Ha rajo dhigin! (W.Q: Xasan Cabdi Shire)

Araar.

Sharaf iyo Sareyni, waxay u sugnaatay Allihii abuuray koonkan aynu ku nool nahay, kaas oo un-kamay mucjisooyinka muuqda & calaamadaha cibaaraddu ku dheehan tahay, hadba soo  daahira sabanadda nolosha la nool yahay,  dadkuna ka hantiyaan helitaanka xaqiiqo iyo daraasado cusub. Adduunkan quruxdiisa iyo hoggaanka Khaliifnimo,  Alle waxa u hibeeyay Aadamaha oo ka mid ah abuurta Raxmaanka, Alle wuxuu inoo  abuuray sidii ugu wanaagsanaayd sida ku cad kitaabka Alle:

“Waxaanu insaanka u abuurnay Sidii uguu wanaagsanaayd.” *Suratu Watiin*.

Allihii Aadamaha siiyay sharaftii iyo karaamaddii ugu dheerayd sidoo kale caqligii iyo fikirkii ugu wanaagsanaa sida markale ku cad Aayadahan Qur’aanka ah:

“Waaanu karameeynay bani-Aadamka, waxaanu ku irsaaqnay wax wanaagsan oo xalaal ah.”

Alle, ayey u  sugnaatay awoodda ugu sareysa iyo go’aanka ugu dambeeya adduunkan. Mahad Raxmaankaas ayaa leh inoo soo diray Rasuulkeena suuban NNKHA ee Maxamed, kaas oo inoo  hibeeyay kitaabka Xaniifka ah ee Furqaan, Allahaas oo soo diray Rusul iyo Nabiyo kale oo ka soo horeeyay, Nabbi Maxamed NKKHA.

Iimaan iyo yaqiini  waxa leh  ciddii rumeysay Alle, kutubtiisa, Rusushii usoo diray, Malaa’ikta, Maalinta Qiyaamo,  Khayrka, Sharka iyo Qadarka Alle.

Waxa cadho Alle iyo lacnad u sugnaatay ciddii ku lamaanaysa cid kale oo Rabbi abuuray kana been sheegtay awoodaha Alle. Waxaa fogaatay  cid ku gaftay xuduuddii Alle, kaasoo aan la iman dambi dhaaf iyo soo laabasho aan lahaayn noqod. Liidnimo waxay u sugnaantay  cidii Alle ku manaystay nimco, caafimaad, cidhib wanaagsan iyo Karaamo, hadana aan ka mahad-celin sidoo kale aan xusin Allahaas siiyay intaas oo fursadood halka dadka kale heshay baahi nololeed.

Alle ayaa bixiya raxmadaha hadaayadda iyo tubta toosan, uguna  deeqa   Aadamaha kuwaa soo ajiibay awaamiirtii Alle amray,  kuwaas oo Alle   waydiista toosnaan, iyagoo adeegsanaya caqliga suuban iyo fursadda daraasadeed ee ku dhex-jirta awoodaha Alle, sidoo kale ku cibro qaata  dhacdooyinka la yaabka leh ee ku gedaaman cidkasta oo si wanaagsan u dhugata awoodahaas Rabbi.

Guud ahaan  Aadamaha Alle abuuray waa  in qofkasta garwaaqsado xikmadaha aan dhammaan adduunkan, kuwaas oo daboola waxkasta oo nolosha iyo xukunkeeda ku dahaadhan, xikmadahaas oo Alle kuugu sheegay kitaabkiisa halka ummaddihii inaga horeeyay arkeen qaar ka mid ah mucjisooyankaas abuureed, sidoo kale   inagana laynoo soo tebiyay (Qisas).  waxaa aaminaad iyo ku kolsoonaan loo talo saarta  Casiiska ina keenay Adduunka inagoo sabool ka ah maal-Adduunyo sidoo kale, ina celin doonaa inagoo ka qaawan adduunka aynu dhaqanay lana rumeeyo, halkaas oo lagu  dayanaayo Rasuulkeena Suuban Maxamed NNKHA oo ah cidda ku dayasho mudan dhaqan ahaan iyo akhlaaq ahaanba.

Rasuulkaas oo Alle u doortay cidda adduunkan ugu khayrka badan iyo Nabigii ugu dambeeyay ee adduunkan loo soo diray.

