Noqo qof wanaagsan (WQ: Khaalid Curaagte)

Caadi ahaan qof kasta oo adduunkan korkiisa ku nooli waxa uu tartan adag ugu jiraa sidii uu u noqon lahaa qof wanaagsan.

Haddaba , sidee ayaad u noqon kartaa qof wanaagsan?

Qof wanaagsan in aad noqotaa waa mid  aad u adag   oo ma aha wax si sahlan isaga iman kara.

Maxaa yeelay sida aad u doonayso in aad noqoto qofaf  badan oo garaadkaaga ka dhex guuxaya  waa in aad marka horeba doonaysid in aad noqoto qof wanaagsan. Waxa aan uga jeedaa sida aad u doonayso in aad dhakhtar, siyaasi, macallin, Ingineer, Qoraa , Taajir, Aqoonyahan, Caaqil, Suldaan, Wasiir , Madaxweyne , Askari, IWM- u doonaysid in aad noqoto  oo kale  , waa in aad doonaysid in aad noqoto qof wanaagsan. Intaas waxa dheer  , waa in aad la timaaddid  rabitaankii iyo aamminsanadii muhiimada ay kuu leedahay noqoshada qof wanaagsani.

In aad noqoto qof wanaagsan kaama hor istaagayaan heerkaaga aqoonneed  iyo heerka  aad bulshadaada kaga jirtaa midna , laakiin waa arin  aad go’aansan karto noqoshada qof wanaagani. Tan waxa aan uga jeedaa qofkata oo bulshada ka mid ahi , haddii uu isagu isku dayo in uu wanaagsanaado bushada oo dhan ayaa noqonaysa bulsho wanaagsan . Hase yeeshee,  qoraalkan kooban waxa aan ku-gula wadaagayaa afar iyo toban sifo (14) oo kuu sahlaya in aad noqoto qof wanaagsan , haddii aad ku dhaqantidna dhammaan bulshadaadu ay kuu arkayso qof wanaagsan.

  1. Xidhiidh Daacadnimo Ku dhisan : Xidhiidhku waa isku xidhnida laba qof iyo wixii ka badan ay si isku dhow xidhiidh u leeyihiin. Xidhiidhku wuxuu noqon karaa mid qoys, saxiibnimo, qaraabonimo, wadashaqayneed, ama mid guud. Sidaas darteed , xidhiidh kasta oo aadane u dhexeeyaa , waxa uu yeelan karaa shil , wuuna xumaan karaa marka ay xaalad adagi timaaddo. Haddaba, dadka wanaagsani waa kuwo sii joogteeya xidhiidkii wakhtiga ugu dheer ee la joogtayn karo , siina xoojiya xidhiidkhka, duruuf kasta oo timaadda.
  2. Taageero fidin: Dadka wanaagsani waa kuwo isku daya in ay dareemaan baahida qofka kale ,baahidu keli ah ma ah baahiyaha aas-aasiga ah , laakiin waa illaa ta dareen ahaaneed iyo ruuxi ahaanneed . Sidoo kale , dadka wanaagsani waxa ay garowshiiyo ka bixiyaan wixii caqli gal ah iyaga oo is dhigaya halka qofka kale taagan yahay , isla markaana miisaamayaa wixii la gudboonaan lahaa haddii qofka kalena booskooda taagan yahay .

Hase ahaatee, taageeristu ma aha keliya in aad si toos ah wax ugu qabato qofka kale ,basle  waa in aad ugu yaraan u muujin karto astaan farxadeed adiga dareensiinaya qofka in aad ku faraxsan  tahay haddii ay dadka kale  guul gaadhaan  .

Tageero fidintu xilliga ay ku haboon tahay ayay fahansan yihiin iyo  nooca taageero ee uu qofka kale rabo . Haddii , laga maarmi waayo dhalliilo toosin ah ayay u soo jeediyaan qofka kale , dhaliilahaas oo aan ahayn kuwo wax duminaya , balse ah kuwo toggan oo wax dhisaya.

