Looma barooranayo. Lama calaacalayo. Lama cabanayo. Laakiin waa waajib in wax laga barto ma-hadhooyinka taariikhiga ah ee xanuunka badan. Joogsi.
Ilmadii ka qubanaysay indhihii waalidiintood, walaaladood, ubadkoodii iyo rafiiqoodii mar hore ayay qalashay. Qoysaskii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka tageen na weli way u duceeyaan waayo waxay aqbaleen oo ay ogyihiin in aanay soo noqonaynin oo aan dib loo arki doonin. Laakiin taariikh-nololeedkoodii iyo rumaynta riyooyinkoodii hiigsiga nolosha lagama samrin sababtoo ah waxay xambaarsanyihiin casharo badan oo waxtar leh. Sidoo kale, waa lamahuraan in si xilkasnimo leh looga sheekeeyo, loo falanqeeyo, oo wax laga barto dhacdadii foosha xumayd ee carro edeg looga socdaaliyay.
Dhacdadaa xanuunka badani waxay taariikhda Soomaalida kaga tagtay bar madow oo aan laga maydhi karin, laga na goyn karin. Waa ma-hadho u baahan in si joogto ah looga sheekeeyo oo loo daraasadeeyo, jiilasha dambe na loo gudbiyo si loo hubiyo in casharadii laga bartay ay noqdaan kuwo lagu horumariyo hoggaaminta siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaalida – iyo dhamaan nolosha bini’aadamka.
Soddon sannadood ka hor ayay ahayd maalintii uu xasuuq aan hore noociisa loogu maqlin taariikhda Soomaalida uu ka dhacay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho. Waxa guryahoodii oo ku yaalay xaafadda Buulo Xuubey oo ka tirsan degmada Wadajir, Muqdisho, lagala baxay dad imika tiradooda lagu qiyaasay ilaa 47 qof – waa inta magacyadooda la xaqiijiyay ee la diiwaangeliyay – kadibna gawaadhi lagu qaaday oo la geeyay xeebta Jasiira halkaasoo si aan kala sooc ahayn loogu shanaqay, kadibna xabaal-wadareed loogu aasay ilaa iyo nin dhaawac ahaa oo dhimasho looga tagay oo Ilaahay ka samatobixiyay mooyaane.
Waxaa se ayaan darro ah in maanta ay dadka qaarkood isku dayaan in ay si kale u sheegaan oo ay ka dhigaan niman argagixiso ahaa oo la soo qabqabtay, kadibna isku dayay inay baxsadaan oo sidaa lagu dilay. Maxamed Cabdi Yuusuf oo Soomaaliya ka soo noqday ra’iisal wasaare (2003-2004) ayaa waraysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in “la qabtay 750 nin oo iyaga ah [Isaaq] oo ka yimid xeryihii qaxootiga Itoobiya ee ay tageen markii ay Hargeysa ka qaxeen … waa markii ay yidhaahdeen Xamar iyo Hargeysa yaanay kala dambeynin oo [waa in] Xamar na qaraxyo laga sameeyaa … ilaa ay dileen nin kornayl ahaa oo meel iska marayay ay dileen oo ay dhagax la dhaceen.”
Wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay in xukuumaddii go’aansatay oo ay tidhi “ha la qabto oo ha la geeyo xeryihii [milateriga ee] xeebta ku yaalay oo halkaa ha lagu xereeyo.” Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in markii guryahoodii laga soo qabtay ee la soo kexeeyay baabuur la soo wada saaray. Wuxuuna yidhi: “Baabuurka waxa la saarnaa niman boliisiyo milataare ah [Koofiyad Cas]. Baabuurkii baa bacaad galay, markaasay ka daateen oo yaaceen, askartiina baas bay marisay. Wuxu sidaasay ku dhaceen. Inta la kaxeeyo, ha la dilo ma ahayn [laakiin] askartii aan security (amniga) aqoonin ayaa markay yaaceen rasaas ku riday.”
