Caadooyinka dadka guuldarraystaa caan ku yihiin (WQ: Kamaal Axmed Cali)

1. Maahsanaan mar kasta ah – Adigu noqo ruux dhugmo leh

2. Qorshaha uu damacsanyahay oo uu ka sheekeeyo – Riyadaada marka aad rumayso uun dadka tus.

3. Waqti lagu lumiyo dad aan u qalmin – ka agdhowoow dadka kugu dhiirrigelin kara hiigsiga aad leedahay.

4. Niyadxumo xumada – Mar haddii halka aad u socotaa ay kuu caddahay yaanay ku niyadjebin turaanturooyinka ka sokeeya hiigsigaaga.

5. Cagajiid – Hawl aad maanta qaban karto beri ha u dhigin.

6. Dhegeysi la’aan – Dhegeyso dadka ereygoodu niyad ahaan ama ficil ahaan kaa caawinayo in aad u dhowaato hiigsigaaga.

7. Fiiro la’aan – Faduuli noqon oo raadi aqoon iyo waayo-aragnimo ka duwan inta aad awoowyadaa ka dhaxashay.

8. Is-dhiibis – Thomas Edison oo ahaa hal-abuurkii ikhtiraacay dab-dhaliyaha korontada, qulqulka war-is-gaadhsiinta, mishiinka cod duubista iyo dhaqaaqa sawirrada iyo qalab badan oo muhiim ah, ayaa sheegay in jidka ugu fiican ee guusha loo maraa uu yahay, in waxa kaa qaldama aad mar kale ku celiso.
Guuldarrada kugu timaaddo casharro ka baro oo mar kale ku celi dadaalkii aad guul ku gaadhi lahayd

Kamaal Marjaan

Source- Darius Foroux