Ingiriisku haddii uu ka baxo Midowga Yurub saamayn noocee ah ayuu mustaqbalka Somaliland ku yeellan karaa? (WQ: Axmed Sandoon)

Maanta oo bishi tahay 23ka Juun oo ku beegan maalinta khamiiska ah, waxa dalka Ingriiska ka dhacaya codayn dadwayne(referendum), oo ay dadwaynahaasi u codaynayaan laba talo mid ahaan: In dalkoodu (U.K) ka baxo Midawga Yurub (E.U), ee ay ka mid tahay hadda iyo in uu ka sii mid ahaado Midawga Yurub (E.U).

Haddaba, dadwaynaha Ingriisku, way ku kala qaybsan yihiin arrintan muddo 3-4 bilood ah, waxaanay kala calaf qaadayaan khamiista soo socota. Sidaa markay tahay dadka dalka inaga jooga, xagna u leh in ay codeeyaan, ha lagu baraarujiyo, waa fikirkayga e, in ay is waydiiyaan su’aal saddexaad oo dheeri ah, oo ah in: · Ingiriiska oo ka baxa Midawga Yurub iyo isagoo kusii jira mustaqbalka, midkee u roon dalka Somaliland, marka laga eego dhinaca baadidoonka ictiraafka.

Waxay ila tahay, markaan ka duulo dhinaca baadidoonka ictiraafka, inay in oo sahlanaan karto Ingiriiska oo ka baxa Midawga Yurub (E.U), maxaa yeelay waxa markaaba suuragal ah, in danahoodii isku lifaaqnaa kala fuqaan, dabadeedna dhinac waliba gaar u baacsado danahiisa siyaasadeed iyo dhaqaaale.

Dabcan inagana waxa Illaahay ina dhigay oo aynu ku naalaa bogcad ishu qabanayso (redsea), oo istraataji ah. Ingiriiskuna hadduu ka baxo Midawga Yurub, oo dadwaynihiisu sidaa u codeeyo, waxa Hubaal ah in isbedel siyaasadeed ka dhacayo qaaradda Yurub, baaxadda uu doono ha yeesho e, haba lahaadaan bisayl siyaasadeed oo ay ku gaadhi karaan, sidii xeegona xeego u noqon lahayd, Ilkana u nabad gali lahaayeen e.

Kolse haddii lakala boodo, siyaasad iyo dhaqaaleba, way ku kala bixidoonan waxa markaa dhacaysa in Ingriiskii aan sidaa ugu qanacsanayn wax la yidhaa Somaliland, oo gooni u go’da, haddana aan jeclayn in ay ka libidho, cidkale oo uga baqaana aanay jirin ama lagu tixgalin jirayba, in uu doorkan aad u qiimeeyo, haddii isla markaa inaga lafteenu la nimaadno, si xor ah dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo firfircoon.

Waxa kale oo dhici karta, in jinaaxa kale ee ku hadhay magaca Midawga Yurub(E.U), oo haatanba aynu qaarkood xoodaamino ay kaba timaado dabayl wanaagsani. Markaa waxaan maqaalkan uga dan leeyahay kuna soo koobayaa, in dadkii Ingiriiska degenaa ku baraarugaan arrintan.

Wabilaahi Tawfiiq

Qore: Axmed Sandoon Xasan