Korodhka dadka waxbartay iyo nolosha xawaaraha ku socota ee adduunku waxa ay sababeen in qof kasta uu ku fikiro sidii uu muddo gaaban ku gaadhi kari lahaa halka ugu sarraysa. Sumcad uu bulshada ku dhex yeesho iyo mansab uu ka helo dhaqaale noloshiisa ku filan ayaa ka mid ah arrimaha dadka casrigan riixaya. Laakiin qaladka ugu weyn ee ay dadkani galaan waa in loollankas iyo baratankaas adag ay ku illaawaan caafimaadkooda jidheed iyo maskaxeed kuna kasbadaan xaalado nafsiyadeed oo dhibaato ku noqda.
Qulubka, isku-buuqa, warwarka iyo walaacu waxa ay ka mid yihiin xaaladaha nafsiga ah ee ugu caansan waqtigan, taas oo raad xun ku yeelata hab fikirka qofka, dareenkiisa iyo qaab macaamilkiisa intaba. Saamayn tabanna ku keenta xidhiidhada shaqo ee qofka, gaar ahaan dadka ka shaqeeya meelaha ay marka horeba duruufaha qallafsani ka jiraan.
Waxaa jira sababo badan oo sii kordhiya khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xaaladahaas nafsiga ah iyo walbahaarka joogtada ah ee shaqadu, waxaa ka mid ah nooca shaqada iyo deegaanka shaqo, maamul iyo nidaam ee shaqada oo haddii aanu qofku ku qanacsanayn ku keena xaalado nafsadeed oo dhibaato badan.
Haddaba si aad xaaladdan isaga ilaaliso waxa ay xeeldheereyaashu ku talinayaan in la qaado tallaabooyinkan si looga hortago saamaynta ay xaaladahaasi ku yeelan karaan caafimaadka jidhka iyo nafsadda labadaba.
1. Ha qarsan dareenka laabtaada gubaya, balse la wadaag saaxiibbada, iyo dadka aad kalsoonida ku qabto. Sheegistaas waxa ay xoojisaa caafimaadka jidhka iyo maskaxda labadaba.
2. Haddii aad dareento in niyaddaada shaqadu aanay fiicnayn, ama in aad dareemayso culays nafsi ah iyo diiqad badan, ha ka waaban in aad maaulahaaga shaqada kala hadasho waxa ku dhibaya, adiga oo ka raadinaya in aad ka hesho wax kaa caawin kara in aad ka gudubto caqabaddaas dhibta kugu ah. sida oo kale la tasho asxaabta iyo dadka aad waayoaragnimadak u tuhmayso ee aad ku kalsoontahay, waxaa laga yaabaa in aad ka hesho caawimo fiican.
3. Jimicsiga jidhka oo aad joogtaysaa waxa ay kor u qaaddaa shaqada maskaxda, dhugmadeeda iyo in ay dulqaad u yeelato u fiirsiga iyo xoog-saaridda hawlaha horyaalla. Waxa kale oo uu jimicsigu keenaa hurdo fiican in la seexdo, taas oo iyaduna wanaajinaysa dareenka qofka.
Ku dadaal in aad maalin kasta jimicsato ugu yaraan 30 daqiiqo, socodkuna jimicsiga ayaa uu ka mid yahay. waxa aanad ogaataa in jimicsigu uu kaa yaraynayo isku buuqa, qulubka iyo warwarka badan oo khatar ku ah caafimaadka jidheed ee qofka.
4. Cunista cuntooyinka ay ku badan yihiin faytamiinnada, macdanaha iyo curiyeyaasha lidka ku ah sunta cuntada ka dhalataa waxa ay faa’iido badan u leedahay caafimaadka nafsiga ah, waxa ay dhistaa niyadda waxa aanay xoojisaa caafimaadka jidhka. Biyo badan cab inta aad shaqada joogto. Cuntooyinka fudud ee caafimaadka u fiicanna waxaa ka mid ah lawska iyo kimista ka samaysan qamandiga.
5. Naftu waxa ay u baahan tahay in ay marmar ka nasato shaqada. Ku dadaal in aad yeelato fasaxyo yaryar iyo waqtiyo aad nasasho fiican ka qaadato shaqada. Fasaxa iyo in aad shaqada muddo ka nasataa, waxa ay kaa ilaalinaysaa warwarka, diiqadda iyo sakatiga.
6. Sababaha ugu badan ee diiqadda iyo culayska nafsiga ah qofka ku keena waxaa ka mid ah in qofku uu xayndaab gaar ah noloshiisa ku xidho. Shaqo joogto ah oo isku mid ah waqtigaaga oo dhan ha ku qaadan. Waa in aad heshaa waqti aad qabato waxa aad adigu xiisayso. Wax-akhrisku waa ka mid.