Marka laga hadlayo furista ururada siyaasada iyo khilaafka komishanka ee imika taagan , waxaa is waydiinle sidee ururadu u furmi karaan , caqabadahana looga gudbi karaa ?
Suaashaa jawaabteedu waxay noqonaysaa sidan .
1- Ururadii kol hadii laggu dhawaaqay in la furay , waxaa shaqadoodi bilaabantay gudidadii diiwaangelinta ururada siyaaadda , shaqadii komishankuna way joogsatay .
2- Marka ay dhamaato mudada diiwaangelinta ururadda siyaasaddu , gudidada diiwaangelintu waxay soo saaraysaa liiska ururadda u diyaar garoobaya doorashadda .
3- Ururada kusoo gudba liiskaas iyo xisbiyadii horre u jiray iyo guurtidda ayaana wada samaysanaya komishan cusub oo doorashada u qabta .
Arrintuna waxay dib ugu noqotay halkii ay taagnayd 2001 , sidaa darteed doorashadda waxaa kasoo horeeya diiwaangelinta iyo qiimaynta ururadda , komishankana waxaa kasoo horeeya gudida diiwaangelinta .
Sidaa markay tahay waxaan soo jeedin lahaa in kaabista laggu darro in ururada ku dhaca doorashada golaha deegaanku aanay kuraasi ka helin goleyaasha deegaanka , laakiin xisbiyadda soo gudbaa uun helaan kuraasi , si aanay u dhicin xildhibaano kasoo baxa ururo dhacay oo aan lahayn meel ay ku jiraan .