Hambalyada Reeraysan (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Canfarta, Soomaalida, Oromada, Saaxo, Beejo iyo Axmaaradu waxa ay ka soo wada jeedaan sinjiga ximaatika, waxa aanay dhaqan u leeyihiin iskaashi qabyaalad cuskan. Waxa weli dhuuxaha iyo lafaha inagaga jira dhaqankii beelnimo ee aynu hidaha u lahayn, ka hor intii aynaan magaalooyinka u soo guurin. Markaad weynayso ku eegto goobaha baraha bulshada ee ay dadku isku weydaarsadaan afkaarta, uma baahnid inaad ogaatid haybta qofka kula jira goobta kulanka. Waxa keliya ee aad ku ogaanaysaa waa inaad u dhug yeelato cidda uu hambalyeynayo, cidda uu tacsiyadeynayo, deegaanka uu xayeysiinayo iyo cidda uu hiil iyo hooba la garab taagan yahay.

Tusaale ahaan qof ayaa xil looga magacaabayaa Soomaalilaan ama Soomaaliya, markaba masuulkaasi haybtiisa waxaad ku ogaanaysaa cidda ugu badan ee hambalyada reeraysan la boobaysa. Waxa 15 sanno ee ugu dambeeyey aad inoogu soo badanaysay hambalyada reeraysan ee dad badan oo reer Soomaalilaan ahi ay u diraan shakhsiyaadka reer Soomaalilaan ee u shaqo tegay Soomaaliya ee xilka u doontay (waa Hindi Dubay u shaqo tagtay oo kale). Afrika waxa jira reero kala dega dhawr dal oo xuduuduhu kala qaybiyeen oo reer kastaa dalka uu degan yahay ayuu muwaadin ku yahay, arkinamaysid sideenna iyaga oo hambalyeynaya kuwa ay isku reerka yihiin ee dalalka kale degan ee xil loo magacaabo. Bal reerahan eeg:

= Beesha Xawsa—-Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Naygeeriya iyo Nayjar

= Beesha Yoruba—-Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Nayjar iyo Biniin

=Beesha Fulani—Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Suudaan, Sinigaal iyo Kamaruun

= Beesha Berbers—Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Marooko, Tuniisiya iyo Aljeeriya

=Beesha Bobo——–Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Burkiinofaso iyo Maali

= Beesha Maasay—-Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka kiiniya iyo Tansaaniya

Dhammaan beelahani mid kastaa halkeeda ay muwaadiniin ku yihiin, oo cid meel kale u hanqal taagaysa arkimeysid, sideenna oo kale. Shaki kuma jiro inay is-qaban la’dahay dawladnimadii ay tolnimada miyigu lahayd iyo dawladnimadii uu gumeysigu inoo keenay. ‘Dhaqanka Soomaalida Beel kastaa waa maamul madax bannaan, suldaanku waa madaxweyne, nabaddoonnadu waa wasiiro, culimadu waa garsoorayaal, gaashaan qaadku waa ciidan milatari, haweenku waa hayada wax soo saarka’.

Qoraaga Brockman , buugiisa la yidhaa British Somaliland, wuxuu ku sheegay inuu ku arkay NFD mar uu booqday xoolo-dhaqato Soomaali ah oo nin kastaa awrkiisa wato, oo aanu wax xidhiidhi ahi ka dhaxayn, ka dib wuxuu buugiisaa ku qoray” Somalis are independent in nature and each man is his own Sultan. Waa soomaali kala madax bannaan oo nin kastaa gaarkiisa suldaan u yahay. Dhammaadkii qarnigii 19-naad markii ay gumeystayaashii reer Yurub soo galeen dhulka soomaalida, dadyowga Soomaalidu waxa ay u qaybsanaayeen beelo kala madax bannaan oo midna aanay ta kale fargelin. Sidaasi darteed ayaa maamulkii tolnimo ee Soomaalidii hore lagu soo koobi jiray.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com