Kulamada musalafka! (WQ: Axmed Cali Kaahin)

 

Kulanka maalinlaha ah oo meelo kala duwan iyo dadkala duwan la qaadano. iyadoo uu wareegaayo carabka aan lafta lahayn. seefta ka afka badan iyo orodkaana ka dheereeya faraska. Carabka waxa ku xeeran saab ilko ah. Oo uu dhex xamaaranaayo istaaguna ka dheeryahay.

Dhaamaan fadhiyada iyo kulamadu waa mid horumarin qof ahaan iyo bulsho. dhinaca is dhexgalka iyo waddaaga dhacdooyinka maalin laha. taageero iyo iska war hayn joogta oo nolosha macno u yeela.

Waddaagsi waa riixaha in mawjadaha nolosha doonta isku duubnida laga talaabo ee gadgadoonka badan. oon kali loogu bir dhigi karin barkhad iyo dhibaataba isku lammaan markasta. Isku duubnibaa lagu daabay guduntee. Gaariye

Waxa diiniyan fadli badan in qofku bulshadiisa la noolaado xaaladkasta. Halka uu gooni daaq noqon lahaa. Cibaadaba ha u go’ee, fadligu isku dhexnoolaasha iyo sabirka iyo adkaysiga la dhex jibaaxayo jiilal iyo xaalado kala duwan. sirtuna waa in aad la noolaataa isbadalaa adoo adeegsanaaya sabir iyo adkaysi aad ku taageerayso wanaanga xumaantana si xikmad leh ugu nasteexaynayso.

Maanta inta badan goobaha lagu kulmo maxaa faaiido ah ee aan ka helnaa?.  waa su’aal muhima iyo shaqada markaan halkaa joognaa maxay tahay. Ma tii rabbi ina faraybaa (faq kastoon la isfarayn wax bixin, wanaag, ama nabadayni) mise waa mid kale oo kasoo horjeeda. Su’aashaasi hadda ayay mudan tahay in aan nafteena uga jawaabno si aan xisaabteena dib ugu noqono.

Rasuulku Naxariis iyo Amaani xaga sare dushiisa ha ahaatee. Waxa uu yidhi ma taqaanan qokfka Musalafka ah?

Qaab su’aaleed baa loo soo dhigay si maskaxda loo soo jeediyo fikir xeel dheerna meesha u yimaado oo aan la isk odhan. Saxaabadii (Rabbi ha ka raali ahaadee). Waxay yidhaahdeen waa ka dahan iyo diinaar midna haysan.

Rasuulku waxa uu si kooban ugu fasiray ninka Musalafka ahi waa nin maalinta qiyaame la iman doono buuro waawayn oo khayr iyo ajara. Balse balaayada dhacday waa in afkiisa iyo adinkiisa aanay muslimiintu ka nabad galin. Oo kaa wuu caayay, xantay, dhacay, xaday, dhaawacay sharaf ahaan iyo jidh ahaaba.

Dadkii uu dhibay ee daynta ku lahaa , ayaa kuyuu soo galaya si dambigiisii looga abaal mariyo. Waxa Caddaalada Rabbi keenaysaa in buurihiisaa ajarka loo qaybiyo dadkaa dhibanayaasha ah.

Marka buurihii ajarku dhamaado. Dadkiina wali tuban yihiin. Wax la siiyaana hadhin. Dunuubta ay leeyihiin baa isagaa la saarayaa. Si uu u dayn baxo.  isagoo dunuub aanu falin buuxa,  naarta dhex dabaalanayaa. Ilaa intii rabbi doono. Allaw na dhawr.

Rasuulku waxa uu inoo sheegay in muslimka yahay qofka dadku ka nabad galaan adinkiis iyo afkiisa. Xaddiis kale waxa uu u dhignaa dambi waxa kuugu filan in aad walaalkaa xaqirto. Halka xadiis kale iftiiminaayay oo adkeeyay in eray xun oo  aad tidhi naarta aad ugu hooban doonto adoon dhaadayndhibaatadiisa ama eray  wanagsan oo aad tidhi aad darajaad janada ugu dalici doonto adoon dhaadayn. Allaw na badbaadi.

Gabagabadii Cumar Rabbi Raali haka ahaado. Waxa uu yidhi is xisaabiya intaan la idin xisaabin. Halka culimada qaar sheegaan haddii aad afartan gaadho waa in aad garataa xagaad u badan tahay. Ama ciro yeelato waxa kuu yimid digihii.

Haddaba kulamadaasi may ina aasaan ama dalacaan ? ileen waxaa dambaysa maalin aad khayr iyo shar midkasta wixii ugu yaraa la keeno doono. Su’aashaa jawaabteedu waa inoo wadda taalaa kulamada ma khayr baad uga faaiidaysanaa mise shar.

laba nin oo tartan iyo xafiiltan ka dhexeeyay  jiray baa maqlay qofka qof xanta dambigiisaa la saarayaa ka kale. Nin kamida labadii nin baa marka ka kale la soo qaado odhan jiray waar dambigiisa hana saarin. Isagoo u dhigaa qaab xafiiltan in aan dambiga ninkaa colka yihiin la saarin. Dee ma kaa saan ka liidanaa. Oo Salaad baa baad ku iibsanaynsan faafinta xumaanta walaalkaa. Carabtu waxay tidhaa intuu ka yidhaa uun baa laga yidhaa qofka.

Halak Rasuulku sheegay (Naxariis iyo Amaani xaga sare dushiisa ha ahaatee.) kaa  iska qabta isagoo carabka jeeda. Oo rasuul allaw ma dhibaatuu leeyahay waar dadka maxaa naarta wajiwaji ugu tuura ama madax madax hooyadaa kaa goblantee waa wixii yaryaree ee uu carabka oo la ururiyay. Xadiis macnihiisu sidaasi u dhawaa. Allaw nadhawr dhamaantayo.

Ahmed Cali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com