Laba Doorasho oo Isku Sidkan Mar Ma La Wada Qaban Karaa? (WQ: Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil)

Hordhac

 

Heshiis sadex geesood ah oo ay galeen daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland oo ka kooban xibiyada mucaaradka ah iyo madaxweynaha oo matalaya xisbi xaakimka oo ku taarikhaysan 12th July 2020 Maalin Axad ah kana qabsoomay qasriga madaxtooyada ayaa lagu sheegay heshiiska gaar ahaan qodobkiisa 4aad in laga qabto wadanka laba doorashooyin oo isku sidkan sanadkan 2020 kalana ah Doorashooyinka Golayaasha deeganada iyo tan Golaha wakiilada (Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha JSL, 2020; Somaliland National TV, 2020).

Hadaba maadama aanay hore taarikhda doorashooyinka Somaliland uga qabsoomin laba doorasho oo hal mar la wada qabtay, khibrad ahaana ay wadanka ka maqan tahay qaabka loo qaban karo iyo sida loo maamulayo loona xalin karo khilaafaadka ka dhasa doorashooyinka oo aalaaba Somaliland ka caan ah (post conflict election) Dad badanina ku dhintaan qaarna xabsiyo iyo dacwad oogis ay ku mutaystaan.

waxaan is dul taagi doona sida aanay suurto gal u noqon karayn laba doorasho oo isku sidkan in hal mar la wada qabto.

1.1. Sharciga Doorashooyinka Soomaliland

 

Dastuurka Jamhuuriyada Soomaliland (Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka, 2001a), waxa uu tilmaamaya in la qabto Doorashooyin Guud oo Toos ah dadkuna soo doortaan madaxda Hogaaminaya/matalaysa doorashadaas oo ah Mid qarsoodi ah (secret pallot) isla markaana waxa uu reebaya in xisbi ama musharax lagu doorto qabiilaysi ama Gobolaysi waxaana doorashooyinka ku tartami kara ugu badnaan sadex xisbi ah way se ka yaraan karaan .

  1. Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo shanti sanaba mar qabsoomaysa.
  2. Doorashada Golaha wakiilada oo shanti sanaba mar qabsoomaysa.
  3. Doorashada Golayaasha deegaanka oo shanti sanaba mar qabsoomaysa
  4. Doorashada Golaha Guurtida oo lixdii sanaba mar qabsoomaysa wallow aanay wali Somaliland ka dhicin doorasho Gole guurti dadku ku soo doortaan xulis/codayn midna walina aan la samayn xeerka doorashada golaha Guurtida.
  5. Doorashada Furista ururada iyo Axsaabta oo tobankii sanaba mar wadanka ka qabsoonta.

Waxaana jira shan xeer oo si toos ah ula xidhiidha doorashooyinka wakhtiyo kala duwana lagu sameeyay wax ka badal iyo kaabis, (Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka., 2011; Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka, n.d., 2001b, 2002, 2005). Xeerashaasi waxay kala yihiin:

A. Xeerka Doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo madaxweynaha xeer L/R 20/2001

B. Xeerka Doorashada Golaha wakiilada Xeer L/R 22/2005

C. Xeerka is Maamulka Degmooyinka iyo Gobolada Xeer L/R 23/2002

D. Xeerka Diiwan_gelinta codbixiyayaasha Xeer L/R 37/2007

E. Xeerka ย Nidaamka ururada iyo Ansixinta Axsaabta Xeer L/R 14/2001.

Guud ahaana xeer hoosadyadan ayaa lagu maamula Hanaan ahaan doorashooyinka Guud ee ka dhaca wadanka xiliyo kala duduwana waxa lagu sameeyay wax ka bedal iyo kaabis,waxa se xusid mudan in Hada uu Golayaasha sharci dejinta hor yaalo Xeer cusub oo loogu magac daray xeerka Doorashooyinka Somaliland ,,Somaliland elections Law,, oo lagu midaynayo Hal xeer oo qudha dhamaan xeerarka doorashooyinka wadanka ee ka kooban kuwaas aan kor ku soo sheegnay waxaanan rajaynayaa inuu dabooli doono galdaloolyin badan oo ku jira xeerarka hada lagu maamulo doorashooyinka wadanka ,sidoo kalena lagu dari doona Hanaanka loo qabanayo Laba doorasho Hal mar.

