Gudigii wasiirradda ahaa ee madaxwayne Biixi u xilsaaray xalinta xilaafka deegaanka Wadajir oo la kulmay labaddii beelood

Gudigii wasiirradda ee madaxwayne Biixi u xilsaaray  xalinta khilaaf u dhexeeyay maalmihii u dhexeeyay laba beelood oo wada dega deegaanka wadajir oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa deegaanka wadajir ayaa waxa ay la Kulmeen labadii beelood ee shaqaaqadu dhex martay.

Gudiga nabadaynta ayaa waxa ay kulan la qaateen odayaasha labada dhinac ee shaqaaqadu dhex martay, oo ay kawada hadleen adkaynta nabadgalyada.

Gudiga ayaa waxa ay ka koobanyihiin Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha, wasiirka wasaaradda gaashaandhiga, wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, wasiirka beeraha, wasiir ku-xigeenka arrimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Saleebaan Cali koore oo ah gudoomiyaha gudiga oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ka go’antahay in nabad lagu dhameeyo shaqaaqadii dhex martay labada beelood ee walaalaha ah.

Halkan ka daawo muuqaalka warkan: