Qarax xoogan oo ay ku dhinteen 34 qof ayaa waxa uu ka dhacay caasimada Turkiga

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxa ku dhintay 34ย qof, sidoo kalena waxa ku dhaawacmay 125ย qof.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay goob u dhow goob basaska laga raaco oo ku taala badhtamaha Ankara gaar ahaa xaafada Kizili, goobtan ayaa waxa ku yaala ganacsiyo waaweyn, waana xaafada ugu dakhliga badan Ankara.

Goob-joogayaal ayaa waxa sheegeen in uu qaraxu ahaa mid xoogan oo sababay argagaxa badan.

Qaraxan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa wakhti ciimadada Cirka Turkigu ay weeraro dhinaca cirka ah ku qaaday fallaagada Kurdiyiinta ah ee Woqooyiga Ciraaq ku sugan. Weeraradaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 67, sida laga soo xigtay ciidamada militariga Turkiga.

Sidoo kale qaraxan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa laba cisho kadib markii safaarada Maraykanka ay soo saartay warqada digniin ah oo ay muwaadiniinteeda uga digayso in ay ka fogaadaan goobaha dawladda iyo guryaha masuuliyiina dawladda u shaqeeya.

Saddex todobaad ka hor ayaa waxa qarax gaadhi lala beegsaday kolayo basas siday ciidamo militari kuwaas oo ay ku dhinteen 29 qof, qaraxaas oo ay masuuliyadiisa sheegteen kooxda PKK.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan.

bandhige@gmail.com