Labadii madaxwayne ee shirqoolladii ugu badnaa ka badbaaday (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

FIdel Castro ย 618 goor ayuu ka badbaaday shirqool dil ah.

Halkan laba buug baa idiinka muuqda oo laba madaxweyne taariikh nololeedkooda ka qoreen, Musharraf wuxuu ahaa Madaxweynihii Pakistan hoggaaminayay xilliyadii xaalku cakirnaa, waxa buuggiisa ku xusan in uu laayay kudhawaad (700) oo qof oo argagixiso ah. Isaguna wuxuu ka badbaaday shirqoollo aad u badan oo qaraxyo ahaa. Buuggiisa Cutub ka mid ah oo uu ugu magac daray LIFE IN THE FIRE ayuu arrimahaa kaga hadlaa aad baan ugu raaxaystay akhriska buuggiisa.

Waxa aan aad uga xumahay in aanan buugga Castro ee MY LIFE helin marka laga tagi waayo 15 bog oo aan muddo ka hor akhriyay Waan se ku raad joogaa oo Waan heli doonaa insha Allah. Hasa yeeshee, taariikh nololeedkiisa waxaan akhriyay 1961-2008 oo wakhtiyadiisii ugu xasaasi sanaa ahaa, muddadaas na CIA-du waxa ay isku dayday in ay khaarajiso 618 goor. ALLE DILE AYAA DHINTA.