Islaamka Ha laysku Xukumo! (WQ: Mukhtaar Axmed)

Burburkii boqortooyadii Cusmaaniyada ee soo bilaabmatay qarnigii 14aad kunaa beegan sannadku markuu ahaa 1299 kuna dhammaatay horraantii qarnigii 20aad oo ku beegan 1922 kii. Wixii intaas ka dambeeyay waxa aad loo hadal hayay ilaa wakhtiganna la hadal hayaa in xalka dunida muslimka ah uu ku jiro in Islaamka laysku xukumo? Weriye Cabdilaamik Coldoon ayaa dhawwaan khubad ka jeediyay masaajid, khubaddaas waxa uu soo jeediyay in dalka lagu xukumo diinta Islaamka.

Ugu horrayn waxa is wayddiin leh goorma ayay ahayd markii islaamka laysku xukumi jiray ? boqortooyadee amma dawladdee ayaa islaamka dad ku xumu jirtay ? waa hubaal in akhristow aad ku warcelin doonto in boqortooyooyinkii Cabbaasiyada, Cismaaniyada iyo umawiyadu ay Islaamka dadka ku xukumo jireen. Waxa kale oo hubaal ah inaad tidhaahdo nebiga ayaa islaamka dadka ku xukumi jirey. Waxa is wayddiin leh marka la leeyahay Islaamka ha laysku xukumo maxaa loo jeedaa ? se Islaamka ma qaanuun iyo xeerar laysku xukumo ayuu leeyahay ?

Taariikhda inta la og yahay dunidan waxa soo maray boqortooyooyin badan oo qaarkood Eebbe quraanka kaga warramay Roomankii iyo qaar kaleba. Saas awgeed boqortooyo kastaa waxa ay lahayd nidaamkooda gaarka ah iyo diintooda gaarka ah. Adduunkan may soo marin ummad aan lahayn xeerar iyo waxyaabo laysku xukumo, xataa cawaanka aan waxna qorin waxna akhriyin waxa la xusay inay leeyihiin qaab ay isu maamulaan. Soomaalidu 50 sano ka hor inta wax akhrida waxna qortaa waa ay yarayd haddana waxa ay lahaayeen nidaamyada maamul kuwooda ugu wanaagsan.

Fitnadii dhiigga badan ku daaday ee ka dhex dhacday saxaabadii Nebiga waxa qudha ee laysku haystay wuxuu ahaa maamul iyo cidda xukunka qabanaysa, xilligan fatnada birta layska aslay dhacday kamay fogayn geeridii Nebiga. Macnuhu waxa weeyaan maxay ahayd diinta laysku xukumayay ee qaban wayday dhiigga badan ee daatay. Sidoo kale dhammaan maamul kasta oo dunida soo maray ilaa laga soo gadhayo 1922 markii ay burburtay boqortooyaduu Cusmaaniyadu, dhammaantood waxa ay ay ahaayeen boqortooyooyin is dilayay oo kala adkaanayay , waxa kaliya ee ay isku dagaalayeen wuxuu ahaa maamul iyo xukun.

Sida aynu Taariikhda ku hayno wakhtigii Tataarku dhiigga muslimiinta wabiyada ka dhigeen, waxa dhacday in ka mid ah maamulladii wakhtigaas jiray uu duullaan ku qaaday maamul kale, si qoladaasi ay maamulka u qaadato, halki ay ahayd in ay isu bahaystaan cadawga wayn ee kusoo duulay. Halkanna waxa laga fahmayaa in u jeedka ugu wayn uu mar kasta yahay maamul iyo xukun dhaxal tooyo ah.

Maamuladdi badnaa ee soo maray dunida muslimka ee ay ugu caansanaayeen, Umuwiyiinta, Faadumiyiinta, Cabaasiyada, Mamaaliikta, Ayuubiyiinta, Salaajiqada iyo qaar kale oo badan, dhammaantood waxa ay kala dhaxleen mamaulka iyadoo ku kala helay fawdo, dagaal iyo dhiig daadin badan. Dhammantoodna waxa ay lahaayeen maamulkooda gaarka ah iyo xeerar ay u dejisteed hab maamulkooda.

Haddaba cid kasta oo aamisan in Islaamka laysku xukumo waxa aynu waydiinaynaa ‘’ Marka ay leeyihiin Islaamka ha laysku xukumo waxa loo jeedaa ? tusaale wanaagsan, dhammaan kooxaha is wada radiya, is gaalaysiiya, masaajiida kala xigsada, ilaahay kala xigsada, kala haysta boqollaalka madhabood iyo aragtiyadood, hadii mid dawladda loo dhiibo sow kuwii ay is hayeen dili maayaan oo dhiigooda xalaashan mayaan, iyagoo adeegsanaya cidda adeeci wayda maamulka dhiigoodu waa xalaal.

