Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Degmada Sallaxley ayaa sheegay in ay taageersan yihiin qorshaha xukuumaddu ku samaynayso Seeraha Banka Qool-caday oo faa’iido balaadhan u leh bulshada iyo xoolo dhaqatada degmadda Sallaxley.
Xubnahan Madax dhaqameedka ah oo Shir jaraa’id ku qabtay Hargaysa ayaa sheegay in Seeraha banka Qool-caday aanay jirin cid keli ahaan sheegan karta, waxaanay xuseen in ay xukuumadda ku garab joogaan horumarinta banka Qool-caday iyo hirgalinta seerahaasi.
Ugu horeyn waxa shirkan jaraa’id ka hadlaay Caaqil Aamiin Maxamed Cabdi Fadh-fadhle ayaa waxa uu yidh:
“Dadku markay horumar ka hadlayaan oo shayga horumarka ah loo soo bandhigo oo madaxdooda iyo waxgaradkoodu u soo bandhigayaan isla markaana dadka wada tashi loogu yeedho wax ka wanaagsani ma jirto, Banka Qool-caday iyo Seeraha laga samaynayo waa mid manaafacaad u leh deegaanka iyo dadka intiisa kale.”
Caaqil Cali Xuseen ayaa Cadeeyay in hirgalinta Seeraha banka Qool-caday uu waxtar badan ku soo kordhin doono deegaankaasi maadaama uu noqon doono marinka ay xooluhu soo mari doonaan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Waxaan ka hadlayaa faa’iidooyinka banku leeyahay waxaan idiin sheegayaa Khayraadka ka soo baxa ama shaqaalaha ka shaqayn doona xoolaha dalkoo dhammi meeshay soo mari doonaan weeyi, sidaas darted faa’iidooyin badan ayaa inoogu jira,”
Caaqil Mustafe Maxamed Gaaxnuug oo ka mid ah Cuqaashii Kulankaasi ka hadlay ayaa Sheegay in hirgalinta Seeraha Banka Qool-caday xukuumadda loo daba fadhiisto maadaama ay Tahay mas’uuliyadaha loo igmaday, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:
“Horta dhulka dawlad baa ka dhisan, dhulkeeda iyo baddeheena dawladdaa xukunta oo loo doortay sidaa awgeed khayraadka dhulkeena ku jira beel iyo cid kale mas’uul kama ahee xukuumadda xilkaas leh.”
Sidoo kale xubnihii Kulan Saxaafadeedkaas ka hadlay ayaa dhammaantoodba iska daba maray sida ay waajibka u tahay in xukuumadda lagu garab galo hirgalinta seeraha banka Qool-caday oo Kaalin mug leh ka qaadan doona horumarka deegaankaasi.
Muranka ayaa waxa uu ka taagnaa xidhista seeraha banka Qool-caday oo ay xukuumaddu doonayso mashruuc seerayn ah ay ka hirgeliso Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF.