20-ka Febraury: Maalin Dhiidhi Dhallinyaro iyo Kacdoon Dadweyne! Q.7aad (WQ: Maxamed Baashe Xaaji Xasan)

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc), 1968, AHN.

Bilowgii Isbeddel Dhacayey

Halkaas waxa kale oo ka bilaabmay is beddel weyn oo dad badan kala soo dersey dhinaca fikirka iyo in-aragga qofnimo oo toosiyey wacyiga iyo garaadka siyaasiga ah ee guud ee bulshada. Waxa dhallinyaro badan ku dhashay dareen ay kaga ilbaxayaan, kaga kufriyayaan dawladdoodii, madaxdoodii xilliyada qaar ay u hanweynaan jireen hoggaamintooda, kuna dhaadan jireen. Waxa aan ka mid noqday anigu arday ku sii durkaysey dhinaca mucaaradnimada mintidka ah. Wixii xidhxidhiddii dhallinyarada UFFO iyo Dhagaxtuurka ka horreeyey saluug kastaaba markii hore ha jiro’e, nacayb iyo jidh-diid iima ag oollin dawladdayda iyo madaxdeeda toonna.

Dadka jecel dawladnimada ee ku dholola ayaan ka mid ahaa. Sidii dagaalkii 1977 loogu soo jabayba dadka iyo dawladdu way sii kala ilbaxayeen, siina kala durkayeen. Durbaankii badnaa ee dananka dharraqaankiisu  dheeraa diririgtiisii yeedhmo way sii taag-darraynaysey. Oogtii Kacaanku ba way sii gabaaraysey. Waxyaalahaas oo dhami waxa ay ahaayeen ifafaalayaal bilow u ahaa gabbaldhacii dawladdii dabkeedu dhamacda dhuxuleed ka kululaan jirey ee Jaalle Maxamed Siyaad hormoodka ka ahaa.

Cali Xasan Halaq (Cali Seiko) oo ka mid ahaa qolyihii khaliijka waddanka uga haajirey horraantii 70-aadkii ayaa maalin gurigiisii xaafadda Guryosamo, qaybta xiddigta, ka soo horjeedka malcaamaddii Macallin Jaamac iyo meheraddii Jaamac Kaadhiin, waxa uu ku casuumey rag odayaal ah. Waxa aan ku wadaa in ay ku beegnayd dhammaadkii 1981 ama horraantii 1982. Inan yar oo guriga joogey baan ahaa oo anigu sheekada iyo ulajeeddada martiqaadka midna waxba kama ogayn.

Ragga goobta yimi waxa aan ka magac garanayey abwaanka weyn ee caanka ah Cabdi Aadan Xayd (Cabdi Qays) iyo Cabdikariim X. Ducaale (AHUN) oo idaacadda Hargeysa madax ka ahaa. Jaad badan baa la la halaanbaynayey oo aan anna feedha kaga jirey. Sida jaadka loo cunayey si ka daran ayaa dawladdana loo budlinayey. Cabbudhinta, is cabbir la’aantii iyo maankii gaaggaxnaa ee la ibo gammuurey ayaad moodaysay in godol isku soo taagayo oo loo gaalgaaley.

Dhibaatooyinkii gobolka ka jirey ayaa la dhubbad qaadayey oo xadhigga UFFO-na ka mid ahaa. Guriga Ilma Cabdillaahi Cali ayaa guri noogu xigey oo uu Ceel-Geeye, AHN, ka xidhnaa. Wax badan baan maalintaas nolosha ka ogaadey run iyo been ba. Waxa aan xasuustaa in si wanaagsan jaanta la isula helay in la gaadhey xilligii dawladda si qaawan la isu mudan lahaa. Waxa kale oo aan xusuustaa sidii haddana taas ku tooskeeda looga waabanayey.

Waxa aan maalintaas abwaan Cabdiqays ka qoray oo aanan weli illoobin aniga oo fadhiya meel albaabka ugu xigta inta farta igu soo fiiqay ayuu yidhi “inta uu inankaasi ugu weyn yahay ayaa laga yaabaa in ay aarsadaan oo xaqooda dhacsadaan”! Dhawr iyo toban jir weyn oo labaatanka ku sii siqaya ayaan ahaa oo golaha se ugu yar, hase yeeshe dabuubtaa abwaanka oo qolyihii kalena u rixiyeen aniga maalintaas fahamkeeda dhabta ahi runtii wuu igu cuslaa. Waxa aan garan waayey meel aan u qaado iyo cidda aan ka aarsanayo oo maskaxda uun baan ku guntay, waxaa se xilli aan fogaynba ii furfuray ayaamihii soo aaddanaa.

 

La soco qaybta 8aad, HAI.