 

1.2. Kala Duwanaanshaha Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada.

 

Labadan doorasho walow ay isku xilli yihiin xaga mudada xilka oo labaduba ay joogayaan xafiiska 5 sano maxay ku kala duwan yihiin .

Golayaasha deegaanada waxa loo sameeyay in dawladnimada loo daadajiyo degmooyinka iyo tuulooyinka xaafadaha, bixiyaana adeegyada bulsho ee ay ka midka yihiin Biyaha waxbarashada,caafimaadka ,Korontada,Nadaafada,Wadooyinka iyo kabaayasha kale ee dhaqalaahaba waxa maamula dawladaha hoose Gudi Fulineed oo ka kooban Maayar iyo maayir ku xigeen Golaha laga dhex doorto iyo Xoghaye Fulineed oo Dawlada dhexe u soo magacwdo ahna Wakiilka dawlada dhexe u Fadhiya dawlada hoose.

Waxay qaadaan cashuurta macaash macaashka ,Ardiyada Guryaha iyo ogolaanshaha bixinta jagooyinka degsiimada ah ,dhismayaasha magaalo laga dhisayo ,iyagoo ka ilaaliya dadkana inay dagaan meelaha wadooyinka ah iyo dant Guud ,waxaanay qiimeeyan Nashqada magaalo iyagoo fidiya magaalooyinka kalana soocaya Goobaha ganacsi ,warshadeed,degsiimeed .

Waxa kale oo xubnaha xildhibaanada Golyaasha deegaanku sameeyaan xeerar hoosadyo /Bye Laws aan ka hor imanayn xeerarka Barlamaanku Ansixiyo.waxana kala duwan tirada xubnaha Golayaasha deegaanka oo loo qaybiyo Degmooyinka darajooyinkooga A,B,C,D.

Waa la kala diri kara marka mudo xileedkoogu dhamaado iyo isagoon dhamaanba waxaana loo raacaya qodobka 110 ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ,Loomana kordhin karo hadii ay dhaafto mudadii la doortay shaqaduna waxay uga dhamaanaysa qaab toos ah iyagoo ka dareeraya xafiisyada ,inta la soo dooranyo Gole cusub ย waxa xafiiska sii maamulaya Xoghayaha Guud ee Dawlada dhexe u fadhiya dawladaha hoose qaab ah inuu ilaaliyo Hantida iyo shaqada xafiiska Care Taker mana lahaan karo awooda ay leeyihiin Duqa iyo ku xigeenkiisu.

Golaha wakiiladu waa aqal hoose oo ka tirsan Guriga Barlamaanka ama sharci dejinta waxaanu ka kooban yahay 82 xubnood oo laga soo doorto Lixda Gobol ee dalka oo dhan ,shaqadiisuna waa curinta xeerarka iyo wax ka bedalkooga la xisaabtaanka xukuumada iyo daba galka waaxda Fulinta ,Anisixnita heshiisyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee dawladu la gasho shirkado ,dawlado iyo shakhsiyaad ba ,Anisixinta masuulyiinta madaxweynuhu magaacaabo ,Ansixinta Miisaniyada qaranka iyo xeerarka maaliyadeed iyo takaaliifeed ee dalka .

Qaabka loo soo dooranayo waa doorasho Guud oo toos ah isla markaana ah cod qarsoodi ah musharxiinta waxa laga soo dhex doorta xisbiyo ,sidoo kale xeerka doorashada Golaha wakiiladu ma diidayo musharixiin madax banaan walow aanay somaliland ka dhicin qaabka dadku u doortaan xildhibaanada awgeed oo ku salaysan qaab reereed election based on clan,

Somaliland waxa soo maray laba aqal sharci_dejineed waxa si toos ah loo soo doortay sanadkii 2005 Golaha wakiilada ee hada jooga ,waxanay dawladihii kala danbeeyey ku guul daraysteen inay qabtaan doorasho gole wakiilo 75/% dadka reer somaliland waa dhalinyaro aan dooran Golaha wakiilada ee hada jooga macnaheeguna ay tahay kala badh bulshada ma matalaan mana haystaan kalsoonida shacabkooda u badan da,yarta.

