Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema ayaa wiilkiisa oo la yidhaa Teodorin Nguema Obiang oo ahaa madaxweyne-xigeenka labaad ee dalka u dallacsiiyey madaxweyne-xigeenka koowaad.
Madaxweyne Teodoro ayaa go’aankan gaadhay kadib markii uu kala diray Golihiisii Wasiirrada 17-kii June taas oo ka dambaysay doorashadii dhacday 24-kii April.
Go’aankan ayaa ka xanaajiyey mucaaradka dalkaas iyagoo ku tilmaamay in madaxweynuhu awooddii qaranka ku koobayo hal qoys.
Wiilkan madaxweynuhu dallacsiiyey ayaa da’diisu tahay 47, waxana loo arkaa in uu yahay wiilka dhaxli doona madaxnimada dalkan ku yaalla galbeedka Afrika.
Madaxweyne-Xigeen Teodorin Nguema Obiang ayaa mar maxkamad lagu saaray dalka Faransiiska iyadoo lagu soo eedeeyey musuq-maasuq iyo ku-takri-falka hantida umadda Equatorial Guinea, hase ahaatee markii dambe waa la laalay dacwaddiisa.