Kacdoonkii Dhicisoobey, Q.11aad (WQ: Xasan Ciise Raage)

 

Kacdoonkii Suuriya

Suuriya waa dal caan ka ah dunida gaar ahaan bariga dhexe iyo Carabta waana muhiim goobta uu kaga yaalo qaarada Aasiya waxaanu leeyahaya taariikh dheer oo xaga diimaha iyo loolankaba ah waxaa uu waayo muhiim u ahaa diinta kiristaanka iyo imridoorayadii waynayd ee Roomaanka. Waxa la kala wareegay oo qabsaday Asxaabtii Rasuulka gaar ahaan Ubuu Cubayda iyo Khaalid binu waliid oo hogaamiyaal ka ahaa ciidankii muslimiinta ee waagaas ku duulay waxaanay la wargeen sanadii 13aad ee hijrada Nabiga (NNKH).

Waxaa uu dalkani muhiim u ahaa dawlado badan oo Islaamka soo maray sida Umawiyiintii.Saljuukiskii,dawladii sankiska, Ayuubiyiintii, Mamaaliktii iyo Cusmaaniyiintii oo u danbeeyey, waxaana la odhan karaa wixii ka danbeeyey dagaalkii koowaad ee aduunka dalkaas ma soo marin gacan aamin ah oo xilkiisa ka oo bixi karta, waxaana ugu darnaa markii xisbul Bacsi nimanka la baxay ay xukunkii afganbi ku qabsadeen sanadihii lixdameeyadii waxaanu xaalad mugdi ah galay markii uu u gacan galay qoyska reer Asad sanadkii 1970kii ee uu sii afgambiyey saaxiibadii waxaanu xukunka gacanta u galiyey koox diimad yar oo Calawiyiin ama Nusayri la yidhaahdo oo shiico xag jir ah.

Waxaany noqday aqlabiyadii dalkaas soo hogaamin jirtay waa suniga eh oo 90% ah kuwo uu saaran yahay cadaaadis kooxahaya yar yar yarka ama diimo ha noqdeen ama madaahib kale waxa ay xukunka reer Asad ka helaan in ay siday doonaan ugu amar ku taagleeyaan shacabka reer Suuriya.

Waxaa ku yaala dalkan magaalooyin badan oo taariikhi ah oo ah kuwa caalamka ugu qadiimsan waxaa ka mid ah Dimishiq, Xalab, Ximis, Xamaa Tatmur iyo kuwo kale oo laga helo Mawlacyo qadiim ah oo ay layaaheen wadaada kiristaanku.

Hoos ka akhriso qaybihii hore ee Kacdoonkii Dhicisoobay

Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybta 10aad

Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybta 9aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 8aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 7aad

Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybtii 6aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 5aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 4aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 3aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 2aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 1aad

WQ:ย Xasan Ciise Raage

raagesom@gmail.comย