Hadalada Maxamed Cabdi Yuusuf ka soo yeedhay waa kuwo xaqiiqda aad uga fog, waana hadallo ka hor imanaya xogta dhabta ah ee la wada ogyahay iyo sidii laga soo xigtay dad badan oo goobjoog ahaa, ayna ka midyihiin Cumar Muuse Mire oo ah ninka keliya ee Ilaahay mashaqadaa ka badbaadiyay oo wareysiyo badan arrintaa ka bixiyay, oo ilaa maanta na nool, iyo Kornayl Canjeex oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay hawlgalkii dadkaa lagu soo qabqabtay – inkastoo mar la waraystay uu iska fogeeyay in dilka uu wax ka ogaa.
Ta xigta, askarta ‘Koofiyad Casta’ loo yaqaanay waxay ka tirsanaayeen Qaybta 77 oo u xilsaarnayd ilaalinta hoggaanka xukuumadda iyo sugidda amniga madaxweynaha, waxaana lagu tilmaami jiray inay ahaayeen niman aad u tababaran. Sidaa daraadeed, askar aan amniga u tababarnayn ayaa wax rasaasaysay waa jawaab caqliga caafimaadka qaba aanu qaadan karaynin.
Arrinta kale ee u baahan in la iftiimiyo ee hadalka Maxamed Cabdi Yuusuf ku jirtay waa sheekada odhanaysa dadkii Jasiira lagu xasuuqay waxay “ka yimaadeen xeryihii qaxootiga Itoobiya ee ay tageen markii ay Hargeysa ka qaxeen”. Laakiin runtu waa taa kasoo horjeedkeeda. Waayo, ta koowaad, waxa la caddeeyay in dadkaa badankoodu ay ahaayeen mihnadyaal (professionals), shaqaale dawladeed, ganacsato oo Muqdisho deganaa iyo arday markaa magalaada ku noolaa oo wax ka dhiganaysay.
Dadkii halkaa lagu isir-gumaaday waxa ka mid ahaa Maxamed Maxamuud Cumar Jaamac oo 14 jir ahaa, aabihii Maxamuud Cumar Jaamac Xandulle (Shaqalle) iyo adeerkii AxmedYaasiin Cumar Jaamac Xandulle. Ilaa iyo imika Shaqalle iyo Maxamed Shaqalle waxay ka midyihiin dadka aanay magacyadoodu ku qornayn liiska la soo daabacay ee ka kooban 47ka qof – haddii si qaldan loo qoray ma ogi, laakiin magacyadaasi liiska kuma jiraan. Taasi waxay cadaynaysaa in dadka habeenkaas oo keliya la isir-gumaaday ay ka badanyihiin inta la moodayo, iyo in ay dhici karto in aan meel keliya lagu wada dilin ee qaarkood meelo kale lagu dilay ama aasay. Sida uu Maxamed Cabdi Yuusuf sheegay waxa la qabtay oo la qaaday 750 qof, laakiin dadkaasi xaggii ay ku dambeeyeen (intii la soo daayay iyo intii la dilay) waa mid u baahan in baadhitaan lagu sameeyo.
Saddexdaa nin sababta aan u soo qaatay waa aqoonta aan u lahaa. Maxamed yare adeer baan u ahaa, halka AxmedYaasiin uu ka ahaa gardaadiyahaygii.
AxmedYaasiin wuxuu waxbarshadiisii ku soo qaatay dugsiyadii Buloxaar iyo Sheekh, kadibna wuxuu u soo wareegay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu waxbarashadiisii dugsiga dhexe ku dhamaystay dusgigii Kaasa Bobolaare. Markii uu waxbarashada dhamaystay wuxuu horaantii toddobaatanadii galay Xarunta Tababarka Macallimiinta Lafoole, oo markii dambe noqotay Kulliyadda Waxbarashada Lafoole oo ka tirsanayd Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed. Tababarkii macallinamada markii uu soo dhamaystay, AxmedYaasiin wuxuu macallin ka noqday Dugsiga Hoose/dhexe ee Dhagaxtuur oo ka mida ahaa dugsiyadii ugu magaca dheeraa magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka mid ahaa macallintii u tafoxaydatay kobcinta garaadka carruurta Soomaalida iyo horumarinta aqoonta bulshada. Wuxuuna dugsigaa macallin ka ahaa ilaa dabayaaqadii toddobaataneeyadii, kadibna wuxuu u boqoolay waddanka Sucuudiga oo uu muddo ka shaqaynayay.
