Maanta qudbadda Md. Biixi lagama sugayn Somaliland oo kaliya, Garowe ayaa sugayey diidmada Muuse, Mucaaradka Muqdishu ayaa ku diirsanaya MAYA MAYA. Axmed Madoobe ayaa dhoolacadayn kara saaka – xaqiiqdii qudbaddani waxa ay ahayd mid si weyn loo sugayey. Guriga Ethiopia looga arrimiyo ee Menelik Palace ayaa isha ku hayey luuqada jidhka iyo sacabka ka dhacayey Barlamaanka Somaliland.
Kulankii Addis iyo Imaatinka Farmaajo
Kulankii Arda Sababa ka dhacay wuu ka hadlay madaxweynuhu, waxa aanu sheegay dhankiisa in ay riixaysay qadiyada Somaliland, sidii uu albaad kasta ula hor tagi lahaa. Dadaalkaas kadibna Dr. Abiy uu si kadis ah ugu soo tuuray balan. Si katis ah, qorshe la’aan iyo aqoonyahan baan sii kaxaystay, waxa loo arki karaa “ereyo ka baxsan dawladnimada iyo diplomaasiyadda”. Qodobkani waa mid muujinaya hoos u dhaca baaxadiisa leh ee sal fudaydku weheliyo ee ku gadaamay siyaasadda khaarajiga ee Somaliland.
Siyaasadda khaarajiga ee Somaliland waagii Rayaale waxa ay ku tiirsanayd saaxiibtinimo uu Cabdilaahi M. Ducaale la lahaa rag/haween diplomaasiyiin ah oo u sahli jiray xidhiidhkii uu la samaysan jiray waddamadooda. Waxa kale oo jirtay Edna Adan in dumarnimadeeda (feminism) looga faa’idaysan jiray galaangalka waddamada Galbeedka ee xiiseeya xuquuda dadka nugul. Maanta siyaasadda khaarajiga ee caalamka waxa jaangooyo “ganacsato” hagta siyaasadda dibadda ee waddamadooda – waana bartan barta ay ku wiiqatay siyaasadda khaarajiga ee Somaliland, waana sababta Muuse uu ugu haftay isbedeladda ku qotoma is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.
Muuse wuxu sheegay kulankaa in aan lagaga wada hadal “imaatinka Farmaajo ee Hargaysa” dadweynuhuna hadda waxa ay rumaysteen “kulankaa in lagu heshiiyey cafiska Farmaajo, Imaatinka Farmaajo ee Hargaysa iyo qancinta xisbiyada mucaaradka ee Somaliland”. Si kastaba ha ahatee, Muuse wuxu yidhi “Farmaajo si lama filaan ah ayuu cafis uga soo diray Xamar balse wuxu ka daba keenay, Hargaysa ayaa aan imanayaa”. Hadalka Madaxweynaha haddii sidiisa loo qaato, waa: Arrin dhankiisa fajiciso ku noqday – waanu diiday.
Beesha Caalamka
Md. Biixi qudbadiisa wuxu ku sheegay wada-hadalada Somaliland iyo Muqdishu in ay jiraan waddamo dabada ka riixayaa. Sweden iyo Turkey buu carrabka ku balaadhiyey – dadweynuhu waxa ay qabaan USA ayaa hadda riixaysa wada-hadaladan xawaaraha ku socda. Qudbadda madaxweynaha, waxa jiitay sababihii keenay kalataga, hayeeshee madaxweynuhu muu muujin dariiq iyo qaab lagu sii amba qaadi karo wadda-hadalada labada dal. Shuruudo labba ka kooban ayuu hawada maanta u mariyey cid kasta oo danaynaysa wada-hadalada balse, waxa wacnayd qorshaha in uu ku daro diyaar in uu u yahay gogol kasta oo caalamku dhigo oo ka qabsoonta dalka dibadiisa; waxa wacnaan lahayd in uu aqbalo is dhexgalka bulshada geeska iyo is-dhexgalka arrimaha la xidhiidha ganacsiga iyo dhaqaalaha ee gobolka. Madaxweynuhu kama uu hadal faa’idooyinka ganacsi iyo bulsho ee lagu tallaabsan karo haddii lagu heshiiyo siyaasadda. Farmaajo iyo dalka Soomaaiya ayaa mararka qaar u muuqanayey Muuse in ay iskaga qaldamayeen – Su’aashu waxa ay tahay Somaliland maxay lug ugu yeelan wayday doorashooyinka Xamar?
Caalamka ayaa aynnu ku jirnaaye, shaki baa ay Galbeedku ka qabaan xukumadda Muuse in ay u liicdo dhanka Ruushka. Haddii xagaas loo jeesto iyo haddii kalaba qadiyada Somaliland wakhtigan waa mid caalami ah oo u baahan si fejignaan iyo midnimo ku dhisan in lagaga gudbo. Muuse qudbadiisa kuma uu soo darin Somaliland muddadii ay jirtay xakamaynta ay ka gashay budhcad badeeda, la dagaalanka argagixisada iyo in ay tahay rafiiq la saaxiib ah nabadda Geeska iyo caalamka guud ahaan.
Ururada ayaa la furayaa
Md. Biixi wuxu garwaaqsaday kulankii Addis Ababa in uu ku keenay kacdoon bulsho, sidaa daradeed waxa uu shacabka Somaliland ugu bushareeyey hadyaddii ugu waynayd ee abid laga shaaciyo labada aqal ee Barlamaanka. Muuse wuxuu sheegay in la furayo ururada – sacabkii ugu badnaa ee aan waligay arko ayaa ka dhacay aqalka barlamaanka. Muuse wuu qoslay, dadweynuhuna waa ay farxeen. Muuse makaga dhabaynaa arrinkaas? Ma dardar galinayaa bushaaradaas? Muuse waxa laga sugayaa in aanu la noqon hadyadaas.
Ururada ayaa la furayaa waa isbedel mugiisa leh oo aan rajaynaya in uu Somaliland u noqdo cadceed cusub oo u dhalatay Somaliland. Eng. Faysal Arrinkan muxuu kaga falcelinayaa? 20 sanno nin meherad haystay oo maanta sharciyadiisii la xaraashayo ayuu u muuqdaa! Faysal, Xaashi iyo Baashe Cawil waxa aan qiyaasi karayaa in talo isugu noqon doonaan.
Dr. Gaboose mar saddexaad masoo ruqaansanayaa? Doctor-ku waayo aragnimo ku filan kiishka wuu ku wataa. Aqoonyahankii kale, beelaha darafyada iyo dhalinyaradu ma baraarugi doonaan oo doorkan awoodooda ma muujin doonaan? Tani waa fursad mar la arag ah. Calaacal hadhaw looma baahna waa fursad Somaliland usoo hoyotay, Madaxweyne Biixi isna baal dahab ah ayaa ay u galaysaa fursadda uu bixiyey maanta.
Mahadsanid Madaxweyne.