Khabiir Ku Taliyay In Maraykanku Xafiis Ka Furto Hargeysa (WT: C/raxmaan Hayaan)

Khabiir Ku Taliyay In Maraykanku Xafiis Ka Furto Hargeysa.

Michael Rubin.

W/T: C/raxmaan Hayaan

 

Toddobaadkii hore diblomaasiyiin, madaxweynayaal iyo raysal wasaaryaal ayaa iskugu yimid waddanka yar ee Jabuuti. Kulanka waxa soo abaabulay u qaabilsanaha wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka arrimaha Afrika, ama ergayga Maraykanka ee Donald Yamamoto, ama waxaaba suurtagal ah inuu ahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Ka qaybgalayaasha markii la casuumay waxay sheegeen in aanay ka war hayn waxa uu yahay ajandaha shirku, waxaanay u eekayd in wasaaradda arrimaha dibaddu illowday inay ku darto, ama aanay waxba diyaar u ahayn illaa shirka la soo wada gaadhay.

 

Ka ay doontaba ha noqotee, hannaanka oo dhammi waxa uu ahaa mid sawir xun ka bixinaya wasaaradda arrimaha dibadda. Madaxdii dalalku waxa ay dhago fudayd u muujiyeen yeedhmadii Maraykanka iyaga oo ixtiraam u haya Maraykanka, balse habacsanaanta shirka loo diyaariyay ayaa mijo xaabisay sumcaddii diblomaasiyiinta Maraykanka.

Markii ay madaxdu soo gaadhay Jabuuti, hadafka siyaadadeed ee Maraykanku waxa uu ahaa inay bilaabaan wadahadallo dhex mara Somalia iyo Somaliland oo ah gobol woqooyiga Somalia ku yaalla oo leh madaxbannaanidiisa u gaarka ah, kuna biiray Somalia 1960kii kadibna ka soo go’ay 1991kii markii ay Somalia dhex gashay fawdo iyo kala dambayn la’aan. Mar kale ayay haddana siyaasadda maraykanku qardo jeex samaynaysaa. Somaliland waa dal Dimuqraaddi ah, hase ahaatee maadaama oo ay caalamka ka go’an tahay, gabi ahaanba ma laha dhaqaale buuran marka la barbardhigo Somalia. Somaliland sidoo kale waa xulafo marka ay timaaddo la dagaallanka argagixisada, halka Somalia ka tahay  meel khatar ah.

Laakiin halka waligeedba wasaaradda arrimaha dibaddu dabada ka riixaysay iskaashi dhex mara Muqdisho iyo Hargeysa, Yamamoto isagu waxa uu taageeray dhaqaale curyaaminta Somaliland. Si uu u quweeyo madaxweynaha Somalia Mohamed Abdillahi Farmaajo ( oo dawladdiisu kaliya ka taliso dhowr kilo meter oo badhtanka magaalada Muqdisho ah), Yamamot waxa uu isha ka laliyay sida ay Somalia u qaadatay maamulkii hawada Somaliland, iyada oo awood u yeelatay inay maamusho duullimaadyada madaniga ah ee dalkaa madaxa bannaan waxaanay codsatay in dhammaan mucaawinooyinka la siiyo Somaliland ay soo maraan dawladda dhexe ee Somalia halkaasoo aan dib loo arag, maadaama oo hay’adda Transparency International ku daraysay Somalia 16 kii sano ee tagay liiska dalka ugu musuq maasuqa badan adduunka.

 

In Somalia laga xigsado Somaliland waxay la mid tahay uun adiga oo burburiya awoodda Taiwan u leedahay inay iska caabbido rabitaanka Shiinaha.

Haddaba halka wasaaradda arrimaha dibaddu ku jeedday meelo kale, Yamamooto waxa uu raadinayay inuu qorshe isaga u gaar ah ku soo rogo gobolka bariga Africa isaga oo aan wax oggolaansho ah ka haysan madaxda ka sarraysa. Diblomaasiyadda iska wadashaduna marmar uun bay meel fiican ku danbaysaa.

 

Madaxda labada dal ee Somalia iyo Itoobiya waxay wajahayaan sumcaddooda oo hoos u sii dhacaysa, waxaanay raadinayaan inay doorashooyinka dib u dhigaan, isla markaana sii wataan xukunkooda qayral dastuuriga ah. In Somaliland laga dhigto ama ay noqot meel lagaga gabbado doorashooyin ka dhaca dalalka jaarka waa arrin aan sax ahayn isla markaana keeni karta inay wax yeellayso xasilloonnida geeska Afrika.

 

Maxsuulka kaliya ee togan ee shirkii Jabuuti waxa uu ahaa inaanu ahayn mashruucii seef-la-boodnimada ahaa ee Abiy Ahmed uu ku doonayay inuu Farmaajo ka dajiyo caasimadda Somaliland, taasoo keeni karaysay in Farmaajo la dilo, waayo dadka reer Somaliland waxay u arkaan ninkan Siyaad Barre adeerka u yahay sida ay Kurdidu u arkaan Saddam Xuseen Qaraabadiisii. Illaa hadda ma cadda sababta ay wada hadallada Jabuuti ay wakhtigan ugu soo beegmeen, iyada oo Somalia gardarro qaawan ku haysay Somaliland muddo saddex sano ah.

