Libya: Fiidnaamtii 2aad ee Masar (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Sanadkii 1962 Madaxaynihii Masar ee Gamaal Abdinasir wuxuu faragelin ku sameeyey wadanka Yemen isagoo taageeraya inqilaab ay saraakiil ciidan doonayeen in ay xukunka kula wareegeen , waxaanu u diray Yeman 70 kun oo askari .

 

Xukuumadii yamaneed ee waagaas oo ahayd yamantii waqooyi iyana waxaa taageeray wadamada sucuudigga , Jordan iyo Ingiriiska .

 

Dagaalkii oo daba dheeraaday , ciidamo badan oo masar kaga dhintay dagaalkaa yamaneed iyo dhaqaale xadhaafa oo kaga baxay wuxuu sababay in Yuhuuddu ka faaidaysato 1967 oo ay weerar gaadmo ah ku burburiso .

 

Jamaal cabdinaasir oo khasaaraha dagaalkaa yamaneed kasoo gaadhay ka hadlayana waxaa lagga qoray ereyadan hal haysa noqday ee ah ” Yemani waxay nagu noqotay fiidnaamtii masar”.

 

Si kastaba ha ahaatee go’aanka Baarlamaanka Masar ku ansixiyey in uu faragelin Militeri ku sameeyo wadanka Libiya oo ay ku loolamayaan quwado waawayni hadii lagga dhabeeyo wuxuu noqon doonaa 60 sanno ka dib , fiidnaamtii labaad ee masar .