Waqti waqtiyada ka mid ayaa dhulkan somalidu degyo gaar ayaan Somaliland ayaa waxa Ku noolaa waraabe aad u gaboobay oo talax gabbay godkiina iyo baradii hoygiisiina ka ruqaansan kari waayey.
Maalin maalaha ka mida ayaa uu isugu yeedhay tafiirtiisii oo aad u faro badan, Kuwo uu dhalay, kuwo ay sii dhaleen oo uu awoowo u yahay, meesha waxa joogay waraabayaal badan oo tafiirtiisii ah wuxuuna Ku tidhi “aabbo, awoowo waad I arkaysaan sidaan noqday waan talax iyo talaababa gabbay mana ugaadhsan karo mar dambe, gacanba maalinbaa la barkadaayo qajeel ayaan awr goola idiin dilay ,dhaxaan laxo tebisa isu kiin dul saaray maanta waa maalintiinii aan idiin baahna, marka hore meeshan iga qaada oo i geeya meel ka calaf badan waad arkaysaan waxaan lafo dhex jiiyo ugaadhiina way ka yaacday halkan.
Caruurtiisii waxay yidhaahdeen “hawraarsan aabbo waad naga helaysaa midhaa ee halkee ayaanu Ku gaynaa”.
Wuxuu yidhi duqii ” meesha aad jeceshihiin igeeya lkn marka aad i qaadaysaan waa inay ahaato goor habeena oo aan iftiin jirin haddii kale waa la isku keen dul dili doonaa oo waxaa dadka la yidhaa ina deyn maayaan.”
Caruurtii waxay ugu jawaab celiyeen ” hawraarsan iyo gudoon aabbo”.
Waqti habeenkii kala badh tegey ayey aabahood godkii kasoo saareen oo ay la yaaceen habeenkii odhan waxa ay wadaanba waxa ay geeyeen meel ay amaankeeda iyo calafkeedaba Ku kalsoonaayeen.
Waagii markii uu beryey ayuu duqii soo kacay oo uu yidhi aabbo,awoowo halkeed I dejiseen meeshan udgoon ee dhogorta geelu godka kuugu soo gelaysaa maxay ahayd.
Waxay ugu jawaabeen caruurtiisii ” aabbo meeshi waa hawd iyo idhankii AXAN-WEYNE”
Odeygii oo an fariirsan ayaa Ku dhaqaaqay ” Axan-weyne aa!!! Waar maanta uunbaad wadkeygii ila soo doonateen meeshani 6 sanno ka hor waa meeshii aan is dul dhigay labada qaalmood ee dhalaya ninkii lahaa ee faaraxna koley wuu I deydayayaa mana uu samirin oo geelba labadaasuu ka lahaaye bi’waayee meesha iga qaaday”.
Caruurtii ayaa tidhi “Oo aabbo halkeen Ku gaynaa hadda”.
Wuu yidhi duqii “meeshii aad bidaan inay ii fiicantahay manfac ahaan iyo amaan ahaanba”.
Waa ay qaadeen wayna la guureeyeen , in nabara markii ay socdeen ayaa ay dhigeen meel ay is bideen inay Ku haboobtahay aaabbahood.
Odeygii ayaa weydiiyey “aabbo halkee weeye meeshan dhogorta cad ee riyuhu ka soo duuleyso ee udgooni”.
Waxay ugu jawaabeen ” aabbo waa dhaymoole iyo xeeb”.
Odeygii ayaa xoog u qayliyey oo yidhi ” waar qoodhiin iyo xeradiin ma maanta ayaad aabbihiin gacantiina wadkiisii ugu keentakeen, meeshani anniga awoowyadiin ayaa habeen usoo dhacnay reer barwaaqo heesaya waxa aanu galnay xero ay riyo Ku jiraan 21 riyaad oo 8 ay dhawaantaa dhalayeen,
qaar waanu bakhtiisanay si aanu maalmaha dambe raqdooda la noogu soo tuuro. Badankoodiina waanu cunay. Ninkii reerka lahaa wuxuu balan Ku qaaday inuu marka uu ina qabto intii ina toogto haduu naf inagu soo gaadho uu nolosha inagu gubo ee meesha iga qaada”.
Sidii hore oo kale carruurtii aabbahoodii gaboobay waa ay qaadeen oo mar sadexaad ayey yidhaahdeen “halkanaa aabbaheen Ku haboon” oo ay dhigeen.
Cabaar ka dib ayuu odeygii su’aalay “aabbo halkan ay dhogorta lo’da ee udgooni ka uraysaa waa halkee aabbo”.
Carruurtii ayaa tidhi ” waa bankii caadda iyo galbeed”.
Odeygii ayaa intuu soo fadhiisatay yidhi “aabbo waxaan la soo fadhiistay naxdin iyo baqe aad u weyn meeshan aad I keenteen 5 sanno ka hore intii aanan waqooyi u dhaadhicin waxaan Ku leynay afar 7 sac oo dhalay iyo weylahoodii oo aanan midh ka bixinin meesha hawl yari ma taalee iga kaxeeya aabbo ducoqabayaal”.
Caruurtiisii oo yaaban oo daalan dhinacna aabbahood aad u jecel ayaa yidhi “aabbo adigu sheego halka aanu Ku geyno ileen meel walba waadigan godobta iyo uur-ku-taalada dhigtee meeshii aanu Ku geynaba waa lagugu sugayaaye”.
Odeygii oo u ilmaynaaya ayaa yidhi “aabbo meelba garanmaayo meel walba aanno iyo dhib ayaan dhigay”.
Caruurtiisii ayaa Ku tidhi “aabbo bal xasuuso meel aanad waxba Ku cunin oo aynu Ku nabad galo”.
Odeygii oo wajiga hoos u rogaaya aadna u tiiraanyeysan ayaa yidhi aabbo dhulka aynu lug Ku gaadhi karno meel aan seegay ma jirtee I SIDA OO ILA MEERAYSTA UUN”.
Dulucda sheekadu waa hadii aad dadka wanaag gashato oo aad dhaqan fiicantahay oo aad dadka u naxariisato waxaad la kulmi hadhow wax wanaagsan.
Haddii ay dadku farta kugu fiiqaan oo ay yidhaahdaan kaasi waa mid xun.
Calaamadaha inaad xuntahay kow lagu gartaana waxaa ka mida dadka aan isku fiilka ama shaqada tihiin waji nooceeya ayey kuula yimadaan.
Si fiican makuu salaamaan si kalgacayleh,
maku qadariyaan.
Haddii jawbahaasi haa noqdaan waxaatay qof wanaagsan ee halkaa kasii wad.
Haddi ay Maya yihiina waxaad yahay qof aan fiicnayn aduunyaduna maalin qudha maaha dadka aad dhibka Ku haysaa beriba waxa laba dhici doonta in adigoo hooseeya aad hoostimaado.
Haddi aad xitaa Ku adadagtahay u baahan maysid adigu ogow caruurtaadana waxaad dadka u gelisay uunbay hadhow ka helayaan.
QALINKII CABDI CAWIYE
CONTACT +0634115877