inta badana mawqifkaa waa la iskala gudbaa. Dhan kastaa waxa uu miiska soo dhigaa wax dhinaca kale ku dhiiriya inu mawqifkiisa ka soo debco. Dhinaca Soomaaliya waxa ay heystaan fursado badan oo ay mawqifkooda ka soo kici karaan oo ay meel dhex iman karaan. Waxa aanan garan, waxa ay Soomaaliland shirka la tagtey ee ay iminkana la tegeyso ay ka gorgortami karto, marka laga yimaaddo goolaaftanka. Muxuu noqon karaa waxa aan gooni isu taagga aheyn ee ay Soomaaliland miiska dhigi doonta? Haddii ay tahay iney la tegeyaan inaan gooni isu taagga laga wada hadli Karin, an hubana inaaney marna dhaceyn in dawlad Soomaaliya ka dhalataa aqoonsan doonto Soomaaliland, mabey shireen ee labadooda mawqif waraaqo ama warbaahinta ayuunbey iskugu gudbin lahaayeen. Sababta ay u doorteen in la dhexdhexaadiyo oo ay shiraan oo ay wada hadlaan, waa mid muujineysa ina la rabo in la isu soo dhawaado.
9. Arinku maaha Soomaaliya yaan la is raacin iyo hala israaco. Taasi waa mudnaanta labaad xageyga. Mudnaanteyda koowaad waa in marxalad kasta oo lagu jiro gacanta sare ad lahaataa oo iyada oo laga sii tashadey oo la cilmiyeeyey oo shicibka iyo dawladdu ay midyihiin lagu dhaqaaqo. Waxa an aad uuga xumaadey, muddo dheer oo horena an uuga xumaa, sida dawladaha ka dhasha Soomaaliland iyo hoggaamiyayaashoodu aaney wacyiga shacabkooda kor uugu qaadin oo aaney la socodsiin xaqiiqda ka jirta iyo siyaasadaha ku gedaaman dalkooda. Taasina waxa ay keentey in shicibka Soomaaliland heysto hal sawir iyo hal fikir oo ku saabsan dalkooda iyo mustaqbalkooda. Iyada oo la ogyahay inaanu jirin wax ictiraaf la yidhaa oo meel lagu ogyahay, ayaa hadana aan marna umadda loo bisleyn in aqoonsi la waayi karo iyo haddii la waayo dariiqyada kale ee inoo furan. Dawlad kasta oo Soomaaliland ka jirtaa waxa ay xilka wareejisaa iyada oo faaneysa oo weliba ku faaneysa iney ay ka hawl gashey raadin ictiraafka. Dawladda cusub ee timaadaana waxa ay ballan qaadaa iney dalka aqoonsi u keeni doonto.
10. Horta weli ma la isweydiiyey, haddii aqoonsi la waayo maxaa dhici kara? Siyaasigu isaga oo og inaanu aqoonsi meelna ku ogeyn, ayaa hadana aanu marna isku deyeyn in laga hadlo arintaasi. Su’aalaha noocas ah marka la isweydiiyo ee la rogrogo, waxa dhici karta in la helo xal kale oo dalkani ku gaadho himiladiisa. Balse sida ay iminka u eegtahay, mustaqbalkii oo dhan waxa lagu xidhey in ictiraaf la helo, iyada oo hadana aan la garaneyn inu iman doon iyo in kale. Ugu danbeyntana arinta ictiraafku waxa uu ku qarxayaa dawladda u danbeysa oo aniga malaheyga noqoneysa in dawladda dhalata 2017 iney noqon doonto dawladda la wada saari doono eedda wixii hagrasho iyo hoosaasin ahaa ee ay sameeyeen dawladihii soo jirey tan iyo 1991-kii. Dawladaasi waxa hor iman doonta xaqiiq ah inaan wax aqoonsi la yidhaa oo hawl laga galey ama la soo dhadhaweeyey aanu jirin. Waxa hor iman doonta dawlad goboleeedyada Soomaaliya oo isu soo dhawaadey oo Federaalka la xoojiyey. Dawladda dhalata 2017, waxa hor iman doona, xaqiiq ah inaan aqoonsi meel yaala ama soo dhadhowi jirin, iyo xaqiiq ah inaan ummadda Soomaaliland aaney xisaabtaba uugu jirin inu mastaqbalku noqon karo wax ka duwan madax bannaani buuxda. Taasi waxa ay keeni kartaa tafaraaruq iyo kala jab. Waxa kale oo ay keeni kartaa, inaan xataa haddii Soomaaliya la wada hadlo, inaan loo gorgortami Karin si adag.
