Maanso: Dan ka hadal (WQ: Dr Suubiye Xasan Aw-suubiye) 

Inaan maansada duraanto
Inaan geeraar dareersho
Anoon doonaynba waayo
Markan duuflaalo raacno
Markay daacaddii hungowdo
Dadkayga inaan tilmaamo
Dantooda inaan hilaadsho
Markay doorkeeda gaadho
Ayaan dirqi idhi naftiiye
Dadyow dhugo waanadayda
Dalkii rag dabraaya iyo
Rag dufan jecelbaa qabsaday
Siyaasiyo duminayoo
La daadegay baa qabsaday
Ka tuure daluumo dheer
Hanaankii dawladnimo
Ka leexshe tub doora iyo
Dariiqii qaran mudnaa
Ku laale daruurahaas
Dawgii ictiraaf lahaa
Ka dhige taladii dalkaba
Dukaan ka macaash ahiyo
Malinba Daas uu nin gado
Duleeye dhulkii sannado
Diboodka qaxoontigiyo
diihaal iyo gaajo iyo
Wixii dalandool dhiciyo
Wixii dilka loo mutee
rag dhiiga u daadiyeen
Xornimo lagu doogsadiyo
Inay danta guud sugaan.
Duulkii xididiyo xigaal
Walaalaha wada dagiyo
Sokeeye is daadahshiyo
Ul iyo diirkeed ahaa
Siyaasi dirsooc qabiil
Dantiisa ku meel marshaa
Dhamaantood kala didshoo
Intuu daan daan ka dhigay
Kashoodii kala diloo
Daleed ka hantiyey xilkii
Dilaale dhulkii bilnaa
Wixii dihin yaallay iyo
madaarkiyo dekadihii
Ku doorsade shaah yaroo
duxdiisuba sii ridnayn
Inay dalka horumarshaan
Ka doorbide boobka iyo
Hantida guud iyo dakhliga
Inay daldashaan iskood
Siyaasigan daalinkee
Dadnimadii baayacee
Damiirkiisii gatee
U diir nixin maatidiyo
Dadkiisaa baahan ee
Dantiyo silicaba qabee
daluun fakhriyeed galee
Duruufuhu heensadeen
Dayee garashada jirtoo
Dahaadhye siduu wax yidhi?
Xasuus daranaa bulshadu
Waxay diif soo mareen
Waxay dirir iyo colaad
Jab iyo daal ay arkeen
Waxay macaluul darteed
Sidii qori dogox noqdeen
Siduu doorkooda yahay
Dawdawliyo been abuur
Ka aan waxba deeqin iyo
Midkooda danaystahaa
Maxay ugu duub xidheen
Ileen uma jiidh damqado
Nin uu damaciisu yahay
Inuu hanto dawliskee
Markuu darajada helana
Muxuu dibin-daabya iyo
Doogihii hore ee ku yiil
Judhiiba nabaraha damqaa
Miyay durba moog yihiin
Maxaanay u diidahayn
Dacfiga lala maagan yahay?
Waxa taa daran ka daran
Ninkii shalay idin dagaa
Maantana idin dooxayoo
Berina aad doorataan
Nin kuu daran doonistii
Maxaad ugu tumi durbaan
Miyaanay duruus ahayn
Daraato wixii dhacoo
diwaanka miyaan la galin
Duriyo ninkasta warkii
Doodayda waxaan ku jaray
Dambiile is muujiyiyo
Dammiinka nin kii ahaa
Danayste nin kii ahaa
Dab-shide iyo naar afuuf
Ayaa doonyeysanoo
Digreetada yeedhiyee
Maxaan galayee dahsoon
Ragaygii doqon ka dhigay!!! ???
Dr Suubiye Xasan Aw-suubiye
Fb:- Suubiye Xasan Aw-suubiye