Kuma ayaan ahay? (W.Q. Faadumo Aadan Maxamuud “Ina Buuni”)

Hooyaday waa geedka sogsogta. Jidhkayga, dhiiggayga iyo dheecaankaygaba iyadaa ah. Marka dhinac kale la iga eego xididka sogsogta oo la qoray ayaan ka samaysan nahay. Waxa xagga sare la igaga sameeyaa idhan laga sameeyey maydhax la soo diirray oo la feedhay. Qabo ayaa lagu sameeyaa iyada. Dhererkaygu waa taako. Dheri ay ku jiraan biyo iyo asal la kariyey ayaa la igu dhex ridaa.

Asalka waxaa laga sameeyaa geedka Galoolka. Asalka la’aantii waxba la iguma qabsadeen. Wax kasta oo la ii dhiibana maan hayn kareen! Isaga la’aantii waxaan ahay curyaan! Biyahan la kariyey iyo Asalka dhexdooda waxaan ku noolaadaa tobban caano maal. Intaa wixii ka danbeeya bannaanka ayaan u soo baxaa anigoo aad u faraxsan!

Qori dhuuban oo sogsoga oo iskaba itaal darran dab yarna la siiyey ayaa la igu middiidiyaa. Xashiishkii calooshayda ku jiray dhammaantii baa la igaga soo xaadhaa. Anigoo aad u gaajaysan oo mar uun is leh:

”Yaa ku siiya wax aad gaajada iyo harraadka iskaga badbaadiso.”

Baaba god la ii qodaa lagu shiday xaabo neef yarna la siiyey. Ammintan waxaan noqdaa madow! Waa marka la ii magac bixiyo reerkana aan ka mid noqdo!

Hadday reerkayagu guuraan igama tagaan, waayo igama maarmaan aniga. Markasta oo xoolaha qaarkood la arko waa la i xasuustaa. Haddaan kuu sheegay cidda i dhashay iyo sidaan ku dhashay miyaad  garanaysaa kaan ahay?

Hoos ka akhriso Maqaalladii hore ee ay qortay Faadumo Aadan Maxamed “Ina Buuni” ee uu Bandhige qoray:

Dulman: Sheeko, Q.7aad

Dulman: Sheeko, Q. 6aad

Dulman: Sheeko, Q.5aad

Dulman: Sheeko, Q.1aad – Q.4aad

 

W.Q Faadumo Aadan Maxamed “Ina Buuni”

Libaaxo77@gmail.com ama faadumo.buuni@gmail.com