1. Dawladda Soomaaliland ka dhalandoonta 2017, waxa soo waajihi doonta xaqiiq 25 sanadood la iska soo indho tirayey oo la is diidsiinayey iney jirto. Waa xaqiiqda ah inaaney jirin wax ictiraaf la yidhaa oo laga shaqeeyey oo soo dhow. Wey dhici kartaa in la helo, balse waxa Iyana dhici inaan la helin, haddii aaney Soomaaliya, Jabaauuti iyo Itoobiya midkood Soomaaliland aqoonsan. Dawladihii Soomaaliland soo marey oo dhami waxa ay kaga nasiib fiicnaan doonaan dawladda 2017 dhalan doonta, waxa ay dhamaantood fursad u heleen iney faan iska madhan midba midda kale ku wareejiso iyada ku warameysa in caalamkii inoo soo jeestey oo aqoonsigii fiyaaradda taaganyahay. Waa huuhaa aan waxba ka jirin oo dawladba dawladda ka danbeysa si jumlad ah uuga iibiso. Waxa muhiim ah in dawladda dhalan doontaa 2017, xisbiga ay doonto haka timaadee, iney arintaa niyadda ku sii heyso isuna diyaariso.
2. Dawladda dhalandoonta 2017, waxa hor iman doona, ummad aan waxba loo sheegin oo aan la bisleyn oo aan wacyigooda siyaasadeed iyo ka wadaniyadda la kobcin. Waxa ka hor imandoonaa dawladdaasi, umad aan run badan loo sheegin oo aan lala socodsiin halka kolba xaal marayo, aan lagana qeybgelin talada mustaqbalkooda. Umadda noocas ihi waa mid aan si sahlan wax u rogrogi Karin. Waa ummad xaqiiq badan laga qariyey oo 25 sanadood loo sheegayey waxa ay jecelyihiin oo qudha. Dawladda dhalan doonta 2017 waxa hortaal iney ka diyaar garowdo oo la timaaddo barnaamij cad oo ay ku wadeyso siyaasadeeda arimaha dibedda gar ahaan siyaasadeda ku waajahan Soomaaliya.
Ama ictiraaf hala helo ama yaan la heline, waxa muhiim ah INAAN DAGNAAN MAR LABAAD LAGUGU QABAN!!!!! Iyada oo weli ay haboontahay in ictiraaf dalka loo raadiyo oo si cilmiyeysan loo raadiyo, ayaa hadana lagu talo gelayaa in la waayi karo oo ay khasab noqoto in dhinac kale looga wareego. Ictiraafku maaha hadaf ee waa dariiq ama istiraatejiyad loo maro horumarka iyo jiritaan dalka. Hadaba hadduu hadafku yahay horumar iyo inad ahaato dal jira, waxa jira dariiqooyin kale oo sidaa lagu noqon karo. shantan talo ayaan siin lahaa dawladda dhalan doonta 2017-ka
1. Waa in la sameeyaa nidaam dhaqaale oo casri ah oo koritaankiisu xawli ku socdo. Miisaaniyadda iminka Soomaaliland leedahay iyo dhaqaalaheedu maaha wax lala shir tago karo oo la la odhan karo dawlad ayaanu nahay jirta. Xataa haddii la toban laabo miisaaniyaddan an ku faanna maaha wax naf leh. Dhaqaalaha waxa abuura ganacsiga iyo wax soo saarka. Labadaasina sida hadda ay u socdaan waa iska shuqulkii bacadlaha oo kale oo horumar badan keeni maayaan. Addunka ma jiro dal ama dhismay ama horumar dhaqaale gaadhey iyada oo aan la maalgelin. Taasi waxa ay khasab ka dhigeysaa in la doono maalgelin weyn oo shirkado iyo dawlado inagula shuraakoobaan. Waa khasab in bangiyo yimaadaan oo ay maalgeliyaan dhismaha dhaqaalaha. Waxa iyana khasab ah in shirkado shisheeye yimaadaan oo ay maal gashadaan dalka shaqana abuuraan. Waa ineynu ka baxnaa xeydaankan yare e dhaqaale ee an inagu u heysano waxa weyn balse waxa jira aan aheyn. Maamulka dekedaha, maamulka gegooyinka diyaaradaha, nidaamka casriyeynta adeegyada dawladda iyo bulshada, ka faa’iideysiga kheyraadka badda, gaadiidka circa iyo dhulkaba, suuqgeynta xoolaha, waa arimaha u baahan in cid kale inala soo gasho oo wax inala qabsato. Arimahani waa kuwa lala kaashan karo shirkado shisheeye oo inala kiciya dhaqaalaha. Sidan yare e an wax u wadanaa, yawmal qiyaamaha ayaa inoo dhacaya iyada oo aan meel la gaadhin. Waxa an wax ku wadnaa waa cashuur yar oo kooban iyo dal aan wax soo saar badan lahey, dhalinyaradiisu aaney shaqo heyn, ganacsigiisu yahay weli wax yar oo degta lagy qaado. Si kasta oo olole cashuur ururin ah loo qaado, waxba soo kordhi maayaan.