Sadex xukumadood baana u kordhiyay Mudo xileedka golaha wakiilada iyadoo loo marayo aqalka odayaasha oo u kordhiyay iyaguna isku sii kordhiyay markay u kordhiyaanba.

Caqabadaha sharci ee ugu waawayn ee hor taagna qabsoomida doorashada Golaha wakiilada waxa ugu weynaa arrinta saami_qaybsiga oo murankeegu soo jiitamayay ilaa 2005 iyadoo ay walaac xoogan ka qabaan Beelaha dega darafyada Somaliland ee Awdal ,Sool iyo Sanaag beri .

Gudoomiyaha Golaha wakiilada ee hada Md Baashe Maxamed faarax oo ka qayb galaya dooda Barnaamijka Qanci dadkaaga ee ka baxa HCTV ayaa sheegay in beesha dhexe oo qudhi haysato 56 xildhibaan halka beelaha kalena ay kaliya golaha ku leeyihiin 26 xildhibaan oo xataa aanay soo jeedin karin mooshinada muhiimka ah ee wax ka bedalka dastuurka ama maamus ka xayuubinta madaxweynaha iyo shir gudoonka Golaha wakiilada (Horn Cable TV, 2018).

Madaxweyne Rayaale oo qoaraal fasiraad sharci ah ka dalbaday maxakamada dastuurka 2005 u gudbiyay qoraal ,maxakamaduna waxay qaraar ka soo saartay in wax ka bedal lagu sameeyo qodobo ka mid ah xeerka doorashooyinka Golaha wakiilada gaar ahaan qodobka 12aad ee xadidaya Kuraasta Golaha gobol walba u helayo ,waxaanay maxakamadu qaraarisay /Go,aamisay in sanadkan oo qudha lagu galo qaabkan uu xeerku jidaynayo dabadeedna la sameeyo tiro koob sax ah oo gobol walba laga sameeyo ka bacdina tirada gobolka loogu qaybiyo 82 kursi ee goluhu ka kooban yahay ,Nasiib daro se waxba lagama qaban lamana fulin qaraarki maxakamada murankiina waa halkii iyadoon arrintaaas lagala tashan cidii cabanaysya ayay sadexda xisbi heshiiskooga ku saleeyaan in loo galo doorashada qaabki kolkii hore oo kale sida ku cad qodobka 5aad Faqradiisa 1aad waxaanay ku xajiyeen isla Faqrada 2aad ee qodobka 5aad in Tiro koob Guud la sameeyo doorashada tan xigta .

Hadaba waxa is weydiin leh maxaa laga yeelaya Qaraarki Maxakamada Dastuurka oo kama dambays ah Racfaan qaadasho iyo dib u eegisna lahayn maxakamaduna aanay ku noqon karayn arrin ay hore uga go,aan gaadhay ?

Marka laga imaado Rabitaan la,aanta siyaasadeed ee dib u riday doorashada Golaha wakiilada waxa Iyana qayb weyn ka ahayd Qoondada kuraasta ee Haweenka iyo Beelaha Gabooye oo xukuumadu u qoondaysay kuraas ah 20 kursi 18 kursi oo haweenka ah iyo 2 kursi oo beelaha Gabooye ah walina wax go,aan kama dambays ah lagama gaadhin walow ay socdaan dadaadlo la rabo in lagu aqbalo Qoondada haweenka ย iyo beesha Gabooye (Horn Diplomat, 2020).

