Kufsi iyo saameyntiisa caafimaad, nafsiyeed iyo bulsho (WQ:Cabdiqaadir Maxamed)

Kufsigu waxa uu saameyn togan ku leeyahay caafimaadka, nafsiyeed iyo bulsho ahaaned kuwaas saamayntoodu noqoto mid dhow iyo mid wakhti dheer qaadata.

Khataraha caafimaad ee soo waajaha qofka la kufsaday waxa ka mid ah in uu qofka la kufsaday qaado xanuunada galmada la isku gudbiyo sida HIV/AIDs-ka, jabtida, xabada iyo jooniska kuwaas oo dhammaadtoodba qofku si dhib yar u qaadi karo.

Sidoo kale waxa ka mid ah xanuunada la soo darsi kara qofka la kufsaday in haddii ay inantu marka horeba lagu sameeyey gudniinka gaar ahaan kuwa aad u adag  in ay halkaas ka soo gaadhaan nabaro ka dhasha xooga la isticmaalayo wakhtiga galmada kufsigu dhacayso.

Sidoo kale waxa la soo darsa in qof ay asiibaan dhibaatooyin caafimaad kuwaas muddo dambe kusoo baxa qofka kufsigu ku dhacay.

Marka laga yimaado khataraha caafimaad ee la soo darsa qofka la kufsaday, sidoo kale waxa uu qofka ku dhaca mid nafsiyeed taasi oo xanuunka dhibtiisu inta badan ku abuura qofka murugo iyo ciil, taasi oo saamey balaadhan ku leh mustaqbalkiisa dambe, haday noqoto dhinaca guurka iyo midka xidhiidhka bulshada dhexdeed oo uu qofku kala kulmi takoor iyo cay joogto ah oo ka timid dhibaatada ku dhacday.

Sidoo kale dhibtu kuma koobna qofkee waxa kale oo la wadaaga bulshada iyo qoyska uu qofku la nool yahay, taasi oo qaranka saameyn weyna ku leh hadday noqoto dhinaca dhaqaalaha, xidhiidhka bulshada, garsoorka iyo ammaanka laftarkiisa oo ay dadka la soo deristo cabsi weyni.

Guud ahaan bulshada uu kufsi ku bato waxa soo food-saara cabsiyo weyn oo dhinaca ammaanka iyo dhaqdhaqaaq isdhex galka bulshada, waxaana bulshadaasi ka muuqata qoqobnaan badan oo xad dhaaf ah taasi oo ay inta badan wakhtigooda ku bixiyaan hagaajina dhinaca ammaanka iyo ka hortagida kufsiga.

Dunida waxay ka soo horjeedaa gebi ahaanba noockasta oo ka mid ah tacadiyada ka dhanka ah jinsiga kuwaas oo saamayn togan iyo tabanba ku leh nolosha bani-aadamka.

Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa bulshada reer Somaliland in ay ka shaqeeyaan horumarinta xuquuqda aadamaha, joojinta xadgudubyada ka dhanka jinsiga, joojinta kufsiga iyo joojinta caadooyinka dhaqanka xun ku salaysan ee bulshada haysato.

Waxa qoray: Cabdiqaadir Maxamed

Somaliland Y-PEER Club member UOH