Ramadaan Kariim dhammaan akhyaarta akhrisata ee ku xidhan mareegta Bandhige meel kasta oo aad joogtaanba. Waxaan muddo hore halkan ku qori jiray qoraalo aan ugu magac-daray “Kacdoonkii Dhicisoobay” oo aan kaga hadli jirnay kacdoonkii shucuubta carabta ee badankooda la dhiciseeyey malaha Tuuniisiya kaliya uun baa dhibkaas aad uga roon.
Haddaba inkasta oo aanan qalin iyo kaameerad midan qaadan bisha RAMADAAN haddana waxaan jeclaystey in aan idinla wadaagno qoraallada musalsalkaas oo aan Khamiis walba haddii Rabi oggolaado mid soo bandhigi doono, waxaanay innoogu joogtay qaybtii 8aad iyo kacdoonkii masaarida oo aan ku dhax jirnay.
Kacdoonkii Dhicisoobay, Q.9aad
Ciidanka Masar sida ay dad badan oo arimahaas u dhuun daloolaa sheegayaan waxa ay sameysteen mudadii dheerayd ee ay xukunka afduubka ku haysteen sameysteen saaxiibo badan oo diabada iyo gudahaba ah kuwaas oo intooda badan ah sharwadayaal oo dan u hayn shacabka iyo dalkaasba kan eegayan kaliya danahooga gaarka ah kuwaas waxaa ugu waaweyn marka laga hadlaayo arimaha gudaha ganacsato isugu jirta muslimiin iyo masiixiiyiinba kuwaas oo leh hanti xa dhaaf ah oo si sharci daro ah loogu naas nuujiyo meelo muhiim ah, oo ay ugu can san yihiin shirkado lagu sheego in ay saami lay yihiin oo ciidanka saraakiishooduna waxa ku leeyihiin.
Nimankaas gacansatada ah waxaa ugu cad cad Najiib Saawareys oo leh telefishino iyo shirakado kala duwan oo ganacsi kala duduwan sameeya waan nin kiristaan ah, waxaa kale oo ragas ku jira xuseen Saalim oo isaga loo xidhay ganacsiga shidaalka Masaarda gaar ahaan kan Gaaska dabiiciga ah oo Israa’iilna lagaga iibiyo foosata sadex doolar halka uu caalamka kale ka ahaa markaa 25 doolar foostadii.
Kan danbe waxa uu ka mid ahaa dadkii lagu soo taagay maxkmadaha dalkaas in ay hantidii ummada dhaceen.
Saaxiibada dibada ay cidaanka Masar ku leeyihiin waxaa ugu waaweyn Maraykan iyo Israa’iil labadan dal marka aad eegto danta gaarka ah ee ay ka leeyihiin gobolka baridha dhexe marna ogolaan maayaan kacdoon noocan oo kale ah in uu hir galo.
Waxaa laa gaadhay doorsahdii madaxweynaha ee loo balansana horayna waxen u soo sheegay markii ololaha doorashadu bilaabmay waxaa la kala diray baarlamaankii Akhwaanku u badnaa ee ururada kale ee Salafiguna ku xigeen, ma ahayn runtii doorashada dal waligiiba diktaatooro isaga danbeeyeen in hal mar uu noqdo dimoqraadi xor iyo xalaal ah waliba shirqoolo waaweyna lala magan yahay.
Akhwanku mara hore waxa ay shaaciyeen oo si rasmi ah u sheegeen in aany galayn doorasho loo tartamo madaxweyne taasina in badan neef qabow ayey ka soo saartey gaar ahaan kuwa cilmaaniyiinta ah iyo qaar ka mid ah taageeryaashii milatarigaba inkasata oo gaan gistarada ciidanku aanay sidaa doonayn oo ay rabeen madaxweyne Ikhwaani ah ka dibna ay xukunka ka tuuraan.
Laakiin markii baarlamaankii la kala diray maxaa meesha u yaala waxa ay sheegeen in ay musharax leeyihiin.
Hoos ka akhriso qaybihii hore ee Kacdoonkii Dhicisoobay
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 8aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 7aad
Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybtii 6aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 5aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 4aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 3aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 2aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 1aad
raagesom@gmail.com