Islaamku dhar gaar ah ama dhisme gaar ah ama hub gaar ah ma leeyahay? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Maanta dhaqano badan ayaa inagu soo kor dhay oo xaga dharka ah ama dhismah masaajidada ah, markaa suaashaa ayaa is waydiin leh.

Nin sheekh ah oo masri ah iyo waxaa murmay wiil khaliijiya oo xidhan khamiis aan la goyn Karin qiimihiis laakiin dhudhunka jooga iyo sh. Masri ah oo xidhan khamiis toban dollar ah laakiin kuraamaha dhaafsan. yarkii khaliijiga ahaa ayaa sheekha Ku yidhi misbal ayaad tahay(misbal macnihiisu waa marada oo kuraanta dhaafta) ayaad tahay, sheekhii Masriga ahaana wuxuu ugu jawaabay adaa misbal ah, isaga oo uga jeeda kaygu wuu jabanyahay kaaguna waa israaf.

Nin sheekh Ah ayaa yidhi Rasuulka scw iyo abu jahal isku dhar uun bay xidhan jireen. Nin sheekh ah oo tabliiqi ah ayaa yidhi illaa qofku duubka qaato wali kama dhawa, nin masri ah oo dumarkeena arkay ayaa wuxuu dareemay hablaha oo imika dharka isku dhajinaaya wuxuu yidhi kuwaa iska jira, mar ayaan Addiis tagay markaas aan dumarkaa soo arkay, markaan soo noqday ayaan idhi dumarkeenu way wada xijaaban yihiin. islaan somaliyeed oo ingiriiska ka waramaysay ayaa tidhi lix billoodna dhirta ayaa qaawan, lix biloodna dumarka.  Hadal iyo guntii dharkaad xidhanayso waa inuu sunihii RSW waa faqaa, sunah qudhadkiisa ayaan si loowada fahamsanayn oo  waa kuwaa sheekha Masirga ah iyo kaa yar ee khaliijigu ku murmay.

Qaarbaa masaajidkii illaahay dun dumo ka dhigay oo aanad kala garanayn masaajidkii iyo gurigii, guryahoodana aad la yaabtaa qurux iyo sida ay u dhisanyihii, maxaad guryihiina uga dhigi waydeen kii rasuulka RSW ee marka uu tukanaayo cidhiidhi awgeed uu lugta caaisha iska qanjiidhinaayay, masaajikiina dundumo uga dhigteen. Gawaadhi kala jiidan ayay wataan, maxaad fardo u wadan waydeen magaalada gudaheeda asxaabtii iyo rasuulku scw fardo ayay fuulijireen eh. Maanta oo nukliyeer la haysto seeftii ku dagaalama dee Rasuulku SCW iyo asxaabtii seefo ayay ku dagaalami jireen eh.

Hadaba nolosha waxbaa is badala had iyo goor kuna jiraaya isbadal, hoyga, dharka, hubka iyo wixii la fuulaayay is badal daaim ah ayay ku jirayaan. Diintuse waxay xakamaysaa dhaqanka qofka iyo umada, hadafku diintuna waa inu dhaqanka qofku toosnaado  iyo ka umadu, xadiis macnihiisu yahay illaahay ma eego sida aad u eegtihiin laakiin wuxu eegaa quluubtiina iyo camal kiina.

Ninka leh casrigii rasuulka SCW wixii la xidhan jiray, wixii la dhisan jiray iyo wixii la fuulijiray iyo wixii lagu dagaalami jiray ayaan ku dhaqmayaa isaga ha laga arko, tuke baal cad ha noqdee.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com