Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa manta xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa Mr. Stuard Brown.

Kulanka waxa wasiirka ku wehelinayey agaasimaha waaxda wada-xidhiidhka qaranka Muna Maxamuud Toosane iyo madaxa qaybta wada-xidhiidka ee wasaaradda, Zaynab Maxamed Cabdi, ahna ku simaha Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee wasaaradda.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay xidhiidhka wasaaradda warfaafinta iyo xafiiska Ingiriiska ka dhexeeya, hirgelinta xeerka saxaafadda oo gabagebo ku dhaw, doorka labada dhinac ee joogtaynta kulliyada saxaafadda ee jaamacadda Hargeysa iyo ilalinta xorriyadda saxaafadda Somaliland.

Mr. Stuard Brown, madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa, ayaa ku bogaadiyey wasiirka dardar gelinta dhammaystirka xeerka saxaafadda Somaliland, miisaaniyada ay wasaaraddu u qoondaysay kulliyada saxaafada ee labada sanno ee soo socda oo dhan 50,000 doolar iyo sidoo kale dedaallada ay wasaarradu ka wado ilaalinta xorriyadda saxaafada.