Wada hadallada hubka dhigiska casrigan Q.2aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Dib u heshiisiinta Somaliland wax walba waxa lagu islaaxiaya waddahadal. Taa soo qaacidad ilaa hadda qaabkeedii iyo hirgalinteedii qaranka lagu majiirto. Balse waa goorma waa marka labbada dhinac yihiin daacad. (Mu’minka god laba jeer laga ma wadda qaniino) Mar i dage Alle ha dago laba jeer idagase anaa is dagay. Maah maah .

Xoriyada iyo Sharafta waa la dhacsadaa lama baryo. haddii la codsado way xumaataa. (Dulqaadku waa gobonimo u baahan in geesinimo lagu ilaaliyo)  Hadaanad u dagaalamin waxaad doonayso ha u ooyin mar kaad lumiso.odhaah ingiriisiya.

Wakhtigii gumaysiga. Odayaashii waa laga dhaqaajin waayay, doonistoodii iyo qodobadii ay siteen. wayna hirgaliyee,  waana dhaxal ilaa maanta. Markii gumaystihii xooga ahaa waddahadalo jilbaha is dareen. Ilaa gabadha cadaanki kuma dhali karto waddankayaga laga saxeexay, hirgashayna.

Saamayntii gumaystaha shaandhay bulshada uga dhigeen,  ay ku kala miiraan wixii bulshada dhaxal keeda dhaawacaaya. Diinta iyo qaabka nololeed ay qabatimeen oo mid kale ka ilaaliyeen in kooda liin bixiyo.

Halka Halgankii SNM ayna waligood wadda hadal la galin Dawladii kali taliska ahayd wax aan ka ahayn sidii dulmigiisa loogu bir dhigi lahaa. Iyagoo SNM wax badan ku kala aragti duwanaa. Haddan in la hor fadhiisto ninkasi waxay ahayd khad cas oo aan laga talaabi karin marna.SNM oo dhamina  ka midaysnayeen.

Halka uu nidaamkaasi in badana isku dayay wadda hadal marka dambe kood gaara uu dhinac ula baxo, in uu cid uu la hadlo uun helo,  balse hal qof oo qiime lihi waligii Siyaad bare lama kulmin  isaga iyo maamulkaa shacabkooda dulmiyay.

Sida uu Yuusuf Cabdi Gaboobe qoraal ku xusay taasi waxa ka dhashay in uu gacmaha hoorsado Migistihii Itoobiya ka talinayay in hawsha SNM. Uu kala hadlo oo si uun looga furdaamiyo warankan halistee ku taagan xumaantiisuna abuurtay. Taasi oo waji gabaxii ugu waynaa ee Siyaad bare ku dhacay noqday taariikhd intaanu dhiman.

Balse SNM waxay kaga jawaabtay kaarto kamida kuwa dunida loo diwaan galiayay mid ka mida taatikada ciidamada dunida isticmaalaan kuwa ugu cajiibsan. In ay qaateen go’aan ah in dalka gudaha loo  lagalo.

Taasi oo aakhirkii afka dhulka u dartay baadil waddayashii iyo daba dhiliftoodii. dunidana qaxoonti iyo darwasi ilaa maata ku nool kuwii shacabkooda dulmiyay. Sharaftiina iska qaaday umadoodana ka qaaday waxay ahaayeen koox isku urursatay xumaanta oo magac qabiil dabada galiyay, ummadana xumaan aan dhamaan dhex dhigay ilaa maanta.

Waddada  diblomaasiyadeed ee ku waajahan Somalia waxa bud dhig u ahaa in teed adag la iskaga moosay kaasi oo ilaa Halgankii taxnaa Saddexdii dawladood ee horana ka sinaayeen. Siyaasada (I’inyadii) ama diidmadii kaarto fiican bay ahayd  hadda waxa socda marka la eego.

In aan miiska marna lala fadhiisan. Hogaamiye kooxeedyada  siyaadad hir gashay iskuna dayeen madax kala duwan oo dunida ah sida. Qadaafi iyo Saalixii Yaman. balse Fagadhe oo Arrimaha Dibada u joogay Cigaal si cad buu gaashaanka ugu daruuray. Mashruucaasi khatarta hadoodilana. markii diirada saadaasha ku odoroseen. Jawaabtii diidmadeenii waa tii xoolaheenii la xidhay. Kuwii uunbaa soo rogaal celiyay iyagoo wajiyo kale leh.

SSDF tii Claahi Yuusuf horjoogaha ka ahaa. waa tii in la isku daro miiska la soo saaray SNM iyo SSDF. iyadoo dawlado lacag iyo talo ku badhitaarayaan  isku dayeen. balse dabinkaa SNM si cad oo aan gabasho lahayn.

Iyadoo awoodeeda iyo taagteeda daqaale iyo cududeeduba  liidato,  dhag jalaq loo siin waayeen. ilaa tusaalooyin hawlgalo ah oo awooda lagu muujinayo. indhihii dalwdaha loogu soo jeediyay. Halkaana ixtiraamkii ugu bilaabmay…..Haddi Rabbi Swt. Idmo Q/3aad baa xiga. Qalinkii: Axmed Cali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com  .