Golaha wakiilada waa la kala diri kara marka laga reebo sanadka ugu horeeya mudo xileedkooga iyo kan ugu dambeeya waxaana waajib ah inay fadhiyaan kuraasta inta laga soo dooranayo Gole cusub oo iyaga bedala sababtoo ah waxa laga fogaanaya inuu imaado fakaag sharci ama madhnaan ,Legal Vacuum, .

1.3. Xulista Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Wakiilada

 

Sida ay u kala duwan yihiin labada doorasho ayay sidoo kale kala duwan yihiin shuruudaha ay labada xeer dhigayaan ee la xidhiidha xulista xildhibaanada Golayaashan labada ah ,Xisbi kasta waxa uu samynayaa Gudi xuliseed oo soo kala shaandheeya xildhibaanada uga qayb galaya labada doorasho ee golaha deegaanka iyo wakiilada Degmo kasta iyo Gobol kastaa.

1. Doorashada Golaha wakiiladu waa Doorasho Goboleed ,Regional election,waxaana ay doorashooyinkani ka qabsoomaan Lixdii Gobol si waafaqsan qodobka 109 ee dastuurka ย Xisbi kasta oo doonaya in uu ka qayb galo doorashada golaha wakiilada waxa laga doonaya in uu komishanka qaranka u gudbiyo liiska murashaxiinta uu u xulay in ay ugu tartamaan , doorashada oo gobolaysan, taas oo ku salaysan tirada kuraasida gobol kasta loo xadiday , una qoran si taxane ah.Kuraasta gobol-doorasasho, waxa axsaabtu ku kala helayaan habka saami-qaybsiga (proportional representation system), ee kuraasida iyo cododka xisbi waliba ka helo gobolkaas.

2. Marka doorashadu qabsoonto ee la isu geeyo wadarta guud ee codka ansaxay ee gobol kasta waxaa loo qaybinayaa tirade kuraasida gobolkaas loo cayimay markaa waxa la ogaanayaa qadarka cododka hal kursi lagu heli karo, intaa dabadeed waxa la isu qaybinyaa tirade codadka xisbi kasta ka helay gobolka iyo qadarka codka hal kursi lagu heli karo halkaasna waxa ka soo baxysa tirade kuraasida gobolka ee xisbi kastaa ku guulaystay.

3. Marka tirada codadka ansaxay ee gobolka iyo tirada kuraasida gobolkaas la isu qaybiyo, hadii ay jiraan codad jajab ah oo xisbi kasta marka gaarkiisa loo eego ka yar qadarka codadka hal kursi lagu heli karo, waxa xisbiyadu kursiga ama kuraasida hadhay u kala helayaan sida ay ugu kala badan yihiin tirada cododka jajabka.

4. Marka la fuliyo hawl galka ku tilmaan faqradaha ( 2 & 3) ee qodobkan, tirada kuraasida ee xisbi kasta marka gaarkiisa loo eego ka helo kuraadida gobolka u xadidan waxa musharaxiinta xisbi kasta gudihiisa u kala qaadnayaan sida ay u kala cod badan yihiin, iyadoo ku kala helaya aqlabiyada fudud (simple majority)

5. Hadii degaano dalka ย ka mida la soo gudboonaato duruufo culus ama xaalado aan saamaxayn in doorasho ka qabsoonto waxa soo qiimeynaya goโ€™aanna ka gaadhaya gudida qaranka ee doorashooyinka marka ay sidaa isla gartaan xukuumada iyo asxaabta qaranka.

6. Goobaha codbixinta ee doorashadu ka qabsoomi waydo tirada kuraasida loo qoondeyey goobahaas waxay xisbiyadu u kala qaadnayaan saami u dhigma sida ay u kala heleen wadarta guud ee cododka ansaxay ee gobolka.

7. Hadiise ay doorashadu gobol dhan ka qabsoomi waydo waxa ay asxaabtu kuraasida gobolkaas u kala ย qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala helaan wadarta guud ee codadka ansaxay dalka waxaana loo raacayaa sida ay magacyadoodu liiska u kala horeyaan.

 

Qodobka 12aad ee xeerka doorashada Golaha wakiilada.

