Farmaajo uma eka ninkii garta Soomaaliland qaadi lahaa (WQ: Faysal Cabdi Rooble)

Farmaajo Gar Somaliland Ninkeedii Ma’aha

Nin garta gaya ayaa xaajo loo geystaa. Farmaajo uma eka ninkii garta Soomaaliland qaadi lahaa.

Waa marka hore, ninka Cabdraxman Guulwade, oo yidhii Dawladii milatarigu wey ku saxsanayd in la ciqaabo rer-Somaliland iyo kuwo kale oon dhaamin, guurti in looga dhigo ari ta Soomaliand ayaaba gaf ah.

Waa marka labaade, Farmaajo waxa uu kow ka yahay dadka far ku tiriska ah ee qoraal ku dafiray dhibta iyo tacadiga dawladii Siyyad Barre u geysatay rer- Soomaaliland.

Waxaan maaqli jiray “libaax nimaan ogayn ayaa lax ka rida.” Waxaan malaynayaa in aanu Farmaajo laba sheekaysan rer-Somaliland kuwa qadiyada aaminsan, laakiin garashadiisu ku koobantahay aftarta isaga agjoota iyo warka ay siiyaan ee ah Somiland ma foga.

Somaliland wey fogtahay, ama diid ama yeel.  Hadu Farmaajo ogaan lahaa heerka ay taaganyihiin badida rer-Somaliland, kuma dagdageen arinta, Abiyina Hargaisa igee ama “ixambaar” nidaam ah Hargaisa ku tag kuma tashadeen.

Farmaajo intaan Hargaisa lagayn ama aan loo xambaarin, waxa la rabay in ay ka horeeyaan:

(1) Raaligalin dhab ah oo tayo leh oo dhaanta tan daciifka ah ee uu maalinta dhow bixiyey;

(2) In uu cunna qabataynata dhaqaale uu Soomaaliand Soomaaliand saaray marka hore ka dul qaado;

(3) In uu si dhab ah marka hore ula heshiiyo Dawlada Goboleedyada, kana run sheega nidaamka federaalka ah;

(4) Isargyo qunyar socda ah oo Farmaajo iyo Biixi meelo kala duwan, sida Djibouti oo kale, dhowr jeer isku arkaan, si tartiib ahna isha iyo qalbiga ummada ugu diyaariyaan isarag mug leh oo Farmaajo Hargeisa ku yimaad ama Biixi Xamar lu tago (small steps leading to a momentum).

Wacnayn lahaydaa hadii Farmaajo fakir mug leh ka la haan lahaa arinta Soomaaliand.

Fakirka hada uu wataa meel fog magaadhayo. Abiy “ha  ixambaaro,” waa eray-bixinta cusub oo  rer-Hargaisa had inagu soo kordhiyeen. Abiy ha ixamalbaaro ma shaqaynayso.