Madaxtooyada Cusub: Dhib iyo Dheef Midkee ayay U Tahay Somaliland iyo Deegaanka Laga Dhisayo? (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Dad badan ayaa odhan jiray “Waxa loo baahan yahay in la dhiso madaxtooyo cusub oo ka ballaadhan gurigii loogu talo-galay Taliyihii Qaybta 26aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed” aqalkaas oo maanta ah Madaxtooyada Somaliland. Dad badan ayaa marka ay dan leeyihiin ugu yeedha “Gurigii Moorgan”. Sannadkii 1998kii ayuu nin mucaarid ku ahaa Marxuun Cigaal uu warqad u diray Maxamed Siciid Xirsi “Moorgan”, waxaanu ka codsaday in uu u soo wakiisho maamulka qasriga Somaliland, maadaama oo uu Moorgan oo lehi ku sugnaa Kismaayo. Warqad wakaalad ayuu soo qoray, waxaanu ninkii ka hadlay Somaliland Space Channel, isaga oo Cigaal ku eedaynaya in uu xoog ku haysto guri uu wakiil ka yahay. Rag ayaa yidhi “Ma soo xidhnaa?”. Marxuun Cigaalna wuxuu yidhi “Faraha ka qaada”. Mar dambe oo 2014ka ayuu Moorgan qudhiisu caddeeyay in gurigaasi ahaa guri dawladeed, oo aanu gaar u lahayn. Miyaanay ahayn in mar uun laga nasto “Gurigii Moorgan ayaa dalka laga maamulaa”. Intii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, waxa qasriga Somaliland lagu daray dhul uu ka mid yahay gurigii uu ku jiray Cabdillaahi Maxamed Ducaale Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland, waxaanan qirayaa in la ballaadhiyay, la dayac-tiray, wax badanna quruxdeeda iyo qaabkeeda laga qabtay.Markii uu xilka qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa la galay sahan ah: halkee ayaa laga dhigaa Madaxtooyada, Guurtida iyo Wakiilalda? Waxa madaxtooyada loo qorsheeyay Galbeedka Hargeysa, halka guurtida iyo wakiillada loo qoondeeyay Bariga iyo Koonfurta Hargeysa. Ma filayaba in la helayo dhul laga dhiso Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, waxa aan eegga ku koobnaan doonaa faallada dhismaha qasriga socda. Waxa aan qormadan se dhex raacinayaa suaal aan weydiinayo Duqa Caasimadda Hargeysa Md Abdirahman Mohamoud Aideed (Soltelco), oo aan leeyahay “Maayar ma qorshayseen dhulkii laga dhigayay xarumaha Guurtida iyo Wakiillada weli?. Adiga a-qaadkaas warbaahinta mariyay 2018ka?”.

Ma jirto taako dhul ah oo bannaani Somaliland, meel kasta qof, qoysas iyo ummad ayaa leh. Waxa ay noqotay in xukuumaddu awood ku muquuniso dadkii lahaa dhulka loo qoondeeyay madaxtooyada cusub. Waxa xoog iyo ciidan lagu qabtay dhul sharci leh oo muwaaddin leeyahay. Deyrkeeda waxa dhisay ciidanka, waana loo aammini waayay in shacab loo dhiibo ama ay taagaan. Dhawaan ayay ciidanka qaranku ku wareejiyeen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somalialnd Mohamed Ali Bile.Nin aanu saaxiib nahay oo wade ka ah tagsi, isla markaan aan aqoon badan u lahayn magaalada ayaa habeen si habaw/ambad ah u galay Madaxtooyada cusub. Waxa ku soo kaakacay oo gacanta ku dhigay ciidankii waday. Wuxuu yidhi “Sidii la iigu tuntay iyo jugtii i gaadhay ma malayn kartid. Waa la i garaacay oo la i hadimeeyay”. Garo, waxan filayaa in la mooday uun dadkii dhulka lahaa.Madaxtooyada cusub waxa loo qoondeeyay in laga dhiso 4km, dhan kasta waa 1km. Qiyaas ahaan cabbirkeedu waa 110 baloog. Baloog kastaa waa 10 baloodh/jago, sidaas awgeed ayay ugu fadhidaa meel ay ka dhismaan 1110 guri. Haddii aynu jago kasta ka soo qaadno in qiimaheedu yahay ugu yaraan $20,0000 waxa ay noqonaysaa $21,000,000 (kow iyo labaatan milyan oo dollar). Waxa sidoo kale la xannibay dhul ku wareegsan, kuwaas oo aan fooq laga dhigi karin. Dhulkaasi waa mid ka ballaadhan inta qasriga laga dhigayo, waxaana wadarta qiimihiisa lagu qiyaasay $30, 000, 000 (Soddon milyan oo dollar). Sidaas awgeed qiimaha dhulka madaxtooyada loo qorsheeyay iyo jagooyinka xayiran ee ku xeeran waxa lagu qiyaasayaa $51,000, 000 (Kow iyo konton milyan oo dollar).