  1. Akhlaaq wanaagsan: Dadka wanaagsani waa kuwo akhlaaq wanaagsan, dadka kale oo dhan waxa ay u muujiyaan xushmad iyo habdhaqan aan xanaf lahayn oo aan dhibaato ku keenaynin. Laakiin, habdhaqankani ma aha mid istusnimo ah oo ay ujeeddo u samaynayaan , balse waa mid damiirkooda ka soo maaxday oo ay mar walba jecel yihiin in ay dadka kale kula dhaqmaan.

Tixgelinta ugu sareysa ee qof la tixgeliyo ayay tixgeliyaan shaqsiyaadka kale , waxayna dadka kale ula dhaqmaan sidii ay jeclaan lahaayeen in loola dhaqmo. Akhlaaqdoodu waa mid ay doonayaan in noqoto mid ay ku qaataan noloshooda inta ka dhiman iyaga oo si qur-qurxinaya , inta ay awooddaan. Ahlaaqdooda waxa ay ku saleeyaan hadba goobta joogaan iyagoo marwalba tixgelinaya dareenka bulshada kale.

  1. Naxariis Badan: Dadka wanaagsani kuma qasbana in ay jeclaadaan oo ay u naxariistaan qof kasta , balse ugu yaraan waa kuwo naxariis leh oo dadka kale oo dhan u naxariista . Qof kasta waxa ay u arkaan kuna tixgeliyaan qofnimadiisa , mar walbana waa kuwo isku daya in ay arkaan wanaaga qofka kale , iskana ilaawa xumaantiisa horrayso iyo dambaysaba.
  2. Deeqsinimo : Dadka wanaagsani waa kuwo deeqsiyiin oo fahansan in shay kasta iyo adduunyo kasta oo la uruuriyaa aanay wax micno ah samayninwadaag la’aan. Si kastaba ha ahaatee, ha moodin in deeqsinimadu ay tahay in wax kasta oo gacantooda ku jira ay bixiyaan iyaga oo aan ku calool samayn , balse waxa looga jeeddaa waa kuwo dareensan baahida dhabta ah ee kuwa kale , uguna deeqa wixii ay awoodaan ee aan aan culays ku ahayn .
  3. Ma Illaawaan Habdhaqanka Wanaagsan :Dadka wanaagsani waa kuwo ka war qaba oo dareensan ficilada ay samaynayaan , isla markaana ogsoon waxa damqaya kuwa kale . Sidoo kale, waxa ay mar kasta dareen sanyihiin muhiimada habdhaqanka aan xanafta lahayn. Tusaale, haddii meel lagu wada qadaynayo albaabkuna uu hoosta ka xidhan yahay , dadka wanaagsani way fahmayaan sababta albaabka hoosta looga xidhay wayna iska fadhiyayaan illaa qof kastabaa qadaynayo, xitaa haddii ay qadeeyeen oo ay doonayeen in ay kacaan oo albaabka ka baxaan.

7.Ka Fekeraan  Kuwa Kale: Dadka wanaagsani waa kuwo mar kasta oo ay go’aan qaadanayaan ka fekera waxa u wanaagsan dadka kalena. Ma wanaagsana in uu qoku keliya xaalad kasta oo uu ka fekerayo ku saleeyo naftiisa oo kaleiya , waxayna noqonaysaa bakhaylnimo. Intaa waxa dheer , dadka wanaagsni waxa ay dareensan yihiin in waxa iyaga u wanaagsani aanu dhammaan bulshada kalena u wanaagsanayn. Sidaas awgeed, ma ooraan danta kuwa kale , balse waxa ay eegaan saamynta uu go’aankoodu ku yeelanayo kuwa kale, waxayna ka taliyaan farxadda kuwa kale marka ay go’aan gaadhayaan .

