Wasiiradda ka soo jeeda gobolka Hawd waxay 8000 litir oo shidaal ah ugu deeqeen soo gurida dadweynaha gobolka

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Cali Xuseen ismaaciil jirde “Cali Shoombe” iyo wefti ka tirsan xubnaha Golaha Wasiiradda oo uu hogggaaminayo ayaa waxay ku sugan Bali-gubadle oo ay haatan ka socoto diwaan-gelinta codbixiyayaashu ayaa waxay wasiiradani ugu deeqeen 8000 litir oo shidaal sidii loogu dardar gelin lahaa hawlaha diwaan-gelinta codbixiyaha.

Cali Shoombe oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan dadweyne aadd tiro oo gobolka Hawd ah la diwaan-geliyo isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaanu u soconaa in aanu dhiiri geliinayo sidii diwaan-gelintu si habsami uga soconn lahay gobolka, anigu uma socono olole xisbi ee waxaanu u soconayaa sidii dadku isku wada diwaan-gelin lahaa, waayo hadba tirada iska diwaan-gelisa gobolka Hawd waxa ku xidhnaan doon adeegyada bulshada ee gobolku heli doono.”

Isagoo hadalkiisa siii watana waxa uu yidhi:

“Anigoo ka wakiil ah wasiiradda Gobolka Hawd waxaanu u deeqnay dadka diwaan-gelinta la doonayo in la soo guryo shidaal dhan 8000 litir.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalkan warkan:

bandhige@gmail.com