Marka hore si uu fahamkeenu u soo dhowaado bal aynu Juquraafi ahaan u eegno Wabiga niilka waxa lagu tilmaamaa kan Adduunka ugu dheer 6650km ayuu gaadhaa waxa uu isaga gudbaa 10 waddan,waxa uu ka soo bilaabmaa dhul aad u faro badan oo Buuralayda iyo taagaga sare ee dalalka Ruwanda,Burundi,harada Victoria ee Ugandha,qaybo ka mid ah dalka Koongo,qaybo ka mid ah dhulka Tanzania, waxa la rumaysan yahay inuu ka soo burqanayo Ilo dabiici ah oo ilaahay uun qiyaasi karo waxana sii caawiya Daadadka marka ay roobabku curtaan iskaga soo darsama Buuraha joogga sare iyo laagaha waawayn sida ee xawliga ku socda.qaybtaas waxa loo yaqaannaa (Niilka Cad)
Waxas oo dhami markay isku soo darsamaan wuxu soo maraa harooyinka Albert iyo Erdward isagoo wabigaasi xawli aad u badan ku socda ayuu soo gala Koonfurta Sudan,markan xawaarihii uu ku socday wuu is beddelaa waanu balaadhaa oo wuxu ku faafa dhul aad u siman,waxa uu galaa haddana Waddanka Sudan magaalada Khartoum ee Caasimadda ah,halkaas waxay iskaga darsamaan qaybta kale ee Wabiga Niilka Buluugga ah oo isaguna ka soo dhaqaaqay jihada buuraha Dhaadheer iyo dhulka jooggiisu sarreeyo (Harada Tana) ee Ethiopia waxayna ku kulmaan Badhtamaha Khartoum,halkaas waxa ka samaysma Wabiga Niilka Wayn sidaas ayuu wabigii ku gala dalka Masar.
Waddanka Masar ayuu si xarrago leh u maraa illaa uu gaadho magaalada caasimadda ah ee Qaahira waxa uu uga sii gudbaa Gobolka DELTA loo yaqaan ee woqooyiga Masar ama Masarta hoose waxa uu wabigu ku fafaa isagoo saddex laagood u kala baxay,dhul baaxaddiisu dhantahay 250km oo fidsan galbeedka illaa iyo Magaalada Alexandria iyo bariga illaa Port said dhulkan waa halka ugu beeraha badan waddanka waxanu wabigu keenaa Carrada Nafaqada leh ee beeraha ku habboon,intaas ka dib waxa uu ku shubmaa Badda Mediterinean.
MAXAA LAGA AAMINSANYAHAY WABIGA NIILKA
Dadka reer Ethiopia ee dega Gobolka Buuraleyada ah ee uu ka soo burqado Niilka Nuluugga ahi waxay u yaqaanna Wabiga Niilka Buluugga ah Mid barakaysan,waxana la sheegayaa qaarkood inay taariikhdii hore ay ka barakaysan jireen,Dadka Reer Masar Iyagu waxay u yaqaanan in wabiga niilka ay iyagu iska leeyihiin oo uu yahay wax ilaahay ugu deeqay odhaah ayaa Tidhaa “Niil Waa Masar,Masarna waa Niil” dadka Reer Masar xattaa lamaanayaasha illaa ay wabiga soo booqdaan uma moqoto,Sidoo kale Sawirrada farshaxanka ah ee laga helayo Ahraamta masar iyo dhamaan raadadka Ilbaxnimo ee Masar waxay muujinayaan inay waligeed waddanka Masara Xattaa Faraaciintii Hore ay u ahayd Sal ilbaxnimada ay Umada badan oo adduunka ah kaga dheereyeen ama ay ku faanaan,sidoo kale waddanka Masar ma helo roob badan oo dhulku wuxu u badanyahay lama degaan biyaha ugu badan ee ay helaan waa Wabiga Niilka si kastba ha ahaatee dadka reer Masar waa dad aad u aaminsan wabiga Niilka.
