Ingiriiska waxa ra’iisal-wasaare u noqonaysa haweenay

 

Hadda waa la hubaa in ra’iisal-wasaaraha soo socda ee Ingiriisku ay haweenay noqonayso kadib markii waxa isreebreebkii loogu jiray jagadan ay ku soo hadheen laba dumar ah oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ingiriiska oo magacyadoodu yihiin Theresa May iyo Andrea Leadsom.

Doorashada ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska ayaa imanaysa kadib iscasilaaddii uu ku dhawaaqay David Cameron.

Codkii xubnaha baarlamaanka ee Conservative-ka Theresa May waxay ka heshay 199 halka ay Andrea Leadsom ka heshay 84, taasi waxay muujisay in baarlamaanku uu doortay Theresa May oo ah Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee hadda, laakiin waxa hadhsan codkii xubnaha Conservative-ka u diwaangashan oo ka kooban 150,000 oo qof kuwaas  oo yeelanaya go’aanka kama dambaysta ah.

Gabadhan hadda tartanka xagga hore kaga jirta ee Theresa May waxay u ololaysay in Ingiriisku ka sii mid ahaado midawga Yurub ka hor intii aan aftida la qaban halka Andrea Leadsom ay u ololaysay in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub.

Hase ahaatee Theresa May ayaa sheegtay haddii ay guulaysato in ay ka shaqayn doonto sidii xisbiga Conservative-ka loo midayn lahaa isla markaana loo meel marin lahaa go’aankii ay gaadheen dadweynaha Ingiriisku.

“Anigu waxan aaminsanaa in Midawga Yurub  laga sii mid ahaado, laakiin hoggaamiye ayaan waxan meel marin doonaa wixii ay dadkaygu doorteen” ayay tidhi Theresa May.

Theresa May waxa lagu tilmaamay xiddig ka soo dhex iftiintay xisbiga Conservative-ka, waxayna ammaan badan ku heshay sida ay u maamusho jagadan ay hadda ku fadhido oo ah Xoghayaha Arrimaha Gudaha ama “Home Secretary”

Doorashada kama-dambaysta ah ayaa dhici doonta 9-ka Sebtember, taas oo macnaheedu yahay in maal-gashadayaasha iyo ganacsiyada waaweyn ay ku khasbanaanayaan in ay sugaan laba bilood ka hor inta aanay gaadhin go’aanadooda waaweyn.

Bandhige@gmail.com