Waxay sidoo kale guul u sugnaatay cidii aaminta Allahaas, lana timaada towbad dhaaf joogta ah isagoo ka cabsanayaa ciqaabta adduunyo iyo mid aakhiro oo ku timaadaa camal taban oo aan lahayn towbad. Alle ha karaameeyo cidkasta oo ka cabsata Allihii abuuray isagoo daliishanaya xukumo cad oo aan lahayn mad-madoow shaki ku jiro ama si khaldan loo turjumo.

Alle waxa lagu raali galin karaa in aad lahaato darajada addoonimada adoo ku daraya is-dhul-dhig iyo cabsi Alle. Dambi dhaafku waa derejo u baahan in aad fahanto, qofkasta waa  khaldamaya isagoo aan ogaayn halka qaar kale toos u falaan camalo aan Alle raali ka ahayn, waxase  lagu kaabaa in aad soo towbad celiso. Dulucda qoraalkayga waa sidan:

Towbada Alle Wey Furan Tahay.

Dambiyadda Alle way kala daran yihiin, sidoo kale kala ciqaab iyo xanuun kulul yihiin, isla markaana hanaanka towbadoodu way kala shuruudo duwan tahay. Sababta keentay  qoraalkan kooban & nuxurkiisa, akhyaareey aan  ku bilaabi aayado Qur’aan ah, oo ku jira  Suuratul-Nuux kuwasoo I cajab galiyay idinka aan idiin hadyadeedyo, dhamaan teena inoo hiilin doona hadaan ku camal falno.  Aan ku bilaabo aayadihii qur’aanka ah, ka bacdi raaciyo sharaxaadooda.

قُلتف

أَنهارًا  كُملَ وَيَجعَل جَنّاتٍ لَكُم وَيَجعَل بَنينَ بِأَموالٍ وَيُمدِدكُم . مِدرارًا  عَلَيكُم  السَّماءَ يُرسِلِ  .غَفّارًا كانَ  إِنَّهُ رَبَّكُم استَغفِروا

(Nabbi Nuux Calaysi Salaam wuxuu yidhi Waxaan ku Idhi qoomkaygii: Alle u tawbad keena Alle waa idiin towbad dhaafi doonaa. sammada waxa idinka iman doonaa Roobab. wuxuu idin siinaynaa carruur iyo maal.  sidoo kale idiinka yeeli doonaa  beero iyo webbiyaal).”Suuratu, Nuux,10-12” kalaamkan Alle ee ah nuxurka qoraalkayga,  waxa ku jirta siro nololeed mid  muuqda iyo mid qarsoon oo u baahan in si qoto-dheer loo fahmo, qodobadan hoos ku xusan ayaan kusoo koobi doonaa sharaxaadda saddex-daas aayadood ee ku jira Suuratu Nuux bogga koowaad ee lagaga sheekaynayo Nuux CS iyo qoomkiisii, inaga u baahan in aan sidaas nolosha u  fahano:

  1. Sida ku cad aayada 10 daad ee Suurat-Nuux: Waxaad Dambi dhaafka Alle ku helaysaa in laga maydho dambigii aad gashay ee haligi lahaa naftaada  sidoo kale,  waxaad ka bad-baadaysaa  dhibaatada aakhiro iyo tan qabriga wa marka aad sii xoojiso shuruudaha dambi dhaafka iyo dariiqa toosan, Alle ayaan tawbad waydii-sanaynaa.
  2. Aayadda 11-daad: Degaamada iyo dadka Alle dambi dhaafka waaydiista waxaay helaan roobab doojiya dhulka iyo noolaha kale, kuwaas oo aan lahayn dhibaato ku habsata dadkaas iyo deegaankaas. samo raxmadeedka waxa ku doogsada qalbiyada dadka, rajo wanaagsana u abuurta guud ahaan noolaha mayeedhaanka ah. Roobabku waxay ka mid yihiin raxmadaha Alle dadka ka wada dhexaysiiyay haddaba si looga baxo abaaraaha daashaday dhulkeena iyo engega ku dul-habsaday dhulkii  nooluhu ku daanshoon jiray waa in la helaa towbad Alle oo joogta ah.
  3. Aayadda 12-daad qaayb-teeda hore: Jiridaha ugu adage e dadka adduunyada ku tabcaan waxa kow ka ah, doonista carruurta iyo day-dayga maal adduunyo.  Si aad noloshaada u hesho labadaas waa in aad la timaadaa dambi dhaaf dhameys ah oo waafaqsan jidka tooska ah, tacabkuna waa waajib ku saaran.
  4. Aayadda 12aad qaaybteeda dambe: Waxa sidoo kale ku cad aayadan in la haleeyo beero, oo ay ku garab yaaalaan webiyaal iyo durduro. Duruufta beeraha iyo webiyadu waa dan guud, dhan kale markaad niyadaada ku soo dhacdo beero iyo webiyo isku yaalaa waxaad dareemaysaa meel nolol  ahaan iyo qalbi ahaanba u qurux badan, laguna dareemo deganaanshiyo iyo xasilooni.