  1. Hawl Badni : Dadka wanaagsani waa kuwo shaqo dheeraad ah qabta iyaga oo og in hawshii loo igmaday ay qabteen . Sidoo kale , waxa ay aad ugu heelan yihiin in ay dhammaystiraan waxa ay bilaabaan, soona saaraan natiijo ka badan tii laga filayay.
  2. U Nuglaanso: Ddaka wanaagsani , waa kuwo u nugul qofka ay jecel yihiin . Mar marka qaarkood , waxa laga yaabaa in aad dadka kale u daryeeshid si ka wanaagsan qofka ku jecel , balse qofka ku jecel aad u daryeesho sida ugu xun . Haddaba, dadka wanaagsani , wa kuwo ogsoon jacaylka uu qofkani u hayo mar kastana ka dhiidhiya dhibkiisa oo kala shaqeeya farxadiisa.
  3. Dhoolo Caddayn: Dadka wanaagsani waa kuwo mar kasta doolo caddeeya , xitaa haddii uu shay kastaaba khaldan yahay oo xaaladdu aanay ahayn sidii ay rabbeen.
  4. Xaalad Kasta Way Saxaan: Xaalad kasta waxa ku jira dhacdooyin taban iyo dhacdooyin toggan. Sidaas darteed, dadka wanaagsani xaalad kasta waxa ay ka istaagaan dhanka wanaagan. Taas micnaheedu ma ah in aanay arag dhacdooyinka gurracan , balse waxa ay u doonaan hanaano ay ku sixi karaan wax kasta oo khaldan.
  5. Saaxiibbo ayay kasbadaan: Dadka wanaagsani waxa ay jecel yihiin in ay helaan saaxiibbo mar kasta hareero taagan. Qofkastaana saxiibka uu kasbanayaa waa mid meel uun ay iska metelaan oo si tiggan wax ula arkaya , waxayna ku saaxibi karaan si fudud , kuna wada socon karaan.
  6. Way fahansan yihiin in Shayna aanu abid iska jiraynin: Dadka wanaagsani waxa ay garanayaan in saaxiibtinimadu ay ku dhisan tahay kasbasho joogto ah . Sidoo kale, way ka dheregsan yihiin in aan saaxiibtinadu ku dhisnayn wanaag hore oo la isu sameeyay , sidoo kale saaxiibtinimadooda imikuna aanay iska sii jiri doonin mustaqbalka , si kasbasho la’aan ah .
  7. Weji Keli Ah : Dadka wanaagsni waa kuwo aan ajigoodu isbdeedlin oo leh hal weji bilow illaa dhammaad . Waa kuwo wanaaggoodu yahay ma guuraan oo mar kasta sida ugu wanaagsan ee ay awoodaan ula dhaqma dadka kale , bilow illaa dhammaad wax isbeddel ahi kuam jiro habdhaqankooda. Tusaale ahaan , haddii aad ugu horrayn qofka moodid qof wanaagsan , waa in uu bilow illaa dhammaad sidaas ahaado habdhaqankiisu , haddii kale ma aha qof wanaagsan laakiin waa isu ekeysiiye.

Guud ahaan , waxa ay iila muuqataa in aan  halkan  ku soo koobay astaamo iyo haybbado ay leeyihiin dadka wanaagsani . Sidaas awgeed, haddii aad doonaysid in aad noqoto qof wanaagsan ama laguu arko in aad qof wanaagsan tahay waa in lagaa helo afar iyo tobanka sifo ee aan kor ku xusay .

Ugu damabyan , way adag tahay in la noqdo qof wanaagsan waxayna u baahan tahay dedaal dheeri ah iyo baraarugsani xad ka bax ah. Haddana,  haddii aad isku daydo in aad dhammaan sifooyinakaas yeelato waxa hubaal ah oo aan sakhsi ku jirin in aad noqoneyso qof wanaagsan mar walba iyo meel kasta.

W/Q: Khaalid Curaagte