Madaxweyne Siilaanyo wuxu ka aqbalay iscasilaadii wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuu magacaabay wasiir cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-5219/112017 uu Aqbalaad Is-casilaad kaga aqbalay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada isla markaana uu ku magacaabay wasiir cusub. 

Ujeeddo:       Aqbalaad Is-casilaad        

Ku:      Mudane, Maxamed Cabdillaahi Oobsiiye

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Mudane,

Aniga oo ka duulaya qoraalka aad i soo gaadhsiisay, ee ujeedadiisu tahay ka tagid xilkii aad haysay ee Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaan kaa aqbalay is-casilaadaada aad ii soo gudbisay. Sidaa darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.

Magacaabid

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Wasiirradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; 

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Attachments area