Gudoomiyaha Komishan ka Doorashooyinka Cabdiqaadir Iiman Warsame iyo wefti uu hogaaminayo ayaa waxay maanta gaadheen Bali-gubadle oo ay ka socoto diwaan-gelinta codbixiyaha oo gashay maalinteedii labaad.
Munaasibad kooban oo lagu soo dhaweynayey weftigan isla markaana lagaga hadlayeyย dar-dargalinta diwaan-gelinta codbixiyayaasha oo ka socoto deegaanada kala duwan ee Gobolka Hawd ayaaย lagu qabtey Hotel Xayaad ee Bali-gubadle ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka mida Golaha Wasiirada Somaliland Xildhibaano iyo masuuliyiin ka kala soctay Saddexda xisbi qaran.
Ujeedada xafladan ayaa waxay ahayd daahfurka diwaan-gelinta codbixiyayaasha iyo wacyi bulshada bilowga diwaan-gelinta ee guud ahaan ka socota deegaanada gobolka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: