Maxaa lagu xidhay Saado Dheer? RRU tacadiga haweenka iyo taageerada dahsoon ee culimada (W.Q: DRs. Hoodo Yusuf)

Marka laga hadlo kobcinta dhaqaalaha, wadaadku warmo soo gurta, xadiisyo  daliishada furista bangiyada xaaraanta ah. Marka haween jilicsan, guryahooda hurda, cawradoodi muuqato ay niman afduubani qafaashaan , wadaadku ma hadlo, kitaabna ma furo, xadiisna ma akhriyo.

Macnahu waxa weeye, wadaadku ficilkaa wuu taageersan yahay “Silence is consent.”  Waxaynu dhawaan  aragnay qof dumara oo ilmaynaysa oo saqdi dhexe gurigeeda oo ku yaala Hargeysa ugu soo dhaceen niman afka xidhan oo la yidhahdo RRU iyagoo raadinaya saygeediii oo Burco ku maqnaa.

Shareecada ma ogoshahay in qof dumara oo  cawradeedu muuqato in saq dhexe guriga lagu jebiyo?. Sidoo kale waxayn saaka maqalnay warka sheegaya in Saado Dheer saqdii dhexe ee habeen hore gurigeeda loogu daatay iyadoo huruda oon aan wakhtigaa dembi faraa kula jirin.

Denbiga ay gashay waa xisbi mucaarad ah oo ay u digo-rogotay. Shareecada  iyo dhaqankeena suubani ma fasaxayaa in qof dumara oo hurada dayrka looga dhaco. Miyaanay  ahayn kufsi  dawladeed “Government rape”?

Madaxweyne Siilaanyo wuu maqan yahay oo koome dheer  ayuu weli “Coma”, goor uu soo kicina Allaahu yaclam. Wasiirkii daakhilgu muraayad ayuu hortaagan yahay goor uu iska xiisa dhicina Allaahu yaclam. Amarka RRU-da waxa bixiya Amina-Weris  oo ku jirta ficiltan dumar iyo hadaanan cagtayda ku gelin. Ciidamada RRU waxay la mid noqdeen Dabar-jebintii Siyaad Barre, German SS ,Russian KGB  iyo Mussolini  SIS ”  Servizio Informazioni Speciali”

Haweenka Somaliland waxaan ku boorinayaa difaacista xuquuqdooda, raggana ilaalinta  caarkooda iyo maxastooda, wadaadkana ku eedaanka xurmada gelista guryaha, bulshadana  mudaaharaad salmi ah oo lagu toosiyo Odayga hurda iyo Wasiirkiisa. Ilaahay wuxuu kitaabkiisa quraanka ku sheegay in gelista guryaha dad kale xaaraan tahay, haddii aanad fasax u haysan.

O ye believers, do not enter other’s houses until you have asked permission and have greeted the people therein. This is best for you so that perhaps you may remember (God’s guidance).Quran- Chapter (24) sūrat l-nūr (The Light)

 

Drs Hoodo Yusuf, UK

yhoodo@yahoo.com