Qudbaddii Madaxwaynaha: Shan aanan is-lahayn iyo shan aan is-lahayn (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

5 aanan is-lahayn

1-Farmaajo ayaa raali-gelin bixiyey buu odhan ismaan lahayn.

2-Gardarradii Abiye ee shalay wuu Ka aamusi oo waliba wuu amaani ismaan lahayn.

3-Intuu soo-xidhay Itoobiya ayuu waddadii corridor-ka qudbadda ku darsan ismaan lahayn. Xagay waddadu ku socotaa.

4-Wuxuu dafiri raali-gelintii Xasan Sh. Maxamuud &  Sh. Shariif dabacsanaantiisii Somaliland buu inkiri ismaan lahayn.

5-Magaca Farmaajo oo saddexan ayuu yaqaan iyo Madaxwaynenimada Farmaajo isagoo sheeganaya Somaliland ayuu qiri ismaan lahayn.

5 aan is lahayn

1. Xisbiyo ma-jiraan iyo Xisbiyaan furayaa isma laha. Cid Xisbi la’aanta kaa jecli ma jirto’e kuwa aan Ila xisaabtamo dheh baan furanayaa

2. Farmaajo cuna-qabatayn nagu sameeyay oo waxaas oo talaabooyin Naga dhan ah qaaday haddana waa nin oday ah oo isaga cid ka wacan ba Soomaliya ma Iman isma laha.

3.  Raali-gelinta waanu soo dhawayneynaa iyo dambigii buu u qaybiyey cidii la xasuuqayna isma laha

4. Maxamuud Xaashigii/Maxamed KaahinkiibXisbiga Kulmiye sugayey iyo mid ha furtaan oo ha soo tartamaana isma laha

5. Sida aad dalka ula meeraysanayso iyo sida dadku khaatiyaanka u yahayna isma laha…..Gabaygaa Faarax Nuur iyo Farmajahaad noo qarinaysayna isma laha.