Heerarkii Ay Soo Mareen Ciyaaraha Gobollada Somaliland (WQ: Rashiid Odawaa)

Hore waxa u jirtay waayadii xukuumaddii wixi la isku odhan jiray Somalia Tartan ciyaareed oo loo qaban jiray 18 gobol oo ay koobnayd xilligaas Somalia waxay ciyaarahaasi meesha ka baxeen markii uu dhacay Bur burkii Somalia waxana ugu danbaysay Sanadkii 1986  koobkaas oo ahaa labadii sanaba hal mar waxa sababay inay ciyaarahaasi meesha ka baxaan dagaalladii dalka ka dhacay.

Tan iyo wakhtigii Somaliland la soo noqotay Madaxbanaanida,waxa ay ka soo bilaabmeen ciyaaruhu sannadkii 2002 dii,waxana loo qabtaa hab (Optional) ah oo aan ahayn xidhiidh hase ahaatee waxaynu odhan karnaa xiiseheeda ayay Leeday wakhtigaas dhallinyartu waxay helaan madadaallo iyo jidh dhis Waxayna ku abuurtaa xamaasad heer sare ah,waxay kaga mashquleen balwadaha,dhalin yar badan ayaa magacoodu kor u soo kacaa oo hela jaanis iyo fursad ay ku soo bandhigaan kartidooda iyo hibada allah siiyay,tartankan waxa ka qayb gelaya 14ka  Gobo lee kala ah;M/jeex,Togdheer,Awdal Saaxil,Sanaag,Sool,Daad madheedh Hawd,Sellel,xaysimo,Buuhoodle,Saraar,Badhan,iyo gebiley.

Taariikhda Ciyaaraha Koobka Gobolada Somaliland.

tx Sannadka finalka Taariikhda Qaadday VS laga qaaday  
1 Koobkii 1aad 2002 dii M.jeex  Vs  Gabiiley  
2 Koobkii 2aad 2003 dii T/dheer vs  Sanaag  
3 Koobkii 3aad 2004 tii Sanaag   Vs T/dheer  
4 Koobkii 4aad 2007 dii T/dheer  Vs Awdal  
5 Koobkii 5aad 2011kii M/jeex    Vs Hawd  
6 Koobkii 6aad 2013kii M/jeex    Vs  Hawd  
7 Koobkii 7aad 2016kii Awdal      Vs Saaxil  
8 Koobka  8aad 2020kii ???????????????????

 

tx Magaca Gobolka Inta koob ee ku guulaystay
1   M/jeex  3   koob
2  Togdheer  2   koob
3  Sanaag  1    koob
4  Awdal   1   koob
     

 

tx Gobolka martigeliyay Magaalada Tirade koobabka
1 M/jeex Hargeisa     5koob
2 Togdheer Burco     1koob
3 Awdal Booramme      1Koob

 

Guul ayaanu u rajaynaynaa Tartanka Ciyaaraha Gobollada ee Dalka gaar ahaan Caasimadda Somaliland ee Hargeisa maanta ka bilaabmay.

 

Rashiid Odawaa

Rashidsalan1982@gmail.com

063-4101213