Hog ku dhacday tacliintii horumarka lagu waday (W.Q: Cabdiwahaab  Maxamuud Ibraahin)

Maanta, waxa uu madaxweyne Siilaanyo furay mashruuc ballaadhan oo lagu magacaabo horumarinta cilmiga qaybtiisii 2aad, mashruucan waxa maalgalisa Midawga Yurub, waxaana lagu bixinayaa lacag dhan 12,222,222 Euro, waxaana fulinaaya Hay’adaha Save the children, NRC iyo CARE.

Hadaba, waxaan halkan idiinku soo bandhigi doonaa xaqiida dhabta ah ee ku duugan mashruucan ballaadhan, hasayeeshee ay aad u yar tahay tayada uu ka gaysto waxbarashada waddanka.

Mashrucan Horumarinta cilmigu waxa uu daba socodaa mid ka horeeyey oo soconaayey saddexdii sanno u danbeeyey 2013/2015. mashruucan waxa loogu talo galay in lagu taageero horumarinta waxbarashada hoose iyo midda sare,hasayeeshee waxaa jirta in aanu midna wax caawimo ah ama taageero muuqata oo la taabankaro ah ka gaysan saddexdii sanno ee u danbeeyey, taas waxa caddayn u ah:-

  1. Markaad lafa gurto miisaaniyadda loogu talo-galay mashruucann horumarinta cilmiga qaybtiisan 2aad waa 12,222,222 euro. Lacagtan (50%*12,222,222 )oo ah kala badh lacagta guud waxay ku baxaysaa, kharashka maamulka, gunnooyinka madaxda waddanka joogta iyomidda Nayroobi fadhida, iibsig abaabuurta hay’adaha, kirooyinka iyo habeen dhaxyada safarada guddaha iyo dibedda.
  2. Waxa kuu soo hadhay miisaaniyadii kala-badh in kudhaw,lacagtaasi waxa loogu talo galaa in ay ku baxayso taageerada waxbarashada qaybaheeda kala duwan, hasayeeshee waxa loo qaabeeyaa si farshaxanimo iyo khiyaamo ku dheehan tahay oo meelkasta waxa lagu qoraa lacag taageero ah, marka miisaniyadda la samaynayo. Su’aashu waxay tahay lacagtani ma loo fuliyey sidii loogu talogalay, misewaa la musuqmaasuqaa? Jawaabta oo kooban waa la musuqmaasuqaa.Tusaale ahaan, mashruucan horumarinta cilmiga qaybtiisii 1aad, wasaaradawaxbarashada iyo tacliinta sarewaxay ka muujisay saluug faro badan, islamarkaasna waxa sidirqi ah Midawga Yurub ugu khasbeen wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habbane in uu saxeexo xisaab-celintii mashruucii horumarinta cilmiga 1aad kadib markii uu diiday.

Hay’adaha waxbarashada ka taageera wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare  marka laga reebo hay’adda UNICEF ma tixgaliyaan qorshayaasha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare. Tusaaleahaan, ma jirto hay’ad qudha oo diyaar u ah in ay daabacad buugaagta ardayda oo dhamaystiran, soo saarida manhajka Somaliland ee dugsiyada hoose/dhexe iyo dugsiyada sare oo aan illaa haddajirin iyo in ay taageeraan miisaaniyadda waxbarashada dawladda qaybaha lacagta loo waayeyama ay ku yar tahay.

Sidaas darteed, mad-madawga ama musuqa soo galay fulinta mashruucii hore ee horumarinta cilmigu 1aad, waxa uu keenay saamayn ah in layreeyo lacagtii taageerada qaadhaan bixiyayaasha 40% saddexdan sanno ee danbeeyey.Waxaana Somaliland ka lacag badan Puntland oo qudha iska dhaaf koonfurta Soomaaliya.

Isla markaasna waxa uu saamayn ku leeyahay mashruucani looga yaqaano wasaarada waxbarashada iyo tacliintasare ‘’waraabe u taag’’ oo uu meesha ka saaray lacago taageero ahaan jiray oo laga heli jiray; UK AID, US AID,DFID,GPE, iyo JPLJ. Maadaama oo qaadhaan bixiyayaashu ay iska ilaaliyaan in siwadajir ah wax isku mid lacag loogu wada deeqo(overlapping).

Hadaba, hadiilacagtaas, wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare lagu soo hagaajin lahaa waxay ka muuqan lahayd waxbarashada waddanka, waayo wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare miisaaniyadeeda dawladu ugu talo gashaa waa $13,000,000 sannadkii, waxaana loo maamulaa sidii loogu talo-galay.

Ugu danabayntii, waxa jira mashaariic badan oo qaadhaan bixiyayaashu ku caawiyaan waddanka, hasayeeshee aan waddanka faa’iido ugu jirin.Waxa habboonaan lahayd in dawladdu samayso hay’ad madax bannaan oo daba-galku samaysa fulinta mashaariicdaas.