Sidoo kale siraha ku qarsoon dembi dhaafkan waxa ka mid ah, in aad ogalaatid in lagu maamullo oo tahay adoon-daciif ah, iyo in aad ogaatid Alle in uu leeyahay awoodda adduunkan ugu sareeysa (Supreme Power), sidoo kale waxaad ku baranaysaa kala dambaynta akhlaaqiyaad iyo hoggaaminta kali ah.

Aayadahan aan turjumay ee ah Kalaamkii Alle ee saxeex ah, waxay damaanad ka yihiin guud ahaan noloshaada gaar ahaan Aakhiro sidaad ku dambayn lahayd. Haddaba Adoon Allow maxaa adkeeyay in qofku Alle u waydiisto dembi dhaaf joogta ah, taasi waxay markhaati ka tahay in shaydaanku markasta uu jecel yahay in uu ku ilowsiiyo arrimaha adiga kuu muhiim ka ah if iyo aakhiraba, waayo hadii aad ogtahy wanaagii adduunku in uu ku jiro dembi dhaafka Alle, adoo gooyay xadhigii Alle ee kugu xidhay waxkasta oo aad u baahan tahay inaad gaadho?.

Garwaaqso in aad wer-werkaasi adiga gacmahaaga ka abuurmay, hadii aad helayso risaaqad badan oo ay ka maqan tahay digriga Alle waxaad ku dareemaysa xasilooni la’aan iyo barakadii oo ka  maqan, taasi waxay keenaysaa burbur dhaqaale iyo in aad niyadda sabool ka ahaato oo lagaa dareemo bakhaylnimo xag-jir ah.

Walaal anigoo ka fa’iideeysanayaa fursadan aad ku akhrisay qoraalkan waxaan idiin soo jeedin lahaa in digriga iyo xuska Alle la badiyo, waxa ku dheehan sir qarsoon oo Alle if iyo aakhiraba inagu baad-baadinayo, waxaase muhiim in aan u fahano si aqoomeysan.  Ka hor intaanad yool-kaaga qeexin waa in aad saxdaa khaladaadkaaga, su’aasha ugu wanaagsan waxay noqon lahayd ma haysaa tubtii guusha aan dhammaadka lahayn?.

Alle isaga ayaa ku abuurtay oo yaqaaanaa waxaad u sameysan tahay,  sidoo kale  jecel adoomihiisa saalixa ah, Alle ma  jecla in ay adduunka ku dareemaan dulmi iyo dambi, laakiin in aad aamintaa oo isu dhiibtaa waa ku muhiim noloshaada, ku kalsoonoow Allihii ku gaadhsiiyay darajo kasta oo aanay helin asaagaa, tallo saaro Alle oo kali ah adoo ku kalsoon in uu Alle ka masuul yahay.

Dhibaatada ku soo gaadhaa intaad adduunka joogto waa in aad muujisaa sabir,  nimcada uu ku siiyana ku mahad-naqdaa, Rasuulkeenii suubanaa NNKHA waxaa u leeeyahay.  ( Haddi aad u tallo saaran lahyden Rabigiin. wuxuuu idin irsaaqi sida uu irsaaqo Shimbarah oo kale) shimbiruhu waxay baxaan iyagoo calooshoodu madhan tahay waxaanay soo noqdaan iyagoo dheregsan, carruurtoodiina u sida waxay quutaan.

Alle waxa uu noloshaada u abuuray in aad caabuddo, hadaad ka baxdo xuduudaha lagugu simay waxa kula gudboon in aad soo laabato adoo dareemaya in aad hilowday una soo hilowdo dareenka raxmadeed ee aad u hayso diintaada iyo xadhiga Alle.  Alle waxa uu bedel wanaagsan kaaga dhigayaa in aad hesho abaal marin wanaagsan oo ah mid dhammaata oo adduunyo iyo midaan dhammaan ee aakhiro.

La soco Qaybta labaad………

W/Q: Xasan Cabdi Shire.

Email: shire202@gmail.com

Deria202@gmail.com