 

Xisbi kasta waxa uu komishanku u soo gudbinayaa liiska magacyada musharaxiintisa uu u xulay in ay u tartamaan doorashada kaas oo ku salaysan tirade kuraasida gobolka loo qoondeyay una qoran si taxane ah. Gudoomiyaha ama Xoghayaha Guud ee xisbiga ayaa Liiska musharaxiinta xisbiga ee doorashada ย Golaha Wakiilada oo gobolaysan u soo gudbinaya xafiiska Komishanka 6da saac ee galabnimo maalinta 60aad doorashada ka hor, waana in si cad loogu soo muujinayaa ย  magaca musharaxa ooo afaran, daโ€™adiisa iyo gobolka uu ka tartamayo. Haddi ay jiraan musharxyo isku magacyo ah waa in la sheego naanaysta (haddi ay jiro) ย iyo magaca oo afaran

Liisaska musharxiinta xisbiga marka loo gudbinyo komishanaka waxa la soo raacinayaa:-

  1. Caddeymaha caafimaadka, dambi laโ€™aanta, waxbarashada, shaqo ka tegidda (haddy jirto), iwm.
  2. Liisasku waa in ay yihiin mid 4 nuqul oo ay si wanaagsan uga muuqato astaantii xisbigu.
  3. Caddeyn uu bixiyay musharax kasta oo uu ku muujiyey inuu ogol yahay murashaxnimada iyo inuu u hogaansamayo xeerka & anshaxa doorashada.
  4. Goโ€™aanka guddiga fulinta xisbigu ku ansixyey liiska musharaxiinta.
  5. Rasiidhada bixinta deebaajiga murashaxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda

 

3. Khilaaf kasta oo ka dhasha xulista ama soo gudbinta liiska murashaxiinta oo ka dhex dilaaca xisbi gudahiisa waxa goโ€™aan ka gaadhaya Guddiga Fulinta xisbiga arrintu khusayso.

 

Golaha deegaankana qaabkan baa loo soo xulaya Xildhibaanada uga tartamaya degmooyinka doorashada ee ka kooban 23 degmo doorasho .

  1. Tirada Golayaasha Degaanada ee la soo dooranayaa waxay ahaanaysaa: –
  2. Golaha Degaanka Caasimada 25 Mudane.
  3. G/Degaanka degmooyinka darajada A 21 Mudane.
  4. B 17 Mudane
  5. 13 Mudane
  6. D 09 Mudane

2. Doorashada Golayaasha Degaanada marka la qabanayo soohdimaha maamulka degmada ayaa loo aqoonsanayaa Degmo-doorasho (electoral district), waxaana loo sii qaybinayaa goobo-codbixin, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada Degaanku.

 

3. Komishanku waa inuu sameeyo goobaha codbixinta ee degmooyinka/gobolada ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta la qabanayo, waxanu Komishanku arrintaas kala tashanayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka.

 

4. Haddii degaano dalka ka mid ah ay la soo gudboonaato duruufo culus ama xaalado aan saamaxayn in doorasho ka qabsoonto, waxa soo qiimeynaaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyagoo kala tashanaya Xukuumadda iyo Xisbiyada/Ururrada Siyaasadda.

 

5. Goobaha Codbixinta ee ay doorashadu ka qabsoomi waydo, tirada kuraasida loo qoondeeyay goobahaas waxay Xisbiyadu/Ururradu u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala heleen wadarta guud ee codadka ansaxay ee Degmada.

 

6. Haddiise ay doorashadu ka qabsoomi waydo Degmo dhan, waxa ay Axsaabtu/Ururradu kuraasida degmaddaas u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala heleen wadarta guud ee codadka ansxay ee Gobolka, waxaana loo raacayaa sida magacyadoodu ay liiska ugu kala horreeyaan.

 

7. Haddii ay ku kala bixi waayaan xisbiyada/ururradacodadka gobolka waxa loo eegayaa wadarta guud ee codadka qaranka.

Xeerka Doorashooyinka Golayaasha deeganada iyo madaxweynaha xeer L/R 20/2001.