2. Wacyiga qofka Soomaaliland degen waa aragti kooban oo aan dhaafsiisneyn in Soomaaliya la kala go’ay oo an nahay dawlad madax bannaan. Mujtamaceenno waxa uu u badanyahay dad qaladu ku badantahay oo iyagu uun isasoo urursada oo aan ku dhiiran iney horumar iyo wax wada qabsi cid kale la sameeyaan. Inaga oo hadda qaladaasi inagu badantahay oo dadka kale oo dhan iska soo ururina ayaa hadana wadaniyaddu inagu yartahay, inta faanka mooyaane. Waa muhiin in la sameeyo abaabul bulsho oo umadda loo abuuro higsi cusub oo yar iyo weyn la wada eegto oo loo shaqeeyo. Waa in hoggaamka dalka iyo shicibku isku xidhmaan oo aan lakala xidhiidh furan sida ay iminka wax yihiin. Waa in wadaniyadda laga soo bilaabaa manhajka iskuulka iyo shaqaalaha dawladda iyo shicibka. Qiiro wadaniyadeed waa in la abuuraa oo ay qeyb ka noqotaa nolosha dadka iyada oo aan colaad iyo naxli loo gelineyn umadaha kale.
3. Waa muhiim in kor loo qaado tayada tacliinta lagu dhigto dugsiyada iyo jaamacadaha si 10 sanadood ee soo socda ay u soo baxaan dhalinyaro aqoon iyo xirfad leh. Tacliinta jaamacadaha lagu dhiganayaa waa iney noqotaa mid dhalinyarada ku soo ababisa iney shaqo abuuraan, ganacsi abuuraan, fikir soo kordhiyaan oo aaney noqon bug bug sita oo shaqo doon ah. Dhalinyarada waa in lagu dhiirigeliyaa iney casriyeeyaan shaqooyinka iyo ganacsiga iminkba jira ee cawlan oo ay inta ay aqoon adeegsadaan ay ka dhigaan shaqo sharaf leh oo manaafacaad badan.
4. Waa muhiim in la xoojiyo tayada ciidanka xoogga dalka iyada oo lagu sar goosanayo iney diufaaci karaan haddii dhinacyada jaarka ihi daandaansi bilaabaan. Casriyeynta wax aka kow ah in ciidan 70% uu noqdo dad da’doodu ka yartahay 30 jir oo ah da’ada uu qofku uugu dhiiranyahay haddii dagaal yimaaddo. Da’dan wey ee ciidanka iminka ku badan ee qootalyawmka uun uugu jira waa in la keena farsamo kale oo lagag wareejinayo ciidanka. Hubka iyo xeeladaha dagaalka laftooda waa in la casriyeeyaa iyada oo lala kaashanayo khubaro ciidanka tababara oo laga soo kireysan karo dawladihii Soofiyatigii burburey sida Serbia, Bosnia, tajikisktan oo ah dalal ay joogaan khubaro milatari oo aqoon badan leh oo raqiis ah.
5. Siyaasiga maanta hoggaanka ku jira intooda badan fikirkooda iyo aragtidoodu wey Khaa’istey (Expire). Fikradahooda iyo ficilkooduba waa in yar oo ay kala wada naqisheen oo aan ku fadhiyin aragti dheer eek u fadhida uun in kolba hawsha maalintaa taalla uun lagu mashquulo. Uu ku yaryahay intooda leh heegsi fog oo ay dalka u hoggaamiyaan. Waxa Iyana ku yar dareenka mutadawacnida ee ah iney nafta u huraan oo aan saacado badan geliyaan iney dalka u shaqeeyaan. Dhaqanka siyaasiga jooga oo la mid ah uun kii 25 sanadood ee la soo dhaafey lagu dhaqmayey, waxba kama tari karo himilada iyo higsiga aya damaca jiilka cusub ee soo Kacey ee wax bartey ee doonayaa iney dunida wax la qeybsadaan. Sidaa darted waa muhiim in xilalka siyaasadeed ee mustaqbalka gacanta laga geliyo dhalinyarada. Dhalinyaradu iyaga ayaa mustaqbalka iska leh, taasaana waajib ka dhigeysa iney talada gacanta loo geliyo. Dhalainyaradau waxa kale oo ay ku dhiiran kartaa iney keenaan is bedel oo ay khatar qaataan. Midi mid laga maarmi waayo mooyee, xilalka muhiimka ka waa in loo dhiibaa da’da dhexe iyo dhalinyarada inta u dhexeysa 25 – 45 jir.
Maalinta la soo wada fadhiisto miiska wada hadal, ama Soomaali halala wada hadlayo ama xabashi halala hadlayo amaba Jabuuti halala hadlayee, la odhan maayo kee ayaa la isctiraafsanyahay. Waxa hadalkiisu meel marayaa hadba dhinicii dhaqaale sareeya, ee ummaddiisu ay abaabulantahay, ee dhalinyaradiisu aqoon leedahay, ee leh ciidan xoog badan oo aan daandaansi lagula degdegi Karin. Marka ad intaa leedahay kalsooni ayaan miiska wada hadalka ku fadhiisaneysaa. Haddey intaasi kaa maqantahay ama aqoonsi hayso ama ha haysanoo, daciif cuqdadi ku jirto ayaad oo aan tixgelin badan la siineyn ayaad tahay.
Alla Mahad Leh
Maxamed Cali Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha
qorane.bile@gmail.com
29 May 2016
29 May 2016