Kadib qarax xoogan oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo ay ku dhinteen ugu yaraan 37 qof, sidoo kalena ku dhaawacmeen tiro ka badan 71 qof, ayaa waxa uu Madaxweyne Erdogan sheegay in dalkiisu dagaal ba’an la gali doono argagaxisada.
Weerarkan ayaa waxa uu noqonayaa weerarkii saddexaad ee ka dhaca Turkiga muddooyinkan u dambeeyey.
Erdogan ayaa sheegay sheegay in kooxaha aragagaxisada ay bartilmaameedsanayaan goobaha dadka rayidka ah maadaama ay ciidamada Turkiga ka adkaadeen kooxaha argagaxisada, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Weerarada argagaxiso ee la doonayo in lagu cabsi midowga iyo sharafta waddankeen, laakiinse ma wiiqayso dagaalka aynu kula jirno argagaxisada, balse waxay xoojinaysaa go’aankeena.”
isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:
“xoogaga ammaanka ee Turkiga ayaa mintidiinta uga adkaadeen dagaalada.”
Masuuliyiinta Turkiga ayaa tuhunsan in kooxda Kurdiyiinta ay ka dambaysay weerarkan, iyadoo 9 bishan ay ciidamada cirku weerar dhinaca cirka ku qaadeen saldhigyada kooxaha Kurdiyiinta ee Woqooyiga Ciraaq ku sugan.
Kooxda Daacish ayaa bishii October ee sannadkii hore sheegatay masuuliyadda weerar ay ku dhinteen in ka badan 100 qof.
Turkiga waxa uu qayb ka yahay xulafada caalamiga ah ee la dagalamayso kooxda la magac baxday Dawladda Islaamiga, balse waxa uu la tacaalayaa ammaanka waddanka Turkiga oo ay ku soo kordheen qaraxyo lala beegsado goobo muhiim.