WAA MAXAY XUDDUNTA KHILAAFKU?
Arrinta uu khilaafka ba’ani ka taaganyahay waxa weyaan Dhaamka wayn Ethiopia ka yagleeshay Meel u jirta 15km oo keliya Xadka ay Sudan la leedahay,in kastoo dhaamam hore laga xidhay wabiga niil sida Dhamka Jinja ee Ugandha,Dhaamka Suud ee Sudan iyo Dhaamka Aswan haddana dhaamkan Ethiopia Samaysay oo Magaciisa la yidhaa (GERD) waxa uu noqday kan ugu wayn Afrika waxana baaxadiisu ka wayn tahay Bedka ay ku fadhido Magaalada Caasimadda Ingriiska ah ee London,Dhaamkan Waxay ka rabtaa Ethipia inay ka samayso Tamarta Electrik si ay uga iibiso dhamaan waddamada Geeska Afrika waxayna u aragtaa Ehiopia inuu dhaqaalaha waddankooda kor u qaadi doono.
Masar iyadu waxay u aragtaa khatar soo wajahday sidaas darteed waxay rabtaa inay hehso biyaha wabiga niilka 60% sida uu dhigayo heshiiska ay masar la saxeexatay Ingriiska 1929 oo xukumi jiray waddamada uu Maro wabiga niilku marka laga reebo Ethiopia heshiiskaas oo qeexayay in Masar ay madax ka tahay Talada wabiga niilka arrin kasta oo wabiga laga damcana laga talo geliyio.
Ethiopia iyadu waxay ku doodaysaa Heshiiskaas annagu qayb kamaanu ahayn,hase ahaatee wada hadal waanu ogolahay dhowr jeer oo wada hadal la isku dayay wax hagaagsani kamay soo bixin,Masar waxay taagantahay Dhaamku wuu wayn yahay sidaas darteed Ethiopia sanadba biyaha badh ha ku sii dayso si aanay biyaha wabigu nooga yaraanin,halka ay Ethiopia ku adkaysanayso inay mar keliya doonayso inay si xidhiidh ah ugu furto oo u buuxiso.
HEERKA KHATARTA UU GAADHI KARO
Waxa la ogyahay in muddo dheer ay Masar Biyaha wabiga niilka isha ku hayso,waxa la rumaysan yahay inay dagaalka Ethiopia iyo Somalia u dhexeeyay mudada dheer ay waligeed Masar qayb ka ahayd, hadda waxad mooddaa inay Masar Xulufo ka raadinayso waddamada geeska Afrika gaar Ertrea iyo Somaliland oo ay rabto inay Saldhigyo military ka furato,Masar oo Hore u taageri jirtay Somalia isla markaana raadin jirtay midnimada Somalia ayaad mooddaa inay haatan ka gaabsatay ka dib markii Xukuumadda Somalia ka dhisan ay u jan jeedhsatay Dhinaca Ethiopia,waxad mooddaa in masar imika ay xagga Somaliland dani ku khasabtay,dhinaca kale Somaliland oo baryahan danbe uu ka sii jeeday Ra’isal wasaare Abby axmed waxay ka heli kartaa fursad ay cid kasta kula gor gortami karto oo waxa hammigedu yahay ay kaga dhamaysan karto haba ugu waynaado Ictiraafku,si kale haddan u eegno Somaliland waxay qaadan kartaaba mustaqbalka dhow heer ay dhex dhexaadiso arrimaha Gobolka.
Dhinaca kale lama saadaalin karo khatarta ka iman karta hirdan wabiga Niilka heerka uu gaadhi doono waxase loo badinayaa inuu noqon doono uun dagaal qabow ee aanu keeni doonin dagaal gacan ka hadal ah.
Tixraac
https://www.tandfonline.com/doi/full/10.1080/02626667.2011.577037?src=recsys
Rashiid Odowaa M.A Diplomacy and IR
Khadarsalaan@gmail.com
063-4101213