Habka Doorashoyinka Deegaaanada

 

  1. Habka doorashooyinka degaanada wuxuu noqonayaa habka isu qiyaasidda saamiyada kuraasta iyo tirada codadka uu xisbi/urur ka helo gobol ama degmo (proportional representative system).
  2. Doorashada Golayaasha degaanada xisbi/urur kastaaba wuxuu soo bandhigayaa liiska dadka uu u doonayo in degmada looga doorto.
  3. Xisbi/Urur kasta oo doonaaya in uu ka qaybgalo dorashada Goleyaasha Deegaanka, waa in uu Komishanka Doorashooyinku Qaranka u gudbiyo liiska murashaxinta uu u xulay inay uga tartamaan doorashada oo degmaysan, kaas oo ku sar-goโ€™an tirada kuraasida Degmo kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah oo ku salaysan habka liistada Furan (open list system). Waxa Komishanka Doorashooyinka Qaranku uu siin doonaa murashax kasta astaan u gaar ah.
  4. ย Liisaska doorashada Golayaasha Deegaanka ee ah liiska furan, magacyada taxanaha ah ee liisku wax saameyn sharci ah kuma leh natiijada doorashada. ย  ย Kuraasta Degmo-doorasho, waxaa Axsaabtu/Ururadu ku kala helayaan habka saami qaybsiga (Proportional Representation System) ee kuraasida iyo codadka Xisbi/Urur kasta ka helo Degmadaas, iyadoo uu Xisbigu/Ururkuna ay musharaxiintiisu ku kala guulaysanayaan sida ay u kala cod badan yihiin.
  5. Musharixiinta ku guulaysan waaya doorashada Deegaanka waxa ay noqonayaan kayd, iyaga oo loo kala qaadanayo sida ay u kala cod badan yihiin marka xubin ama xubno ka mid ah Golaha Deegaanku uu baneeyo xilka.
  6. Tirada kuraasida uu helayo liis kasta oo ah murashaxiintaka qaybgalaya doorashada Golayaasha degaanka waxa loo xisaabayaa qaabka qiyaasta saamiga kuraasta iyo codadka (proportional representative list system).
  7. Degaamada aanu tartan ka jirin ee la soo bandhigo doorasha deegaankaliis keliya, cod-bixin laga samayn maayo, waxana la qaadanayaa dadka loo soo magacaabay Degaanadaas, iyadoo ku jaan go’an tiradii degmada laga doonayay, waxana loo raacayaa sida loo soo kala horaysiiyey

Dawladu dakhli baa ka soo galaya cashuur baanay ka qaadaysa musharax kasta oo u taagan doorashada Golaha deegaanka iyo wakiilada Musharaxiinta u tartamaya xubinimada Golaha Wakiilada waxay bixinayaan deebaaji aan celin lahayn, oo dhan Sl.Sh.1,000,000 (hal milyan shilling) oo lagu bixinayo xafiiska cashuuraha berriga ee wasaarada maaliyada.

 

Shuruudaha Musharaxiinta ka qayb galaya Doorashada Golaha Deegaanka iyo wakiilada.

Shuruudaha Murashaxa Golaha Degaanka

 

  1. Waa inuu yahay muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. Waa inuu si rasmi ah u degan yahay degmada uu iska sharaxayo.
  3. Waa inuu muslin yahay kuna dhaqmaa diinta Islaamka.
  4. Qofka isku taagaya doorashada Golayaasha Deegaanka waa inuu/aanay daโ€™diisu/deedu ka yaraan 25 jir.
  5. Waa inuu ku sifoobay xilkas, dhaqan toosan bulshada dhexdeeda.
  6. Waa in aanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga cadaadey 10kii sanno ee u dambeeyay.
  7. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare haddii uu iska sharaxayo degmooyinka darejada A iyo B. Hadii uu iska sharaxayo degmooyinka derajada C waa inuu lahaado aqoon dugsi dhexe ugu yaraan ama wixii u dhigma.
  8. Waa inuu yahay cashuur bixiye degmada uu degan yahay ama uu ka qayb qaatey si mutadawacnimo ah hawlo dan guud ah ee degmadaas.