 

Waxba ha la yaabin, wadahadallada Jabuuti uma ay dhicin si wacan, halka ay diblomaasiyiintu ka yidhaahdeen bilawga kulanka waxa lagu doonayaa in la dhiso is aamminaadda iyo kalsoonida, uma ay muuqan inay ka tarjumayaan in is aamminaad la’aantu ay ka dhex jirto uun Somaliland iyo Somalia, balse sidoo kale ay ka dhex jirto Somaliland iyo Maraykanka, taas oo uu ugu wacan yahay Yamamoto oo doonaya inuu cagta hoos galiyo qarankan 29 jirsaday.

 

Run ahaantii tani waa sababta sawir laga qaaday marwadii koowaad ee hore SL, ahaydna wasiirkii horee arrimaha dibadda una dhaq dhaqaaqda arrimaha dumarka, Edna Aden oo ay faraha isku taag taagayaan Yamamooto uu u noqday mid baraha bulshada aad looga hadal hayo.  Wadahadalladii midho dhal la taaban karaa kama ay soo bixin, inkasta oo qaar ka mid ahi sii socon doonaan marka ay timaaddo qaybsiga mucaawinooyinka, maamulka hawada iyo amniga.

Taa macneheedu maaha in diblomaasiyadda iyo nabad raadintu aanay wanaagsanayn, waa ay habboonyihiin, balse haddii  la doonayo in diblomaasiyadda Maraykanka ee geeska Afrika ay shaqayso, waa in aan la adeegsan diblomasiyiin aan wax lagu doortay jirin, in loo faa’ideeyo madax wakhtigoodu sii dhamaanayaana shaqayn mayso, taa baddalkeeda waa xilligii Maraykanku si dhab ah u  maal galin lahaa diblomaasiyadda

Haddii la doonayo in diblomaasiyaddu hore u socoto, wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanku waa inay xafiis ka furataa ama Qusuliyad Hargeisa. Si ka duwan sida uu u fikirayo Yamamoto, tani ma noqonayso in la cumaamaday madax bannaannidii Somaliland, maxaa yeelay Maraykanku waxa uu xafiis ku leeyahay woqooyiga Suuriya, qunsuliyad ku taalla Kurdistaanta Ciraaq, iyo Machad ku yaalla Taiwan.

Sidoo kale waxa jira tusaale uu raaci karo oo Somaliland ka jira, Turkiga, Jabuuti iyo Itoobiya waxay ku leeyihiin Qusuliyado, dhowr dal oo Yurub ahina waxay ku leeyihiin xafiisyo caasimadda. Ammaanka Hargeysi xataa ma aha mid xun, diblomaasiyiintu waxay ku dhex maraan lug iyo baabuur labadaba iyaga oo aan la ilaalinayn, danbiyaduna waa ay ka hooseeyaan sida ay yihiin qaar ka mid ah caasimadaha Yurub.

In maraykanku xafiis ka furto Somaliland waxay kaloo ka caawinaysaa aqalka gaashaandhigga ee Pentagon in ay fursad u helaan in saraakiisha Muqdisho u joogta ee Yamamoto ka hor taaganyahay Hargeysa ay halkaasi tagaan. Waaxda  gaashaandhiggu waxa kale oo ay ka warwarsantahay in dadaallada uu Yamamoto ku doonayo inuu go’doomiyo Somaliland ay waddo u furi karto Shiinaha iyo Ruushka inay galangal u yeeshaan halkaa.

Si kasta oo ay Somalia midow u doonto, Maraykanku waa inay ogaadaan inaanay qasbi Karin. Si kasta oo maraykanku ugu xagliyo Muqdisho, Somalia uma eka umana dhawa inay matali karto  wax u eg in dad Dimuqraaddiyad ku nooli isku dhiibaan.

Marka ay timaaddo mucaawinada, gobol kasta oo ka tirsan Somaliland iyo Somalia, waa inuu helaa saamigiisa mucaawinooyinka caalamka marka uu muujiyo inay si wax ku ool ah u isticmaali karaan. Maraykanka oo dawlad fadaraal xataa waligeed iskumay dayin inay mijaxaaiso fadraalnimada si ay u xoojiso hoggaamiyayaal aan si dimuqraaddi ah loo dooran.

 

Geeska Afrika, waa uu ka muhiimsan yahay sida ay yaqiinsan yihiin siyaasiyiin badan oo Maraykan ahi. Diblomaasiyadduna waa hannaanka kaliya ee lagu dajin karo, laguna xallin karo badi dhibaatooyinka iyo khilaafaadka ka jira gobolka. Haddii la doonayo in wada hadallada Jabuuti guulaystaan, ma jiro waxa lagu baddali karo maal galin la taaban karo oo ay samayso waaxda arrimaha dibaddu, waxaana ugu horreeya in ay ka furato xafiis Hargeysa.

 

W/T: C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com