Xanaan Al-Xaruub oo ah macalimad Falastiiniyad ah ayaa Sabtidii ku guulaysatay abaal-marinta caalamiga ah ee loo yaqaan Varkey Foundation Global Teacher Prize, waxana guddoonsiiyey Sheekh Maxamed Bin Rashiid A- Makhtuum oo ah Madaxa Cimaaradda Dubay isla markaana ah Ra’iisal-Wasaaraha Imaaraadka Carabta.
Abaal-marintan oo qiimaheedu yahay 1 milyan oo Doollar waxa lagu maamuusaa macallinka loo aqoonsado in uu yahay kii ugu wanaagsanaa ee sannadka. Xanaan ayaana loo aqoonsaday in ay tahay macalimaddii ugu wanaagsanayd sannadkii 2016 ee dunida Carabta.
Xanaan oo hadal ka jeedisay munaasibaddii abaal-marinta iyo lacagta lagu guddoonsiiyey ayaa tidhi:
“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in shaqo-wanaagaygii la qoonsaday. Waxan sidoo kale ku faraxsanahay in aan ahay qof Falastiiniyad ah, haweenay ah isla markaana macalimad ah. Guushan waxan u aqoonsanayaa mid u soo hoyatay qof kasta oo macalim ah, gaar ahaan macalimiinta Falastiiniyiinta”
Abaal-marintan oo ka mid ah abaal-marinnada ugu qaalisan dhinaca wax-barashada, waxa la aasaasay laba sanno ka hor, Xanaana waxay noqonaysaa qofkii labaad ee ku guulaysta.
Xanaan Al-Xaruub waxay ku dhalatay kuna barbaartay xero qaxootu oo ku taalla Baytul-Laxam. Iyada oo ka faa’iidaysanaysa waayo-aragnimadii ay soo martay ee dhinaca rabshadaha iyo waxbarashada qaxootinimo waxay samaysay barnaamij lagu yaraynayo rabshadaha oo carruurta wax loogu barayo sidii hore si ka duwan taas oo ah in carruurta qaab ciyaar ahaan ah casharrada loogu dhigo. Intii uu barnaamijkani socday waxa hoos u dhacay rabshadaha ka dhaca dugsiga ay macalimadda ka tahay.
Baaderiga ugu weyn Kiristaanka, Pop Francis, oo beryahan dambe ku dedaalaya sidii uu xidhiidh ula samaysan lahaa dunida Muslimka ayaa soo hambalyeeyey. Wuxuna yidhi:
“Carruurtu ciyaar iyo waxbarasho labada way u qalmaan. Hambalyo Xanaan”
Bulshada Falastiin oo ku hoos nool cadaadis iyo waxbarasho ay waayaheeda hadheeyeen rabshadaha Bariga Dhexe iyo halganka gobonimo-doonka ayaa la filayaa in abaal-marintani u noqoto dhiirigelin weyn.
Bandhige@gmail.com