Shaqalle sidoo kale wuxuu muddo deganaa waddanka Sucuudiga oo uu ka shaqayn jiray inkastoo uu wakhtigii uu barbaarayay iyo dhalinyaranimadiisii qayb ka mid ah ku qaatay miyiga Somaliland iyo waddanka Jabuuti.
Badhtamihii siddeetameeyadii ayay Shaqalle iyo AxmedYaasiin ka soo noqdeen waddanka Sucuudiga, waxayna ganacsi ka bilaabeen magaalada Muqdisho. Waxay iibsadeen oo ay noqdeen mulkiileyaasha makhaayad Muqdisho aad looga yaqaanay oo la odhan jiray Wardheer, oo ku taalay halka ay iska galaan waddada Maka Al-Mukarama iyo waddada Liberia.
Waxaa se ayaan darro ah in dadka wakhtigaa Muqdisho deganaa ee canshuur-bixeyeyaasha ahaa uu maanta Maxamed Cabdi Yuusuf ku tilmaamo argagixiso laga soo diray xerooyin qaxooti oo Itoobiya ku yaalay. Si kastaba ha ahaatee, hadalada ka soo yeedhay Maxamed Cabdi Yuusuf oo wakhtigaa ka tirsanaa golihii wasiirada xukuumaddii Siyaad Barre, wakhti dambe na Soomaaliya ka noqday ra’iisal wasaare iyo xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka, waxa lagu tilmaami karaa inay yihiin jawaabo laga soo baaraandegay oo lagu difaacayo mashiinkii dawladnimo ee isir-gumaaday muwaadiniintii canshuurta laga qaado ay ahayd shiidaalka uu mashiinkaasi ku socdo; waa mashiinkii markii dambe keenay burburkii mood iyo maal ba lahaa ee ilaa iyo imika dhibaatadiisii taagantahay.
Waxa kale oo lagu doodi karaa in hadalada Maxamed Cabdi Yuusuf ay ka midyihiin abaabul qorshaysan oo la doonayo in lagu majarehabaabiyo dhacdooyinka taariikhiga ah, gaar ahaan kuwa xanuunka badan xambaarsan ee u baahan in wax laga barto. Xaqiiqdii waxaad moodaa in dhalinyarada qaarkood la gaadhsiiyay heer ay ka xishoodaan in ay wax iska weydiiyaan oo ay baadhaan dhacdooyinka taariikhiga ah, gaar ahaan waxyaabihii dhacay – samaan iyo xumaan labadaba – intii u dhaxaysay 1960kii ilaa 1991kii. Dhacdooyinkaa qaarkood waa la buunbuuniyaa oo waxa lagu tilmaamaa ‘berisamaadkii’, halka qaar kale laga dhigo saxar yar oo meel lagu xagay oo aan waxba laga baran karin. Tusaale, waxaad qoraal ahaan ku arkaysaa ama aad maqlaysaa weedhaha ay ka midyihiin “Soomaali oo dhan baa is dishay” iyo “Maxaad la cabanaysaan ood u tidhaahdaan waana la laayay?”
Haddaba, lama cabanayo, lama na calaacalayo. Laakiin waa waajib in wixii la soo maray wax laga barto. Haddii aan loo baahnayn in dhacdooyinka qadhaadh ee bini’aadamka soo mara aan dib loo jaleecin oo aan waxba laga baranin, Ilaahay (SWT) Quraanka inoogu muu sheegeen qisaskii ambiyada iyo siday u xalliyeen caqabadihii ka horyimid iyo ummudahii hore waxyaabihii foosha xumaa ee lagu halaagi jiray, oo inamuu yidhaahdeen ku cibro qaata.
Waa lamahuraan in dhacdooyinka taariikhiga ah dib loo jaleeco, si xilkasnimon leh looga sheekeeyo, oo la qoro. “Adduunyadu waa sheeko iyo shaahid.”
Taariikhdu ma duugowdo, casharada ku duugan se waa in wax laga bartaa. Bulshada wax ka baran weyda taariikhdooda iyo wixii soo maray, waxa lagu tilmaamaa bulsho “halaag u sugnaaday” oo u nugul in ay burbur iyo horumar la’aan weligeed ku jirto.