Maxaa iiga baxay khudbaddii Madaxweyne Muuse Biixi? (WQ: Dr. Abdulqani Hussein Bedder)

Maxaa iiga baxay khudbaddii Madaxweyne Muuse Biixi?

Waxa aan dhegaystay khudbaddii madaxweynaha Soomaaliland, oo aad iyo aad loo sugayey, arrimo xasaasi ah oo taagan awgeedna dhegta loo wada taagayay.

Laba qodob in uu madaxweynuhu ka hadlayo hore ayaa xogteeda la ii sii siiyey, mid waa la wada ogaa oo waa hadalhaynta imaatinka Madaxweyne Farmaajo iyo la kulankiisii Addis Ababa, ka labaadna waa furitaanka ururada siyaasadeed, oo ujeeddaduba tahay in labadan xisbi mucaarad ee caqabadda ku noqday madaxweynaha lagu karbaasho oo meesha laga saaro.

Qodobka hore ee imaatinka Farmaajo odorosidda go’aanka madaxweynuhu qaadan doono lagu kala duwanaa, waayo ugu horreynba imaatinkiisa madaxweynaha ayuunbaa keenay ee afka Farmaajo iyo xukuumaddiisa midna inagama soo gaadhin, warka uu madaxweynuhu keenayna farriin la soo faray ayuu ahaa, weliba xogta la helayay waxa ay ahayd in uu madaxweynuhu mabda’iyan soo aqbalay codsigaas ama soo jeedintaas aan idhaahdo, iskuna deyey in uu oggolaysiiyo madaxda qaranka ee kale.

Aragtidayda waxa aan is leeyahay diidmadan waxa keenay dareenka qaybo ka mid ah bulshada oo cod dheer ku muujiyey walaacooda, waxa kale oo aan aragtidayda is leeyahay go’aankani inkasta oo erayo adag loo adeegsaday, haddana waa xaraarad dejin, waxna way ka daba iman doonaan, duruufaha Soomaaliland ku xeeran ee siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ayaana qasbaya imaatinka wax ka geddisan wixii la yaqaannay.

Xaqiiqada aan laga hadlin, isla markaana ku xisaabtankeeda lihi waa arrinta Abbiy Ahmed -Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo ah nin awood badan ku leh gobolka, isla markaana arrintan abaabulkeeda lahaa, ujeeddada keliya ee uu madaxweyne Muuse u qaabilayna la odhan karo waxa ay ahayd gudbinta farriintan.

Inkasta oo aanan arag qoraalka Itoobiya loo qoray, haddana marnaba suuraggal ma ah in isla jawaabtan uu maanta madaxweynuhu bixiyey ee diidmada qayaxan ah la siiyo, mana aha jawaabta noocan ahi mid qancin karta, amaba lagula dhiiran karo, sidaa awgeed waxa aynnu sugnaa waa maalmaha soo socda.

Waxa aan uga jeedaa, sheekadani mar kale ayay soo noqon doontaa, dareenka dadkuna waxa uu noqon doonaa mid kan hadda ka debecsan, isla markaana jawaabta xukuumaddu waxa ay noqon doontaa mid iyaduna tan ka duwan, in ay jawaabta xukuumaddu is beddesho waxa sandulayn doona duruufaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee jira oo dad badani xog ogaal u yihiin.

Qodobka ururro furiddu waa mashquulin siyaasadeed, jiitankeeduna waxa uu keeni doonaa muddo dhaaf hor leh oo xilliga golayaasha iyo weliba ka madaxweynahaba saameeya.

Bulsho ahaan waxa aynnu nahay dad caadifiiyin ah oo hadba dareenka taagan la ilmeeya oo la muraaqooda, maalmihii dhoweyd ee la lahaa Farmaajo ayaa imanaya xaraaradda cadhada ayaa dadbadan cirka gaadhay oo hadalladoodii calaacal u rogtay, maantana khudbadda madaxweynaha ayay la muraaqaysanyihiin oo la marqaansanyihiin.

Had iyo jeer tallaabooyinka siyaasadeed ee masiirka ummadda jaangoynaya, laguma saleeyo dareen caadifadeed iyo jeclaysi nafsadeed, ee waxa u asal ah xogo sugan iyo aragtiyo bisil oo lagu falanqeeyo xaqiiqooyinka jira, ka dibna laga dhalaaliyo qorshayaal iyo odorosyo wakhtiga dhow iyo ka dheerba ummaddu u aayi karto.

 

Dr-Abdulqani Hussein Beder