Qiimayntani ma aha wax aan keligay iska sameeyay, waxa gorfeeyay oo aanu madal ku wada faaqidnay madal ay joogeen siyaasiyiin ay ka mid yihiin Aqoonyahan Jamal Ali Hussein, Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) iyo masuuliyiin kale.Dadka leh dhulka laga dhisayo madaxtooyadu waxa ay haystaan waraaqo sharci ah iyo xukunno maxkamadeed oo caddaynaya lahaanshahooda. Sidaas oo ay tahayna waxa lagu muquuniyay awood dawladeed. Marna ma filayo in ay helayaan wax u dhigma ama dhul-beddel la qiimo ah hantidooda la qarameeyay. Marar badan ayay saxaafadda cabasho ka soo jeediyeen, illaa haddana ma qabo in wax laga qabtay. Weliba dad badan oo hiil u fidin lahaa ayaa uga gaabsanaya in uu dalka u arrimiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay xigaal yihiin dadka dhulka leh.

Dad badan ayaa laga yaabaa inay yidhaahdaan “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kor u qaadayaa qiimaha dhulka ay beeshiisu degaan”. Marka horeba Galbeedka iyo Woqooyiga Hargeysa waxa dhulka lagu kala iibsadaa qiimaha ugu sarreeya. Waxa sidoo kale lacag badan lagu kala gataa dhulka u dhaw Madaarka Hargeysa iyo jagooyinka Bariga Hargeysa ee saaran waddada Berbera. Ma filayo in dhismaha cusub ee madaxtooyadu uu kor u qaadayo qiimihii dhulka, waxa aan se filayaa in xukuumaddu ka badheedhay inay xoog dhulkaas kula wareegto. Miyaa la hayaa meel kale oo intaas oo KM ah oo laga dhiso Madaxtooyo oo bilaash ah? Haddii xoog lagu qaado ama la qarameeyo dhul intaas le’eg oo Bariga ama Koonfurta Hargeysa ku yaalla, halkee ayay tabashada iyo dhaliishu gaadhi lahayd?Dad ayaa yidhaahda “Dhulkaas waxa qaadanaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo qoyskiisa, isaga ayaa yeelanaya marka uu xukunka ka dego”. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Hargeysa ku leeyahay guryo badan iyo fooqaq. Ma dhici karto in uu isku qoro dhismahaas iyo dhulkaas lagu hirgeliyay awoodda qaranka. Maangal maaha in meel qof laga qaaday lagu qoro qof kale. Waxa ay tiraabtaasi leexinaysaa ujeeddada laga leeyahay dhismaha madaxtooyada cusub.Waa run oo baahi badan oo caafimaad, jidad, waxbarasho iyo biyo ah baa jirta. Haddana ka fursan mayso in la qurxiyo lana qaabeeyo Qasriga dalka looga arrimiyo. Haddii maanta lagu dhiirran waayo dhismihiisa, ma garanayo xilli kale oo tallaabadaas la qaadi doono. Baahida aadamaha iyo bulshaduna ma dhammaanto, halkii la taabtana qabyo ayaa jirta. Waxa kale oo lagu doodaa “Marka uu Hebel ama nin reer Hebel ahi kursiga qabsado, waxa uu madaxtooyo ka dhisi doonaa xaafaddooda”. Sidaas miyaa? Haddii Muuse Biixi Cabdi u badheedhay in uu Madaxtooyada u huro ama u qarameeyo dhul 51 milyan dollar ah iyo qarash dhisme oo malaayiin ah, waa la eegi ninka inta uu taas hawl yari u cidleeyo, isna xoog ku muquuniya dadkiisa ee dhul 51 milyan ah iyo qarash kale oo malaayiin ah u hura dhismaha qasri kale.Haddii la dhacay dadka laga qaaday dhulka Madaarka Cigaal lagu daray sannadkii 2013ka, maanta waxa taagan dadka laga fara-maroojinayo dhulka laga dhisayo Madaxtooyada Cusub. Ma taageersani in kolba qof shacab ah oo sharci haysta la adhax-wareejiyo. Maadaama oo ay xaajadani taagan tahay, waxa aan soo jeedinayaa in lagu galo miyir-qab, hubsiimo iyo waayeelnimo. Waa in aan fara-madhnaan la dirin muwaaddiniinta dhulkooda la qaramaynayo.

Waxa aan soo jeedin lahaa:

1. In dhulkaas loo saaro cid dhex ah oo qiimaysa lacagta uu ku fadhiyo. Sida: ganacsatada, culimada, aqoonyahanka, masuuliyiin iyo madax-dhaqameed.

2. In loo celiyo ugu yaraan qiimaha uu dhulkoodu noqdo, waxa tan lagu kabi karaa dhul beddel iyo hannaan kasta oo keeni kara xal.

3. Haddii uu qiimaha dhulku noqdo wax aanay xukuumaddu keligeed bixin karin ama aanay xitaa kala-badh bixin karin, waa in lala kaashado ganacsatada iyo cid kasta oo hawshaas fulin karta,.

Ugu dambayntii waxa aan dhismaha qasriga u arkaa guul.. Laakiin waa in  la toosiyo qaabka loo wado.