Shuruudaha Musharaxa Doorashada Golaha wakiilada.

Waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay ama qaatay jinsiyadda Somaliland si sharciga waafaqsan.

  1. Waa inuu muslin yahay kuna dhaqmo diinta islaamka.
  2. Waa inaan daโ€™adiisu ka yarayn 35 sano sandka doorashada la qabanyo.
  3. Waa inuu jidh ahaan iyo caqli ahaanba gudan karo xilkiisa.
  4. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare ama wax u dhigma ugu hoosayn.
  5. Waa inuu yahay xilkas, akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin.
  6. Waa inaanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo Kama dambays ah shantii sano ee u dambeeyay.
  7. Waa inuu saxeexay qoraal uu shakhsi ahaan ku cadyanyo musharaxnimadiisa doorashada iyo inuu u hogaansamayo shuruucda doorashada iyo kuwa anshaxa.
  8. Waa inuu bixiyey deebaajiga musharaxnimo ee ku waajibay.

 

Xalinta Khilaafaadka ee Natiijada Doorashada.

 

Gudida Doorashooyinka qaranku markay iclaamiyaan Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada Golaha deegaanka waxa Anisixiya Natiijada Doorasho Degmo kasta Maxakamada Heer Gobo lee Gobolkaasi leeyahay,cidii ku qanci weyda Natiijada Hordhaca ahina waxay xaq u leedahay inay Dacwad u gudbiso Maxakamadaha Heer Gobol Ee Degmadaas ku tiil.

 

Halka Doorashada Golaha wakiilada natiijada kama dambaysta ah ay ansixiso Maxakamada sare qofkii ku qanci waaya ama xisbiga ku qanci waaya Natiijada Doorashadu waxa uu xaq u leeyahay mudo 10 cisho Gudahood ah hadii uu ku gudbin waayo dacwadiisa qofka cabanayaa mudadaas lagama qabanayo cabashadiisa.

 

Gabogabo

 

Somaliland waxa soo maray 6 doorashooyin oo kala duwan kalana ah sadex doorasho madaxweyne Laba doorasho Gole deegaan iyo Hal doorasho Barlamaan ,mid walbana waxa laga baranayay casharo iyo qaladaad soo noqnoqday oo ay u muuqato inaan hadana laga diyaar garoobin ,gaar ahaan xaga ha,yadaha dawlada ee u xilsaaran qabashada doorashooyinka oo aan ahayn kuwo cago adag ku taagan iyo tirade shaqaalaha oo yar mar walba oo doorasho dhacayso ayaanay qaataan shaqaale farsamo iyo la taliyayaal kaas oo ha,yada doorashooyinka ka dhigaya mid shaqaysa xilliga doorashooyinka oo qudha isla markaana aan lahayn istaraatijiyad ay ku shaqayso kuna qabato doorashooyin isku sidkan ,Labadan doorasho ee isku sidkan oo aan hore wadanka ugu dhicin Hanaan ahaan iyo xeer ahaana kala duwan uma suurtoobi karto in hal mar la wada qabto sababahan awgood,

  1. Ma jiro xeerka midaynta doorashooyinka .
  2. Istiraajiyad ay komishanku ka leeyihiin qabashada laba doorasho oo isku sidkana ma jirto.
  3. Xisbiyada laftigooda oo aaan ila hada magaacabin Gudiyada xulista musharixiinta.
  4. Xeerki Doorashooyinka Guud oo aan weli la ansixin.
  5. Diiwan gelintii cod bixinta oo aan la samayn ,lagamana go,aan gaaadhin inta diiwan gelinood ee la samaynayo ,waxaana xusid Mudan in xeerka Diiwan gelinta cod bixiyayaashu waajibinayo in la qabto diiwan gelin doorasho kasta ka hor.
  6. Qaabka loo qabanayo Ololaha/Banaan baxa musharxiinta xisbi kasta maalinta uu helo siduu iskugu qaban karaa ololaha musharxiinta oo ka siman Boodhah iyo Nambaro aan wax badan ku kala duwanayn.
  7. Wacyiga dadka oo adag inay kala fahmaan Labada xildhibaan ee sharaxan ee hal xisbi ka wada tirsan iyo qaabka ay hadhaw u kala dooranayaan .
  8. Saami qaybsiga oo aan xal laga gaadhin iyo Qoondada Haweenka iyo Beelaha Gabooye.

