Maraykanka: Askari dilay 32 jir madow ah

Askari ka tirsan ciidanka boolis Maraykanka ayaa si arxan darro ah u diley nin Maraykanka madow ah habeenkii Arbacada, xilli uu gaadhigiisa ku safrayay guddaha gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Saaxiibbada iyo qoyska dhibbanaha, ayaa warbaahinta guddaha u sheegay in Philando Castile, uu ahaa 32 jir, ahaana shaqaale dugsi.

Haweeney iyo ilmo 7 sana jir ahaa oo gaadhiga la saarnaaa dhibbanaha, ayaa loo kaxeeyay saldhigga booliska.

Muuqaal daawasho ah oo  la soo dhigay baraha bulshada ay ku kulanto ee online-ka oo uu dil ka muuqdey, ayay boolisku xaqiijinin in ay aheyd dhacdadii lagu dilay Castile.

Muuqaalka, ayaa waxa uu ku billaabanayaa dhibbanaha oo dhiig ka qubanaya, islamarkaasina fadhiya kursiga gaadhigi uu la socdey. Warar ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu Castile joojiyay, kadib markii uu ku eedeeyay sharci jabin xagga gaadhi wadista ah.

Waaxda booliska St. Anthony, Minnesota, oo iyadu maamusha deegaanka Falcon Heights oo ah halkii uu dilka ka dhacay, ayaa waxay baahisey warbixin ay ku sheegtey in booliskii dilka geystay su’aalo la weydiinaayo.

Waxay waaxdu sidoo kale sheegtay in askariga la siiyay fasax shaqo inta ay socoto baadhista, markaas oo uu mushaharkiisu uu weli u socon doono.

bandhige@gmail.com