Haddii Salafiyada xukunka loo dhiibo Fuufiyadu siday ku nabad galayaan ?, fatwo yar oo uu Wadaadka Umal la yidhaahdo jeediyaybaa loogu dilay boqolaal masaakiin Suufiyo ah. Haddii Ikhwaan xukunka loo dhiibo saw sidii Mursi dawladaha innaga quwadda wayn faraha la galimaayaan. Koox kasta oo oo xambaarsan aragtiyo iyaga u gaar ah oo ku wajahan diinta waxa hubaal ah in xukunta iyo diintaba ay u adeegsan doonaan danahooda gaarka ah. Waxa xusid mudan in badiba boqorradii soo maray dunidan ay heshiish dhaw la ahaayeen wadaadda kaniisadaha, masaajiida iyo goobabaha kale ee lagu cibaadaysto, u jeedkuna waa in diinta loo fasiro sida boqorka amma maamulku rabaan.

Dhanka kale, hadda ma jiro miyaa Islaam laysku xukumo ? Dastuurka Soomaalilaan haddiii aad akhrido waxa hubaal ah in aan laga soo helayn wax diinta kasoo horjeeda. Qodobadiisa ugu horreeya waxa ku xusan in Dastuurka ay asal u tahay diintu, waxa kale oo xusan in geyigan aan laga adeegsan doonin wax diinta baal marsan. Guurka, dhaxalka, magta iyo guud ahaan arrimaha waawayn waxa hubaal ah in loo adeegsado Diinta Islaamka. Maxaa uu yahay xukunta Islaamiga ah ee ay doonayaan ?

Islaamku waa diinbaa mise waa Dowladnimo ? qolyaha ku baaqaya islaamka ha laysku xukumo waxa habboon inay is wayddiiyaan su’aasha kor ku xusan. Qolyahan ku doodaya in islaamka laysku xukumo waxa ay ku doodayaa in horumarku uu ku jiro diinta oo laysku xukumo. Haddana kama hayno caddaymo muujinaya xidhiidhka ka dhexeeya Horumarka iyo diinta. Aqoonta casriga ah ee ka warranta arrimaha horumarka ee uu ugu horreeyo dhaqaaluhu waxa uu xusayaa sida lagu horu mari karo iyadoo laga helayo daliilida ku tusinaya arrinkaas. Bal aynu milicsanno xidhiidhka ka dhexeeya diinta iyo horumarka.

Horumarka iyo Diinta:

In badan oo dadka ka mid ah waxa ay aaminsan yihiin oo ay ku cel celiyaan in burburka baahsan ee ku yimi dunida islaamka uu sabab u yahay kitaabka oo laga tagey. Badanka khudbadaha jimceyaasha waxaad ku maqli iyadoo la leeyahay burburka dunida islaamka ugamay dambayn wax aan ahayn ka tegista kitaabka. Bal aynu is waydiinee sawta dadku ay tukadaan, quraanka la dhigto ee dadka islaamka ahi meel kasta oo ay joogaanba lagu arkayo dhaqankii islaamka. Dhanka kale waddanka Turkiga la yidhaa waa bulsho u badan cilmaaniyihiin oo kala saarey diintii iyo dawladnimadii iyagu maxay u bur buri waayeen? .

Waxa xusid mudan in la fahmo in diintu tahay xidhiidh u dhexeeya addoonka iyo ilaahiisa, Nebiigeenna suuban SCW arimaha adduunyada waxa uu wax ka waydiin jirey ciddii khibradeeda leh. Sida arimaha dagaalka, ganacsiga iyo arimo kale oo la xidhiidha arlada. Arrinkaasna waxa inagaga filan xadiiska Nabiga ee odhanaya ( (أنتم أعلم بأمور دنياكم)

Horumarku waa samaynta is baddal dhanka tayada molosha ah, iyadoo laga soo bilaabayo halka ugu hooseysa ee nolosha laga taagan yahay iyadoo la gaadhayo halka ugu sarraysa ee nololasha laga gaadhi karo. Horumarku waa in kor loo qaado dhaqaalaha dalka iyo yarayta heerka saboolnimada. Sidoo kale horumarku waa heer uu gaadhay sakhsi, shirkada iyo dalba. Si horumar loo gaadho waa in helo hoggaan adag, qorshe wax ku ool ah, hir galin, daacadnimo, dulqaad, hawlkarnimo iyo hal abuur.

Burburka iyo dib u dhaca ku yimaadda dal kasta sabab uma aha diinta oo laga tagay ama in la gaabiyay ku dhaqankeeda. Waxa aynu markhaati ka nahay in wakhtigii Nabiga Scw ay imaan jireen dhibaatooyin iyo waliba hoos dhac ku imanayay bulshadaas. Burburka waxa sababa arimo badan oo is biirsadey, sida dhaqaale xumo, hogaan darro iyo duruufo ka xoog bata awoodda dhaqaaleed iyo aqooneed ee la hayo, Tusaale wanaagsan waxa inoogu filan dawladii Cusmaaniyada waxa ugu wayn ee burburkeeda sababta u aha wuxuu ahaa dhaqaale la’aan.

Ugu dambeyn bur burku kaliya kumuu iman dunida islaamka ee waa sunne kawni ah oo soo taxnaa tan iyo bilowgii nolosha, in hoos u dhac yimaaddo iyo kor u kac waxa keenaya is biirsiga hadba waxa keenaya hoos u dhaca iyo kor u kaca. Taariikhda aya marag fur innooga ah is badalladda joogta ee ku sugan nolosha.

W/Q: Mukhtaar Axmed.