Talooyin.

 

  1. In Xal deg deg ah laga gaadho arrinta saami qaybsiga ee Gobolada Darfyada iyada oo la ixtiraamayo Go,aanki Maxakamada Dastuuriga ahayd.
  2. In xal lagaa gaadho Qoondada Haweenka iyo Beelaha Gabooye ee kuraasta Golaha wakiilada.
  3. In la ansixiyo xeerka Doorashooyinka Guud iyadoo laga ilaalinayo wax kasta oo madmadaw ku keeni kara qabsoomida dooraashooyinka .
  4. In Gudida Doorashooyinku Ummada u soo bandhigaan istaraatijiyada shaqo eek u aadan Doorashooyinka isku sidkan .
  5. Inay xisbiyadu magacaaban ย Gudiyada xulista ee doorashada Golaha wakiilada.
  6. Inay xisbiyadu Haweenka ka siiyaan Qoondo Liiska Musharixiinta taageerana .
  7. In la adkeeyo shuruudaha dadka isku sharaxaya Doorashada Golaha wakiilada isla markaana xisbiyadu sameeyaan screening committee.
  8. In doorashada Golaha deegaanku mudo 4 bilood ah ka dambayso doorashada Golaha wakiilada si looga badbaado istaag dhaqaale iyo mid amni oo wadanka ka dhaca ,maadama oo ay had iyo jeer doorashooyinkani yihiin kuwo saameeya dalka oo dhan dhaliyana colaado iyo dilal boolisku dadka kula kacaan xilliga ay banaan baxayaan.

 

TIXRAACYO

 

Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha JSL. (2020). Heshiiska saddexda Xisbi Qaran ee doorashooyinka. https://www.facebook.com/MadaxtooyadaJSL/photos/?tab=album&album_id=3058857750894724

Horn Cable TV. (2018). Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe oo ka Walaacasan saami qeybsiga Baarkamaanka.

Horn Diplomat. (2020). Somaliland: A Democracy without Women Representation. https://www.horndiplomat.com/2020/07/18/somaliland-a-democracy-without-women-representation/?fbclid=IwAR0T1D4Tsld3a1CBDicNdsoTvyLS9CMQTvlss2crvdIOTd5it3OnjNtPcCw

Somaliland National TV. (2020). Saddexda Xisbi qaran Ee UCID, Kulmiye iyo Waddani oo heshiis ka gaadhay qabsoomidda doorashooyinka Somaliland.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka. (2011). Wax ka badal iyo kaabista xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasada- Xeer lr. 14/2011.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka. (n.d.). Dhaqangalka, Wax ka badalka iyo kaabista xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo goleyaasha deegaanka- XEER lr. 20/2001. 2001.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka. (2001a). Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland. http://garyaqaankaguud.com/wp-content/uploads/2016/06/Dastuurka-Jamhuuriyadda-Somaliland.-2001-pdf.pdf

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka. (2001b). Xeerka doorashooyinka golaha deegaanka iyo madaxtooyada- Xeer Lr. 20/2001. http://garyaqaankaguud.com/wp-content/uploads/2016/08/Xeerka-Doorashooyinka-Golayaasha-Deegaanada-iyo-Madaxtooyada-ee-Jamhuuriyadda-Somaliland-No-202001.pdf

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka. (2002). Xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka JSL- Xeer lr. 23/2002.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka. (2005). Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland. Xeer lr. 20-2/2005.